Horta salaan dhamaan shacabweynaha Sl iyo warbaahiinta madaxbannaan ee Sl meel kastoo aad joogtaan dunida dacaaladeeda ilaahay waxaan idiinka baryayaa midnimo wadajir cafimaad iyo guul walalaayaal cadowgeen ha jabo.
Shirar is daba jooga ah ayaa beryahan dambee ka socoday jaaliyaddaha qurbejooga Ukay ee soo jeeda gobolka Togdheer oo runtii ah dadka ugu badan qurbaha siiba Uk iyo Mareykan (North Amrcia) markii shacabka reer Burco wada dareemay baahiida loo qabo horumarinta iyo bilicda casumadda labaada ee Jamhuuriyada Sl gaar ahaan adeegyada bulshada dib dhiska Burco International airport oo mamuulada Sl ee kala dabeeyey dayaaceen.
Max´ed Xusseen waa halyey leh karti aqoon iyo hogaamin dacaadnimo kana nadiif ah
musuuq masuuq (free from corruption) iyo wax la mid ah isla markaasna hantiyey kalsoonida shacabka reer Burco bari iyo galbeedba Mayor Max´ed Xusseen waxaa loogu xasuusta xiliggii mamuulkii ina Cigal waa kii Mayor Max´ed Xusseen ku yidhi cashuurta Togdheer waxaa ku dhisaya Burco ku bixi mayso laluush iyo odeyaal kofiyo baclayaal ah oo wax tarayaal oo wada afku maal noqoday runtii wuna kaga dhaabeeyey oo lacgtii cashuurta Burco wuxuu kusoo iibiyey iskaa roogoyiin guura qaashiinka ama xaashiiska (wast managment) wuxuu kaloo ka mid ahaa gudidi dhisida Birijiyada quruuxaha badan ee magaalada Burco.
M . X waa shaqsi leh ilaahay ka cabsi neceb wax is daba marin markii Ina Cigal arkay fiirfircoonida kartida iyo wadannimada Mayor M. X ina Cigal waa kii hinasay ee xilkii ka qaaday isagoo soo adeegsaday wasiiro reer Burco ah weliba aay Siilanyo iyo Saleeban ina Waqaf ka mid ahaayeen. reer burco bari ila galbeed wa kuwii arrintaas ka wada cadhoday ee sameeyey mudahaarad (peaceful demostatration)
Waxaan dadka reer Burco ama gobolka Togdheer dibadda iyo gudahaba ugu baaqayaa inaay u codeeyaan Mayor M . X haddi la doonayo wanaaga horumarinta bilicida Magaalada Burco Astaankeena iyo balanteenu waa We want Mayor Max´ed Xussen Back.
Hirsi gaab iyo nooc kale oo la mid ah Burco uma Baahna (yesman)
By: Cali C/laahi Ismacil Dheeg
Newport_SouthWales/UK
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga