![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Cali Samatar Dacwadda Lagu Soo Oogay Waxay Muftaax U Noqon Kartaa Xasuuqii Ka Dhacay Somaliland (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
Maxamed Cali Samatar, waxa uu ahaan jirey Madaxweyne ku xigeenkii koowaad iyo Wasiirkii Gaashaandhigga, waxaanu ahaa Mas’uulkii ugu darajada sareeyey dowladdii Millateriga ahayd ee Taliskii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, darajadiisuna waxay ahayd mid ka sareysa tii uu sitey Siyaad Barre oo ahaa Hogaamiyaha dowladdii kacaanka. Darajada uu sitey maxemed cali samatar waxay ahayd Sareeye guud oo ahayd mid uu keli ku ahaan jirey, halka maxamed siyaad barre ay darajadiisu ahayd sareeye gaas, axmed saleebaan dafle, maxamed xaashi gaani, iyo maxamed siciid moorgan, iyaguna darajada ay qaadan jireen waxay ahayd mid hal darajo ka hooseysa tii maxamed siyaad barre oo la odhan jirey sareeye guuto. In badan baa la isku dayey in nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya, waxase muuqata inaan weli xal loo helin, sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2009-kii waxa la isugu yeedhay saraakiishii milaterigii soomaaliya oo shir loogu qabtey Mareykanka. Maxamed cali samatarna wuu ka soo qayb galay shirkaa, wixii halkaa lagaga wada hadlayna waxa fashiliyey Gen. Maxamed Nuur Galaal, raggii ka soo qayb galay shirkaana waxa uu ku tilmaamay rag ciil qaba, oo doonaya ineey halkiisii ka sii wadaan xasuuqii ay hore u gaysteenoo kale, waxana ay ku taliyeen buu yidhi: in la isu keeno ciidamo tira badan oo weerer ka soo bilaaba lughaya oo cagta mariya ilaa ay ka gaadhaan xadka u dhexeeya labada dale e soomaaliya iyo kiiniya, raga meesha isugu yimi waxay yidhaahdeen buu yidhi: “annaga oo ka faa’idaysanayna khibradayada ciidan sidaas ayaanu u aragnaa in soomaaliya nabad lagaga dhalin karo”. Haddaba arrintani kuma koobnaan doonto Mr. curld weldaham waxa uu u dhashay wadanka Austria, markii xilkii QM ka dhamaadey muddo yar ka dib waxa uu isku dayey inuu u tartamo kursiga madaxweyne nimo ee dalkiisii hooyo, isaga oo shaki la’aan isku qanciyey inuu si xarago leh ugu guulaysanayo jagada madaxweyne nimo maadaama oo uu tobankii sanadood ee u dambeeyeyba ahaa maxadweynaha adduunka, haddaba intii ololuhu socdey waxa ay dadweynaha reer Austria ku war galiyeen Mr. Curd Waldheim iney hayaan cadaymo la xidhiidha kaalintii uu ka soo qaatey xasuuqii uu gaystey dagaalkii labaad ee dunida. Xiligaasi oo uu ka tirsanaan jirey Naasiyiintii Jarmalka ee sida ba’an u xasuuqay yuhuudda, isla markaana uu mas’uul ka ahaa mid ka mid ahayd wershedihii dadka lagu moofayn jirey. Haddaba waxa dhacday in markii uu dhagaha ka fureystey dhawaaqii shacabka ay soo bandhigeen qayb ka mid ah cadaymihii ay hayeen iyaga oo weliba u muuqdey ineey la saayireen, oo ay wax badan astureen, taasina waxay sababtey in curd Waldheim ka soo dhaco salaankii siyaasadda, aakhiritaankiina waxa ku dhacay xanuunka khaakhaayiraadda loo yaqaan “ schizophrenia”. Haddaaba caalamka intiisa kale ayaa rere Isku soo wada duub oo dadweynaha reer soomaaliland kama liitaan reer Cabdirisaaq Suudi Nuur 4425243 Hargeysa/Somaliland. Hadhwanaaagmedia marnaba kama masuul aha, qoraalkaas, hase ahaatee, dhib iyo dheef waxa uu leeyahay waxa ka masuul ah qoraaga maqaalka, wax kasta oo ka soo noqdana waxa lagala xisaabtami karaa qoraaga qoraalkani u gaarka yahay, balse Hadhwanaagmedia waxay ka turjumaysaa xorriyatul-qawlka akhristayaasheeda kala duwan ee fikirkooda cabbirayaa, aarahaana isku waydaarsanaya Boggan. Submit by:-A-Mursal |
|||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||