(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
waad salaamantihiin shacbiweynaha reer somaliland marka labaaaaaaad waxaan salaan kal iyo laaba mareegaha u marinayaa dhalinyarad Hadhwanaagnews.com sida xilkasnimada wadaniyadu ku dheehantahay ay dadkooda uga haqab tireen halkii ay tabayeen ee wararka xaqiiqda iyo dhexdhexaadnimu ah hadh iyo habeenba ugu soo tabiyaan.
intaa kadib hadii aan maqaalkayga ku soo noqdo waxaa maalin dhaweyd hadhwanaagnews ka dhagaystay waraysi uu axmed siciid cige ka duubay abwaan sangub caleemasaarkii ugaaska ciisaha ee magaalada saylac,waraysigaa abwaanku wuxuu ku sheegay in jeclaan lahaa hargaysa in uu ku noolaado oo ah hoygii uu ku barbaaray ilaa burburkii dowladii siyaad bare laakiin ay ka hortaganyihiin been abuur abwaanka uu sheegay in laga smeeyay oo aanu isagu odhan oo ahaa Hargaysa in la dumiyo ayay ahayd iyo cali samatar oo uu difaacayay iyo waliba gabayga la yidhi meeshuu ka tiriyay oo ahaa( YACDA) yacda oo ah sakaarada teeda dhadig oo la sheegay in uu la jeeday qabiilka isaaqa waa markii uu maraykanka joogaye dacwada cali samatarna la waday waa sida uu hadalku inagu soo gaadhay markii sii hore laakiin iminka abwaan sangub waa uu diiday waxaanu sheegay in laga been abuurtay oo aanu marnaba ka suurtoobin in uu yidhaah hargaysa waalagu saxnaa inla dumiyo iyo un uu u gabyo hooyadii oo uu ku sheego(Yac) markhaatiyadiina ay joogaan sidaa daraadeed been aan sal iyo raad toona lahayn warka nakala fogeeyay aniga iyo reer somaliland
intaa kadib waxaa ilaahay quraanka ka riimka ah inoogu sheegay in warka layska hubiyo oo aad loo hubiyo intaan lagu halaagsamin Nabiguna NAXARIIS IYO NABADGALYO KORKIISA HA AHAATEE aad ayuu uga hadli jiray wararka iyo fidnada dadka kala fogaynaysa in aan la sii wadwadin waxna layska hubsado somaliduna waxay tidhaah hubsiino halbaa la siistaa hashuna qiimaha ay somlidii hore ku lahayd waad garankartaa,isku soo wado duuboo waxaan ku talin lahaa dhawrkan qodob.
1>hadii aynu nahay somaliland in dadka la soo dhaweeyo oo waliba la saamaxo kii shalay ku xumeeyay iyo kii kaleba qofkana aan fikirkiisa ilaahay galiyay aan lagu cunsuriyadayn ee lagu ixtiraamo somaliland wax go lagu qaado ka weyn oo qaran ayaa ilaashanaya.
2>abwaan sangubna waxaa gobanimadu ku jirtaa in lasoo dhaweeyo la tusana in aan shacabkani wax xumaana u hayn isaga iyo cidii kaleba ee dalka imanaysa loona sheego in dalkani u furan yahay cid wal oo si nabad galyo ah ku noolaanaysa hargaysina tahay magaaladiisii oo aanay cidi kala hayn.
3>Hadraawi,Gaariye,Xasan ganay,cali banfas,axmed aw geedi,yuusuf shaacir,iyo dhamaan abwaanada somaliland waxaan leeyahay bi´iwaayee odayga gurigiisa ku soo dhaweeya oo u yeedha casuumad u fidiya kaalay oo dadkaaga iyo dalkaaga daawo horimarka ay gaadheen eeshcalaa gobonimo iyo caadkeed.
4>dhalinyarada suugaanta xiisaysana waxaan odhanlahaa abwaanka ka faaidaysta maalmaha yar ee aduunka la joogo isagoo abwaanku ilaahay qani kaga dhigay suugaanta qaybaheeda kala duwan.
Cabdale muuse cige
cige97@hotmail.com