Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Warbixin Aanu Ku Eegayno Soyaalka Tarikheed Ee Ururka Hidaha Iyo Dhaqanka Kaydiya Ee MurtiMaal. Daawo Sawirada

(Hadhwanaagnews)  Monday, May 24, 2010

Sannadkii 2008 ayaa xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay  lagaga dhawaaqay  bahda hiddaha iyo dhaqanka dhalinyaradda Murtimaal, waxaana xafladaas  lagu qabtay magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland, xafladaasi oo ahay mid ay ka soo qayb galeen dhammaan xisbiyada siyaasadda, ururada Bulshad, iyo madax dhameedo, sugaanyahano suugaanta ku xeel dheer iyo marti sharaf kale, waxay ahayd maalintasi markii dhidibada loo taagay ururka Hidaha iyo dhaqanka ee Murimaal. Isla maalintaas waxaa la isla qiray in loo baahna mar horeba in  la sameeyo urur dhalinyaro oo heegan u ah ururinta dhaqanka afka iyo hiddah Soomaliga, ugu horrayna halkaas waxa hadal kooban ka jeediyey guddoomiye  ku-xigeenka xisbiga kulmiye Muj: Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in ururkaas ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta dhaqanka iyo sugaanta, waxaa isna madasha ururka lagaga dhawaaqay ka hadlay wakhtigaas, xoghayaha guud ee xisbiga Udub Yaasiin Jaamac Faarax oo isna sidaa iyo si leeg qiray in ururkan loo bahna isla markaana wakhtigaas gubaabo u jeediyay dhalinyaradda, halka Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ah Murashaxa Madaxwayne ku-xigeenka xisbiga Ucid  uu sheegay inay garab gali doonaan ururkan cusub ee hidaha iyo dhaqanka, loolaanka siyaasadeed ee ururka Murtimaal lagu kala jiidanaayo waxaa uu keenay kalsooni ay ka qaateen dhalinyarta qurba jooga  ah iyo kuwa dalka gudihiisi ku sugan ee ka tirsan ururkan, oo taageero buxda la garab galay, laakiin ururka murtimaal siyaasadday qaateen ayaa noqotay  inay u dhaxeeyeen saddexda xisbi qaran, oo aanay wax siyaasadda  ku lug leh nay yagu galin, maadama oo ay yihiin urur dhaqan waana waxyabaha ay hore ugu talaabsadeen.
Muqaalada Shirarkii ay qabteen Dhalinyaradda Ururka Murti-Maal
Bahda ururka Murtimaal oo xaflado aad loola dhacay ku qabtay waddamada Hindiyo, Masar, Malaysia, iyo Somaliland, waxay dadweyanha waddamada ku dhaqan u soo bandhigeen sugaan faro badan oo ay kaydiyeen muddadaas yar ee ay jireen, taaso runtii ah horumar la taaban karo.  Arrimaha ammaanta ay ku mudan yihiin dhalinyaradani waxaa kamid ah, Muddo haatan laga jooga sannad iyo badh ayey dhalinyaradda hiddaha iyo dhaqanka Murtimaal ay ku fikirtay inay aruuriso suugaanta dhalinta da’da yar ee soo koraysa, sababaha ugu waawayn ee ku kalifayna waxay ahayd, si loo helo jiil cusub oo badala jiilashii hore ee waawayn, iyadoo aynu ogsoonahay in suugaan yahanadii iyo dhaqan yaqaankii ay hadda intooda noolina ay ku jirto da’da gabaabsiga ama ay meesha ka sii baxayaan.

Haddaba Murtimaal oo ay ku bahoobeen dhalinyar badan koodu  hadda jaamacadaha ku jira khasatan qolayaha dibadda ka tageera ururka oo kala jooga waddamada  Sweden, Norway, UK, Holland, U.S.A, Canada, Malaysia, Masar,  Bakistan, Indiya, Kenya, Ethiopa, Yaman, iyo Qadar, Iyo Waliba Dhulka Somaliland oo xubnaha ugu badani joogaan, waxay go’aan ku gaadheen  si dhalinyarta ku dhaqan qurbaha ama ku dhashay  ay u bari lahaayeen suugaantooda iyo hiddaha iyo dhaqankii hore ee ay lahaayeen, sabab taas ayay xooga u sareen, iyagoo dhalinyarteenii ay ku milmi donaan dhaqamo kale haddii aan laga gaadhin ama aan wax looga sheegin dhaqamada aynu leenahay. Taasna waxay kala socon donaan ururka Murtimaal iyo ururada kale ee sugaanta kaydiya, waxaa kale oo yana muhiima in dhalinyaradda qurbaha ku koray la geeyo meelay ka dalacan karaan dhaqankeena suuban.  

Haddaba Ururkan  Murtimaal oo dhalinyaradii fekradan keentay ay kamid ahayeen  Jamaal Maxmed abubakar,  Axmed Riiraash, Cabdirisaaq Jamac Gaas Mucawiye, Maxamed Cumar Aadan,  Axmed Maxamed Shaqalle, iyo C/raxiim Axmed Carab, Khadar gaas, Khaddar Bulxan, Sahra Maxamed Cali, (Sahra Ladan), Mustafe Cabdikarin Cali, Cabdirisaq Maxamed Cilmi ,  Abwaan Badeed, Abwaan Ubaxle, dhammaantoodna   kala joga Malaysia Bakistan, India, iyo Hargeysa, runtii waxaa hadda ku soo biiray dhalinyaro kale oo badan iyo sugaanyahano aad u tiro badan, waxaana la odhan karaa waxay dhalinyaraddani sameyeen horumar ballaadhan oo xagga sugaanta ah. Waxaa aad uga faa´ideystay dhalinyaradda qurbaha joogta oo badanaa daawada suganta ay ururka Murti-Maal ku soo bandhigo aalada Youtube-ka loo yaqaan.
Waxaa kale oo xusid mudan in ururka Murtimaal wada shaqaynta uga balaadhan la leeyihin ururka qaban qaabiyaha Somaali week festival iyo Mooge Fastival iyo ururka kale ee la yidhaahdo redsea-online

Haddaba maskaxdaada ma ku jirtaa Murti Maanso, Maah-maah, ,Gabay Geeraar, Jiifto, hees, Masafo, Buraanbur, Sheeko, iyo qaybaha suuganta ay ka kooban tahay oo dhan, haddii ay ku jiraan intaas mid uun ha moogaan in lagugu daro bahda Murtimaal, kuna soo hagaaji cinwaankooda oo ah  editor@murtimaal.com

Waxaa warbixintaydan ku soo gababaynayaa inay bahda murtimaal ee hiddaha iyo dhaqanka dhalinyaradda ay ku bahoobeen dhammaan ardayda jaamacadaha dibadda iyo dalkaba waxa ka barta, iyo dhalinyarta u heellan dhaqanka iyo hidda raaca Somaliland.

 Waxaa Warbixintan Diyaariyey  Wariye Muniir Axmed Cigaal

Muniir Axmed Cigaal
Hadhwanaagmedia England/Uk.
Email
muniir10@gmail.com

Submit by:-Mr.UK

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca