(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
Aadan Cali Sabriye markii uu yimid dalka koonfur africa waxaa uu dareemay kelinimo iyo cidlo, maadaama qofka keliya ee uu aaminsanaa inuu wehel ahaan qalbiga uga heysto ay ahayd suleeqo,iyadana uu kaga soo tegay dhinacaa iyo deegaanka Xagar-dheere ee dalka kenya, waxaa uuna ka shaqo bilaabay tuulo yar oo hoos imaaneysay caasimadda labaad ee dalka S/africa, Cape town.
Waxaa keydka xasuus dhowrka ee maskaxdiisa ku soo yara dhaceysay hadaladii ay suleeqo kula hadli jirtay, kuwa isagu ku oran jiray intaba, isagoo niyadda ka murugeysan.
jacaylka ayaa ah mid wata dareema kulul iyo mid qabow intaba, waxaana la helaa jacaylka qabow markaad la joogto jacaylkaaga dhabta ah, lkn Aadan jaceelow mida heysatay waa kan kulul oo habeenkii uusan ka seexan karin, kuleel aan dadka kale haynin ayaa haayay,
Aadan jaceelow waxaa ku adkeyd inuu waco gacalisadiisa suleeqo, ileen halka uu ka shaqeynayo waa tuulo aan laga helin branch ama halka laga waco taleefanada dibadda ah ee international call-ka, iyo isagoo ugu wacneyd in uu ku cusbaa wadanka, maadaama uusan meel uga bixin tuuladii uu ku degay xiligii uu yimid S/africa.
Muddo dhowr bilood kadib ayaa suleeqo waxa ey timid S/africa, waxaana ay bartamaha magaalada cape town kula kulantay wiil ay aadan jaceelow isku dhawaayeen oo ay halmeelna ka wada shaqeynayeen,iyadoo salaan iyo iswarsi kadib weydiisay Aadan Jaceelow hlka uu joogo oo uu ku noolyahay.
waxaa uuna ugu jawaabay islamarkaana uu suleeqo u sheegay wiilkaa in ay Aadan Jaceelow isku meel ku noolyihiin oo halmeelna kawada xoogsadaan, intaa kadib ayaa suleeqo waxa ay ka codatay wiilkaa inuu siiyo taleefan lambarka Aadan Jaceelow, hase ahaatee isagoo ka xun wiilkaa ayuu ku yidhi,
"Waan ka xumahay walaal kor kama xasuusto taleefankiisa wuuna iga baxay oo iiguma jiro mobil-keyga lkn waxaan sameyn karaa in aan qaado taleefan lambarkaaga si aan isaga ugu geeyo, isagaana ku soo wacaya walaal".
Suleeqo wey la dhacday hadalkii wanagsanaa oo uu ku yidhi wiilkaa,weyn u qortay lambarkeeda iyadoona macsalaameysay wiilkaa,
Laba kala barisay kala war la, maansha la yiri, Aadan Jaceelow waa uu moogyahay in gacalisadiisa Suleeqo ay kula sugantahay wadanka, maxaa yeelay ma uusan ka war qabin safarkeedii ay ku timid S/africa cidina uma sheegan safarkaa
Qadar saacado kadib ayaa waxaa tuuladii uu Aadan Jaceelow deganaa gaaray wiilkii ay ilma adeerka ahaayeen ee loo soo dhiibay fariin uu qof weliba si weyn ugu farxa ahana fariimaha uu qalbigu dareemo ayaa wiilkii ka hor inta uusan daboolka ka qaadin ku yiri Aadan jaceelow,"Waxaa timid jacaylkaagii kenya joogtay ee suleeqo ahayd".
"Yaah yaaha, ha i dhihinee, war ma waalatay? maxaa si kaa ah maanta? adigoo cadi ah ayaa iga tagtay ee sidee waxu jiraan ii sheeg", Aadan jaceelow waa uu rumesan waayay hadalkii uu u sheegay wiilkaasi ay ilma adeerka ahaayeen, ilaa uu daboolka si rasmi ah ugu qaado fariintii salaanta iyo taleefan lambarka Suleeqo ahayd ee ay suleeqo u soo dhiibtay wiilkaasi.
Fiiro Gaar ah:- hadaba sheekadu wey soctaa qabta xigata ee 3aad waa qayb aad u naxdin badan oo wadata sawiro muujinaya inuu jacayl jiro loona dhinto.
Dignii:- waxaa loo digayaa qofki beer jilicsan inuusan daawanin sawirada ku jira Qaybta 3Aad oo run ahaantii aad u xanuun badan islamarkaana wadata sawiro naxdin mudan.
Aqristow inta ay socato sheekadani wixii su,aal ama fikir ama talo waxaad si toos ah ula xirri kartaa abwaanki ay ku dhacday sheekadani ee Aadan jaceelow oo aad kala xirri karto ciwaanada hoos ku xusan......!!!!!!!!
Email: qalbidooni1@hotmail.com
Mobil:- +27731450045 +27731450045
Qore: Farxaan Xasan
dil.qalbi1@hotmail.com