Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Magaalada Birmingham Ee Carriga Ingiriiska Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Masuuliyinta Urur Siyaasadeedka Rays Oo Booqosho Ku Jooga Uk. Daawo Sawirada.


(Hadhwanaagnews) Saturday, June 09, 2012
London-HNW) Waxaa maanta ka dhacay magaalada Birmingham oo ah caasimadda labaad ee dalka Ingiriiska, shir ballaadhan oo lagu soo dhaweynaayay madax ka socotay urur siyaasadeedka Rays oo kamid

(London-HNW) Waxaa maanta ka dhacay magaalada Birmingham oo ah caasimadda labaad ee dalka Ingiriiska, shir ballaadhan oo lagu soo dhaweynaayay madax ka socotay urur siyaasadeedka Rays oo kamid ah Lixda urur ee usoo baxay inay ka qayb qaataan tartanka doorashooyinka degaanka, masuuliyintan oo kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka ururka Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) iyo Guddoomiyaha golaha dhexe ahna afhayeenka Xisbiga Khaliif Maxamed Warsame (Khaliif Xinwaal). Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen badi jaaliyada Somaliland ee magaaladda Birmingham, soo dhaweyntan masuuliyinta ururka Rays ayaa qaybtii hore lagu sooray qado sharaf losii diyaariyay, markii qadadii loogu tallo galay dhammaatay ayaa si

toosa loo bilaabay is xogwaraysi.


Ugu horeyn waxaa shirka furay guddoomiyaha ururka Rays ee magaalada Birmingham, Faarax Maxamed Qasaali, wuxuuna ka waramay hawlaha ururka Rays ee laanta Birmingham siday bulsada magaaladu u leedahay xidhiidhka dhaw. Sidoo kale wuxuu ku soo dhaweeyay masuuliyinta socdaalka ku jooga magaaladda Birmingham iyo Gobolka West Midland-ka. Guddoomiyaha golaha dhexe ee urruka Rays Khaliif Xinwaal oo sina halkaas ka hadlay ayaa ka shekeeyay maraxilkii uu soo maray ururka Rays, sidii uu uga soo qayb qaatay wareegi hore ee tijaabada ahaa iyo halka uu hadda taaganyahay, sidoo kale wuxuu Mud: Khaliif Xinwaal ka dhawaajiyay duruufaha hadda uu ku suganyahay waddanka Somalailand, isagoo xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Silaanyo la xusi karo waxbadan oo ay qabatay, ku waas oo hadda muuqda isla markaana ay dhimanyihiin wax yaabo badani. Wuxuu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay isku duubnaanto, isagoo sharxay in tartanku yahay mid walaltinimo balse aanu ahayn in lays necebyahay.


Guddoomiye Ku-xigeenka ururka Rays Iyo Guddoomiyaha golaha Dhexe Ahna Afhayeenka ururka Khaliif Xinwaal oo ah masuuliyinta booqashada ku yimi Birmingham



Sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka ururka Rays Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo isna ka hadlay kulankii ayaa si weyn uga shekeeyay jaran jarooyinkii ay soo martay Somaliland waxyabihii u qabsoomay iyo halkay maanta marayso. Wuxuu si weyn dadkii ugu soo bandhigay qorshaha ururkooda Rays iyo mabadiidisa, isagoo dusha ka xariiqay inay ku dhisan yihiin wadatashi iyo wax wadalahansho, isla markaana uu ururkoodu ka turjumaayo is dhexgalka bulshada. Waxaa ugu danbayntii madashii ka hadlay qaar kamid ah odayaasha magaalada Birmingham oo si weyn u soo dhaweeyay masuuliyintan booqashada ugu timi. Marka laga reebo Guddoomiye ku-xigeenka Rays Aadan Dhoolayare oo isagu degaan ahaan deganada waddanka Norway, waxaa isagu magaladan hore u deganaa ka hor intaanu u guurin Jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiyaha golaha dhexe ahna afhayeenka Xisbiga Khaliif Xinwaal oo muddo dheer kamid ahaa jaaliyada magaalada Birmingma.


Muniir Axmed Cigaal
Hadhwanaagmedia England/Uk.
Email
muniir10@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.