![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Marwo Edna Aadan Oo Ka Qayb Galaysa Kulan Caalami Ah Oo Ay Haweenka Dunidu Isku Arkayaan (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
Kulankan oo ku muddaysan 12-14-ka bishan, ayaa waxa ka qaybgalaya haween dunida magac ku leh oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Maaliyadda ee Wadanka Faransiiska, xoghayihii hore ee arrimaha dibedda wadanka Maraykanka Madeline Allbright , marwada boqorka Jordan, Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland, xaaska Raysalwasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Cherie Blair iyo haween kale oo dunida laga tixgeliyo. Sida lagu sheegay warkan oo aanu ka soo xiganay The Daily Beast oo ay leedahay xarunta qabanqaabisay kulankan, waxa kulankaas lagaga hadli doonaa dhacdooyin si qoto dheer u taabanaya awoodaha binu aadamka, gaar ahaan dumarka, tacaddiyada loo geysto dumarka wakhtiyada dagaalada iyo arrimo klae.
Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee haweenka adduun weynuhu isugu imanayaan, ayaa waxa ay dumarka ka qayb galayaa isugu jiraan haween horseed ka ah dawladaha dalalkooda, saxafiyiin, ganacsato, far-shaxanleyaal iyo dumarka ka shaqeeya arrimaha bulshada. Saddexda maalmood ayaa loo kala qaybin doonaa doodo siyaasadeed, riwaayado, firkir isweydaarsi iyo khudbado ay jeedin doonaan qaar ka mid ah haweenka kulanka ka qayb galayaa. Haweenka kulanka ka qayb gelaya ayaa waxa ay kala yihiin: Boqoradda uu qabo boqorka Jordan oo lagu magacaabo Rania, wasiiraddii hore ee arrimaha dibedda Maraykanka Madeleine K. Albright, Thomas L. Friedman; Katie Couric; Meryl Streep; Sunitha KrishNan; Chouchou Namegabe oo ka socota Congo, Kakenya Ntaiya oo ah aasaaraha iskuulada hablaha ee wadanka Kenya, Suraya Pakzad oo ka socota Afghanistan, Barbara Walters; Christiane Amanpour; Wasiirka Maaliyadda ee Wadanka Faransiiska Christine Lagarde; marwada Raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska Cherie Blair; Ann Livermore, madaxweyne ku-xigeenka aggaasimaha fulinta ee shirkada HP, wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland, ahna aasaasaha cisbitaalka dhalmada iyo caafimaadka carruurta Edna Adan Ismacil,
Ching Eikenberry oo ah marwada safiirka Maraykanka ee Afghanistan, Luis CdeBaca; Pamela Darwin oo ah madaxweyne ku-xigeenka ExxonMobil, safiirka wareegga ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha haweenka dunida oo lagu magacaabo Melanne Verveer, Frances Townsend oo lataliye u ahaan jirtay madaxweyne George W. Bush, Dambisa Moyo oo u dhalatay wadanka Zambian; Kathy Bushkin Calvin, Jacqueline Novogratz, Zainab Salbi; Molly Melching; wariyaha Daily Beast ee wadanka Pakistan Fatima Bhutto; Sallie Krawcheck; Dina Habib Powell, agaasimaha xarunta Goldman Sachs, philanthropist Jill Iscol, iyo haween kale oo aad iyo aad u badan.
Shirkan lagu martiqaaday Marwo Edna Aden, oo ay kaga qayb galayso magaca Somaliland, waa shirkii u horeeyay ee noociisa ah, waana shir marka la eego Somaliland ahmiyad gaar ah u leh. Source: Wargeyska Geeska Afrika Submit by:-Edit |
|||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||