Addis-Ababa- (HWN)- Shirkadda diyaaradda ee Ethiopian Airlines, ayaa shaacisay xilliga ay duulimaadyadeeda dib uga bilaabi doonto Somaliland, ka dib markii ay duulimaadyadeedii Madaarka Hargeysa joogsadeen markii 2008 qaraxyada Argagixiso ka dhaceen goobo muhiim ah oo ku yaala caasimadda Hargeysa

.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay shirkaddu maanta soo saartay, waxay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay inay duulimaadyo cusub ka bilawdo Madaarka Berbera, maadaama aanu weli dhamaystirnayn
dib-u-habaynta ku socota dhabaha diyaaraddaha ee caasimadda Hargeysa.
Shirkadda Diyaaraddaha ee caalamiga ah ee Ethiopian Airlines, ayaa daboolka ka qaaday sida ay ugu niyadsan tahay in ay si rasmi ah dib ugu bilaabayso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Somaliland Kowda Bisha Todobaad ee soo socota, duulimaadyadaas oo diyaaradaha Shirkadda Ethiopian Airlines ku tagi doonaan garoonka dayuuraddaha ee magaaladda Berbera oo ay weli ka socdaan hawlo dib u habayn ah oo lagu dayactirayo garoonkaa, sidaana waxa lagu bayaamiyay warsaxaafadeed ay maanta Shirkaddu soo saartay.
Warsaxaafadeedkan waxa lagu xusay in duulimaadyada ay diyaaradaha Shirkada Ethiopian Airlines ay ku tagi doonaan Jamhuuriyadda Somaliland ay noqon doonaan Wiigi saddex duulimaad oo gelinka hore ah Iyo Afar cisho oo oo ay ku iman doonto duulimaadyo gelin dambe ah, taas oo ay Shirkaddu cadaysay in dib u bilaabista duulimaadyadeedani ay qayb ka yihiin kordhinta iyo sii xoojinta duulimaadyadda ay Diyaaradaha Shirkadda Ethiopian Airlines ay isaga gooshto wadamadda Afrika.
Duulimaadyadii ay Shirkadda Diyaaraddaha ee caalamiga ah ee Ethiopian Airlines,ay ku tagi jirtay garoonka diyaaraddaha ee caasimadda Somalilandee Hargeysa ayaa la hakiyay tan iyo markii weeraradii argagaxiso ee qaraxyadda ahaa ay ka dhaceen caasimada Hargeysa.
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
Soohaad10@hotmail.com
Hadhwanaagnews/Office
Kampala/Uganda.