(Hadhwanaagnews) Saturday, July 31, 2010
|

|
|
|
Bismillahi Ayaan Kubilaabayaa Qoraalkeygan waxa uu Rad( jawaab ) uyahay baaq kumagacaaban iney soo direen waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha maxamad sheekh isaxaaq e dagan usa.
Anigoo uhadlaya si-shakhsi ahaaneed ma daama aan ahay ruux kamid ah beelweynta cimraan waxaan kaxumahay qaab qormeedka
loo qorey baaqaas oo shaki weyn igaliyey isagoo ah mid aan xambaarsaneyn hadaliyo fikir katurjumaya miisaanka aqooneed e ay wada leeyihiin hal-doorka iyo halyeeyada magacyadoodu kuwada qoran yihiin kana muuqdana xitaa aabahay Dr maxamed warsame guled
( Dr hilib).
waxaa si cad o aan mad-madow kujirin ugaran karaa qofkastoo leh caqli suuban ineyna beelna kudhameyn xisbi kaliya oo laguwada jiray dhamaan sadexda xisbiba .sidaa daraadeed waxaa habooneed kooxdan baaqa soo jeedisey ee kamidka ahayd kulmiye markey kuhungoobeen helida saami qeybeedkii loogu balan qaadey markii lagu jirey ololaha dorashooyinka iney kuhadlaan magacooda koox ahaaneed ee xubnaha xisbiga kulmiye
maahmaah induniisyaan ah ayaa tidhaahda ( wuxuu kujecelyahay fulinta arin gaar ah ,markuu arinkaa fulana wuu kunacayaa)
waxaa leydin jeclaa ololihii dorashooyinka kursigiina wuu hantay (wuu idin nacay).
waxaan ugudbinayaa codsi raali galin ah iney naga aqbalaan beelaha lagusoo hal-qabsaday magacyadooda baaqa
waxaan kacodsanayaa nimankii baaqa qorey in loo midoobo arintan iyo arinkastaba si loo gaadho markastaba go`aan jawaab bixineed adag oo leh miisaan siyaasaddeediyo mid bulshaba
Qareen Guled Maxamed warsame ( Ina Dr hilib)
Sweden