![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Beenin war la faafiyay (Hadhwanaagnews) Monday, February 08, 2010
Anagoo u aragna waxa qoraalkiisu xambaarsanyahay inuu yahay waxaan qalbi cid islaam ah gali karin iskaba daa dad walalo ah oo is dhalay oo ilaahay meel ku wada beeray. Aniga oo ah yaasiin mirre maxamed kana mid ah odayaasha dhagarta been abuuradka ah loo xambaariyay waxaan marlabaad cadaynayaa in meel lagu shiray oo fidnadaa lagu maleegay aanan ogayn agtaydana aan cidi wax dhaggar ah ugu maleegi karin C/rashiid Axmed Warsame(faroole-dhabyaco) oo ah abtigay si aad ahna u aqaano kuna qanacsanahay inuu yahay nin mudakar ah oo aan wax xumaan ah loo nisbayn karin, xadhigiisana aan qof ahaan anigu u arko meelka dhac iyo cadaalad daro waana shakhsi caafimaad qaba oo cidna wax cadaawada aan u qabin. Waxaa la yidhi cidda isha dabta aadamigaa og, cidda uurka dabtana illaahay baa og waayeelka Habar-yoonis bari dhaqan uma laha mana gayaan in lagu tilmaamo inay isugu yimaadeen shir lagu maleegayo dhagartaa ducfiga xabaarsan. cida qortayna waxaan leeyahay maalina waa ifka maalina waa aakhiro hadaad ilawdeen illaahay anagu waan qiraynaa alle ayaana idinkala xisaabtamidoona been abuurkaa aad samayseen. YAASIIN MIRE MAXAMED CAQIL XUSSEEN XASSAN CALI MAXAMED BOQOR AXMED CALI 00252-2-4457864 ***************************************************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo hadhwanaag Media dhirri gelinaysaa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo tala wadaagga. Submit by:-Saphia |
|||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||