![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Saylaay Samir Baan Kugu Ogahay Saaka Dabadeed! (Hadhwanaagnews) Saturday, July 31, 2010
Madaxweynaheena mudane AMM sidii beeshu ugu listay ugumuu hambayn, waxase waajib diini ah innagu ah in aynu taageerno. Haddii dawladda lagu saleeyay abaalmarinta degaanada taageerada xoogga leh siiyay Kulmiye, waa lagu gafay beesha. Haddii dawladda lagu dhisay qaab beeleedna waa lagu gafay beesha. Dadku waxa ay ka hadlayaan maalmahan oo dhan maxaa qabiil walba wasiir u rabaa? Waa run oo waa in aynu ka korno arrintaas, laakiin arrinta beelaha yaryari waa mid ka duwan ta beelaha waaweyn. Beelaha yaryar cusuriyad gaar ah ayaa waligoodba lagu hayay mana aha mid gaar immika loogu eedaynayo mudane AMM. Tusaale ahaan waligeed lama arag wasiir reer Sayla ah, suŽaashuna waxay tahay miyaa laga waayay Dr. Hebel ama Sh. Hebel? Maya, jawaabtu waxa weeye waa la yasayaa, waana mid ay ka siman yihiin oo ay isku wada raacsan yhiin beelaha waaweyni. Sayla waxan leeyahay Siilaanyo immika meel uu ka noqdo ma joogo oo haddii uu wasiir ku siiyo beelaha kalena way kacayaan oo dalku wuu innaga dhabqayaaye, maanta sharaf ku dhimo oo samir sadkaaga roon ma ogide. Beelaha waaweyna waxan leeyahay inta aad boobteen wasiiradii haddana mareegaha ha ku canaananina beelaha yaryar idinkoo iska dhigaya muwaadiniin ka fayow qabiil. Waxa kale oo aad ogaataan in beelaha yaryari ay waligoodba maalaan muruqooda ee aanay ahayn dawlad ku nool sida beelaha waaweyn. Ilaahayoow soomaali ka dawee qabyaalad aamiin. Somaliland ha noolaato, ha guulaysato! Khadar Axmed Barkhad Accountant Local government officer waryee@hotmail.com
Submit by:-Wariye Najax |
|||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||