Magaalada Oog (Gobolka Saraar) 08-06-12 wasaarada beeraha iyo waraabka Somaliland ayaa Magaalada Oog saakay ugu qabatay aqoon isweydaarsi beeralayda gobolka Saraar iyo aqoonyahanada dhinaca beeraha.
POSITION: absolute; MARGIN-TOP: 8.65pt; WIDTH: 172.5pt; HEIGHT: 118.5pt; VISIBILITY: visible; MARGIN-LEFT: 1.5pt" id=Picture_x0020_2 o:spid="_x0000_s1026" o:allowoverlap="f" type="#_x0000_t75" alt="Description: http://allidamaale.com/showimage.php?id=139.jpg">
Wasaarada beeraha iyo waraabka Somaliland waxay sheegtay inay soo bandhigeeyso kobcinta iyo sare u qaadida aqonta beeralayda iyo sidii loo hagaajiin lahaa wax soosaarka beeraha Somaliland.
Sidoo kalena Agaasimaha beeraha iyo waraabka Somaliland oo furitaankii ka hadlay madasha ayaa sheegay in tababarkan ay wasaaradu u qabatay aqoonyahanada beeraha iyo beeralayda gobolka Saraar Gaar ahaan Degmada Oog uu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo wax soo saara beeraha Somaliland.
Dhinaca kalena ka qaybgalayaasha aqoon isweydaarsiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay fursadaan qaaliga ah ka faaideysan doonaan wax ay ka bartaan, isla markaana ay ka caawin doonto sare u qaadida aqoontooda.
Aadan Jamac Hirsi
E-mail Aadan288@hotmail.co.uk
Tell: 0025224533376