![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Donald Payne iyo xukuumadda Rayaale yaa gar daran? (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
Donald Payne miyaa waalan, mise xukuumadda Rayaale wax ka khaldan yihiin? March 9, 2010 Donald Payne waa siyaasi ruug cadde ah oo muddo dheer arrimaha Somalia iyo Somaliland gacan culus ka geystay, oo weliba u qalbi furan hurumarka Somaliland ay gaadhay kuna daadaala in xasilonaanta iyo geeddi socodka dimoqradiyadda Somaliland ay sii fiddo. Waxaa taa tusaale u ah tallabooyinka uu qaaday ee hoos ku xusan:
Su’aasha meesha taal waxa weeye “maxaa kellifay ninka noocaas ah in lagu tilmaamo inuu yahay cadow Khilaafka maanta xukuumadda Daahir Rayale iyo Congresman Payne dhex yaal waxaa sabab u ahayd markii Dowladda Somaliland casumaad xaafiiska Guddoomiye Payne u fidiyay inay ka soo qeyb galaan shir lagaga xaajoonayo arrimaha argagaxisada oo saameeya Geeska Africa oo dhan gaar ahaan Somaliland iyo dowladaha ay deriska yihiin sida Somalia iyo Puntland. Waxaa si toos aha loola hadlay wasiirka arrimaha dibedda Mudane Abdullahi Ducale (Khadka telefoonka iyo emailba), waxaana la xidhiidhay Mr. Ted Dagne oo ah gacan yaraha Guddoomiye Payne. Xukuumadda Rayale way oggolaatay inay ka qeyb gasho shirkaas iyagoon wax shuruud ah ama cudur daar aan sheegan. Markii shirkii shaaca laga qaaday oo saxafadihii dunida oo dhan la gaadhsiiyay, ayaa Dr. Sacad la xidhiiday xafiiska Guddoomiye Payne isagoo ku andacoonaya in Somaliland gooni ahaan loo arko oo ayan doonayn inay goob la fariistaan Somalia ama Puntland. Waxaa loogu jawaabay goobtu ma aha meel la doonayo in arrimo siyaasadeed ama xidhiidhka ka dhexeeya Odaygii weynaa oo wax doonayay inuu hagaajiyo oo Somaliland la badhbadh digay Somaalidu waxay tidhaahda nin kaa xoog badan hortaabu xanaaqa, Odaygii halkii buu furkii tuuray oo isagoo markaa si daahsoon Dr. Sacad ula hadlaya ku yidhi, haddi Hadalkaasi sas badan ayuu Jaaliyadda Somaliland meel kasta oo ay joogto geliyay, waxayne nagu khasabtay in Jaaliyadda Somaliland ee Arjigeeni waa nalaka aqbalay, fursadna waan u helnay inaan la kulano Congressman Payne. Halkaas wuxuu noogu caddeeyay in marnaba joojinayn wanaagii iyo kalgacaylkii uu u qabo Arrinku sidaas buu u dhacay, waxna lagama tegin, waxna laguma darin. Coolaadda taagan waa mid ka dhaxaysa xukuumadda Rayale iyo Congressman Payne ee ma aha mid saameysa xidhiidhka ka dhaxeeya Jaaliyadda Somaliland meel ay joogtaba iyo Congressman Payne. Runtii markii loo dhaadhaco Jaaliyadda Somaliland ee Washington deggan ayaa wadddanka u ah safaarad oo wefti kasta oo waddanka ka yimaada soo dhaweysa xisbi kasta ha ka socdaane. Kharashka xafladaha ku baxa iyo ballamadaba ay doonayaan iney la kulmaan dawladda Maraykanka jaaliyadda ayaa u sameysa. Taasna waxaa noo sii dheer mar kasta oo aan ku dadaallo inaan waxgaratka iyo dowladda Maraykankaba ka dhaadhicino dimoqraadiyadda Somaliland ka jirta, waxay noo tilmaamaan doorashooyika dhici waayay. Markaan ku doodno Somaliland inay tahay waddan sharciyadu ka shaqeeyaan waxay noo tilmaamaan suxufiyiinta, siyaasiinta iyo saladiinta bila sharciga lagu xidhxidho. Markaan ku andacoono in waddanku u baahan yahay in la maal geliyo si dhaqaalaha loo dhiso, waxay noo tilmaamaan in suuq xor ah waddanku lahayn oo albaabaduhu u xidhan yihiin dad gooni ah, sida shirkadda Total oo waddanka oo dhan shidaalkiisu u xidhan yahay. Hadda oo wafti culus waddankii ka iimaanayo su’aasha meesha taal waxa weeye ma ninkii ay ku eedeyn jidheen inuu cadow Somaliland yahay bay la kulmi doonaan, mise toodii bay ku adkaysan doonaan oo iyagoo fara madhan bay iska laaban doonaan. In lala caraatamo dawladdii dunida ugu awood badnayd dhibaatooyin badan bay keentaa, meel ay wax u wadaan kooxda Rayale la garan waaye, toloow ma masaar bay liqeen! East Africa Policy Institute
Submit by:-Jamaal-Halkaraan |
|||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||