bari ama galbeedkiisa
ma garaamatiiguu baxshaa heersan laga gaadhay
cilmaa lagu halgooyaa fankana gabayadiisiiye
galad eebe kuu qoray ayaa laga gudoontaaye
geedgaad aqbaashana midhaad aayar gurataaye
dad garoocda iyo waa jiraan laan ka goostuhuye
jiridkiisa gaamuray ma jaro raawis gudimeede
goobdii la joogana halqiku waa is garbinayaaye
taariikhta guungaa haday qaar gadminayaane
wixii kalaba waa gaar hadii loo garamayaaye
geerarka maansiyo naxwiyo hadal go.aankiisa
gaanbaa la siiyoo hibada gooni loo dhigaye
hadii loo gorgoortamo murtina guulahaa baray dheh
afartaa gurbood iyo hafade mariyay guudgood
gooli baadhna nimankii yiqiin gibil kamaan saarin
afar kalana aan soo godloon sii galgaal bixiyo
gayigii giraandii jirtiyo gabaykii siilaanyo
markay goolka wada keentaybaa loo gabiyay tiiye
goob iyo fardaartii dhakaba waa gaduu yidhiye
guurawkan jiiftada ayaa gura dhawaatuune
laga guur godgeedii horiyo gogol dhigeediiye
abwaan shaacir gaamuray markaan gaban wax waydiinin
garanmaayo maansiyo macnaha gulacda miisaane
goortuu bilaabana habdhaca waa gaf tiriyaaye
ika geedu waa waxaan ku nacay guray qar jiidhaaye
dubaabkuba biyaa soo galgalay fuudna wuu gubaye
tan ma gaadho wiil raxleeya iyo geesa xiirtuhuye
garta laba nin loo qaadayaa guul ma wada siine
gadhcastiyo qamaamurda iyo guurtidaa niqiye
gulaan iyo markiibaan giblada soo rogaal celine
gugbaa laysku soo odhan hadaan rido gantaalaaye
waa dayax gacmeed kale midkaan soo galbinayaaye
inuu samada gooshaan damciyo diilintii guraye
guratiisa waxaan sarayaa waa su.aal gone
golaan soo dhex dhigayaa god aad wada gorfaysaane
gidikiin abwaanoow shaxdaa galabta ii sheega?
gahayrkiba baryuu yidhi mar uu gabay ku quus gooyay
laylikuba gadhqaadbuu noqdaa geedigii hore.e
wuxuu galay huluulaa hayaan guure loo kacaye
ana raadkan aan goobayaa waa guluub maqane
goolaftan guuxiyo ragii goohu damiwaayay
gaabsigoodu wuxuu daaran yahay galabta ii sheega?
goonyaa caalamkoo dhami wakhtikan waa colaad go,ane
afartiisaa geesood haduu guluf ka joogaaye
nin qabwayni uu galay ninkaan uba garaabaynin
goortay is jiidhaan hadii gawraca midi gaysto
gartoodaa cidii naqi lahayd galabta ii sheega?
waa been wargaysyada miiskiin gole ka qaataaye
gaaliyo islaam iyo xiliku waaba kala guure
aduunyana gabdiibaa hadhoo way gabaabsidaye
marbaa jira waxaad gaysataa kuu ganaax yahaye
garga sare barwaaqada kuwii lagu gudoonsiiyay
guudgaa looga soo dagay sidii loo gabiyay caade
ninkii timaha kuu gaabiyaa sugena wuu u goyne
qisadii libaax iyo gisida waayo kala gaadhay
maah maahdan guungaan rabaa ila gorfaysaane
makii aarku soo gadayee soo galaangalayay
gibilgaa cadaaniyo madow waa gaduu u shaxaye
giiraale saynluu waliba gaar u kala qaybshay
ey gadoodba garanwayday iyo geesga kicintiisa
laba gawsahaa dhigay intuu aayar gawracay
midna goonibuu daaqayaa loo gabanayaaye
isna goorta uu bixilahaa galabda ii sheega?
bisha sadexa ruuxii ku guday way gudcurisaaye
isna taaga gaaraabidhaan guure wuu socone
gadoodiga habeenkii markuu gudub u qaashaarto
geedikiisu tuu gaadhi karo galabta ii sheega?
cadrad guule qiimaha haween wada gudoonsiiyay
oo goob barwaaqa,a ku nool guridhig raaxaysan
arinkeeda wiilkii galana kaba gurayn hadalka
sabankana gayaangaa u kaca doobka iyo guunga
ka hanwaynba guurkooda iyo gaafmashxaradkooda
raga geesigiisiyo nacasba waa u golmoon yahaye
gadaalbuu ka soo bixi rijaal gogol la seexdaaye
geenyo loo xishaybay tihiyo gaari dumar kowe
gabadhaa ninkeenii calfada galabta ii sheega?
guulaha abuuray dadkaba gabi ahaantoode
dhoobaduu ka soo gooyay iyo aadan gibilkiiye
makay gaadho iilkiyo godgay kala sareeyaane
qaladkiyo gafkii dhaca malaa kama garawdaane
gayigeenu soomaaliyeey wuu gabood falaye
inkastuu xuseen gooyay uu gaabshay hadalkiiba
gobtii janada laga waayaybaa hayb midkaan galiye
wax gabooye uu gaystayee lagu ganaaxaayo
nin kastoo gorfeeya hadana qiil u garanwaayo
ey galabsadeene tikoor looga dhigay gooni
ee godoonka kaligood ka dhigay galabta ii sheega?
gayigeena waa waxa la hadhay jaadkan soo go.aye
maskaxduu gumaystaa dadkana gibilku doorsoonye
hadhgadiidka nimanbaan aqoon googo qado reebe
mid ay gaajo haysaa hadana gadan maraaduufe
faa.iido waxa gaadhilaa qaar gaasiin cuna.e
hurdaduu ka gooyaa halqiga jiifna gamiwaaye
xuska garasho maankii fayoow waa falkaa gubaye
xayraan gadoodoo kiciyo gumac wax leefsiintan
caydh gidaar ka toostiyo fakhrikan lays gagabinaayo
dhibtaan laga gayoonayn bulshooy geedkanaa dhalaye
guurna uma wanaagsana layidhi raaxadii guriye
gobaladuna maalkay tabaan uun kaluu u galaye
si garaabo loo dhaafo iyo gogol mirqaaneedka
guunyadaana loo dhigilahaa galabta ii sheega?
biyo guuxa dhul gadaaman iyo samada gawdiida
ale garashadiisiyo cilmaga goonibuu u yahaye
wuu rumayn garaad fiirsadaa dunida guudgeede
nolol gaar ahaaneed markii aadan galiwaayay
geesda bidixda eeba ka jaray feedha soo godane
gabadh laga dhig iyo xawaadii garab istaagtuune
gogoshii ku raaxayste iyo goobdii janadiiye
inkastooy gadaashii cuneen geedkii lagu saaray
ubadkay gardaadsheen ka yimi caalam gabigiiye
ifkaan gaari joogteen waalee wuu goblamilaaye
xanuun gaadhay fooshay hadana galin ilaabaane
raxmad guule siiyoo haween waa kalgacalkaase
arbiciinku gootuu baxay uunsi soo gadane
waxa dumarka loo guursadaa yaan la siidhgo,ine
dimuquraadi waa ay gafdaa way gadmanaysaaye
sidii koonkan loo gaafaybay qaar gadiyayaane
garsoor jabiyay diin iyo dhaqanba galabta ii sheega?
gawaan raaca waa lagu lumaa meel gaaman maro
hadii baqalna raakooda guro wuu ku go,ayaaye
goblan talo aduunyooy ilayn way is gudhisaaye
uurku goonibuu yahay afkuna waa gobaadsane
kulmiyaaba geenyaduu gingimay loo gol leeyahaye
mid gulaana kaan gayin mid aan beerba kala goynin
marka geesi goob soo sugaad sahan ku guurtaaye
meesha geedi loo yahay mid aan yoolka garanaynin
xisbiyaabay soo wada gashooy wada guclaysaaye
garmaamaynta gurxangaa batee laysla garab yaacay
ruug cadaaga guulbaan la rabay gaadh cod bixiyoowe
xasan ciise gaarbuu ka yahay soo gadaal baxane
golayaal la soo doortay iyo gidi waasiiroo dhan
gayigay ka buxaan kuwii gabay xilkoodiiye
god,daloolo waa muush halkaan cidi gufaynayne
maqal guriga daaqdiyo nikaan adhiga gaadhaynin
gudin iyo sibraar iyo intaan gorof u soo dhiibno
sidii geela loo raacinlaa galabta ii sheega?
lixdankii gobuu wada ahaa geeskan bariyaade
hadii waayo loo wada guntaday calanka isu gaynta
kala guurtay soomaalidii gayiga waynayde
qabiil waliba goobday dagaan gaar u magacawye
goonigooni loo qaybsan iyo maamul gobaleede
gacalkuna kob jilaal haduu geedi kala aado
gugoo hooray way wada dagaan guridhigoodiiye
laba kala caloolgo,ay ma jiro geed daawayn kara,e
laftii jabistu gaadhee la kabo maaha garantiine
gidigeedna soomaaliduba waa dadkaa is gubaye
gaaliyo islaamkuna shirbay gogol u xaadheene
cidii gacanta isu saarilayd galabta ii sheeg?
maan gaabku meelahan dhawiyo waa gondaha eeg
indheer garadna tu lagaadhinbay hoga tusaalayne
abwaanada guhaangaa la la arag gabayadoodiiye
shalaybaabu gaariye lahaa waano guud marahe
afrikaakan gayigii qabsaday gaalgan madow dhaafay
koofur may gumeeyeen kuwaa maanta gubayaaye
caydiid gadaashiis shaxbaa noqotay googaaye
geesigii la waayana dadkuba goordabuu tabiye
ku galgalay atoorkuna halkii aar soo gudaye
hadii gole la muuniyo,oo loo garamo xaajoo
ayaa galaya kaalintuu lahaa galabta ii sheega?
geedgaba badhbay tahay gudmaha lagu garaacaaye
kuwan ganaf duubtiyo bulshooy duul gafuur culusba
labaduba galaaftoo dalkay galalafsiiyeene
gudaa xamar dagaalkaa socdaa waabu go,ilaaye
ragbuu ganacsigoodii noqdoo galinba daynayne
shicibkuna gasiinbay noqdeen galaya gowsaa
garanwaayay gacmahaa wadee galabta ii sheega?
dulmaa laga gadoodaa xaqbaa garab la siiyaaye
culimada garsoortaay adaan kuu gol leeyahaye
cimi guule idinkaa yiqiin qawlkan aan gudhin
anikuna guyaal doorabaan gurayay taariikhe
muslimkuba gam waakii ka dhigay galadii badare
in jihaadka loo wada guntado waan garawsanaye
ha yeeshee wuxuu i guba soo gadaal baxaye
dadna gocasho waa ila qabaan goob la joogaba,e
garaadkaba su,aal daalisaan soo gudbinayaaye
qaraxyadan la gaysdee halqiga lagu gumaadaayo
dad ku gaabshe guluub dhaarsan iyo kooxo gaar ihiye
geedibaabe sheekhbay baryana gobalo moodeene
waxay doonayaan iyo ma garan waxay giriifaane
godaniyo shabaabaa gilgilay gayigii soomaale
tawraad iyo gabiil iyo ilaa aadan laga gaadho
furgaan iyo ijiin iyo sabuur gabiga diin oo dhan
soo minguursha waxyigii la faray nabiyo loo geeyay
mad, habtay galaanbaan rabaa galabta ii sheega?
waxa waysha loo gawracaa dibi u quus goyne
gayigeeba waakaa qabsaday nacab gumaystaaye
axmed gurayba tuu diidanaa lagu gayaysiiye
qaabiil goofi waa wuxuu ba,ay guridhigeeniiye
dhib na gaadhay isu gaysanoo geeri uun dhalaye
guclo orodka soomaalidaa gaylan diriraysa
xilkan lagu gabraartiyo kursikan mooge lagu guuro
goblan hooyo gabadh sayla,a iyo aabo gaban wayday
kama koro gugeeduba waxay eeday ee gabaye
gabal dhaciyo waabari tacsita guriga soomaali
waa waxa colaad aan go,ayn lays gam joogsadaye
haduu nabar gunaadmuu waliba gibil madoobaado
guudga kama bogsoodee guntaa lag daweeyaaye
gacmo wadajir isku duubnibay guul ku dhaliyaane
hawl ma gaadho midigoo qudhoo bidix la gooyaaye
si garaadga loo maalo iyo garashadii maanka
gocashadana loo dhaafi karo galabta ii sheega?
dhaqan guurtay soomaalidii xeer gobga lahayde
yurub gaabsay danabkii ahaa gole ka baanaaye
gacmaa laabay geesigii ka jiray gobaladiiniiye
caruurtiyo gabdhaa iyo raguna waa garamayaane
gurboodkaa halaaboo marbay kaa galbanayaane
xal ma gaadho waalidkii la yidhi keena gabantiine
kii goobtan jookiyo ka maqan waaba ka gaare
dib u guray gadaal qoomamee qaar galbeed yimiye
inba guri yar imikay dagtooy kala goodoomeene
garashiyo xigaal iyo majiro gacal is booqdaaye
guyaalbaad ku waydaa qof aan galin maqnaadeene
istarayskan guud sudhan dadkaa madaxu guuxaayo
gabigoodaa waayahan sababay galabta ii sheega?
nuxur gabaya oo wada dhamaan giida ka higaadshay
oon gorfeeyay oon saxay ayaan soo golaa dhigaye
googaada laysku jawaab laba guluuboode
cigaleeshu waa gudub markaad garato waa sheen
dadka waan ka quustee
dunida shaw ragbaa nool
maxaa diricyo soo kacay
ku darsamay kuwii hore
aloow daa abwaanada
wixii diiqad galiyee
hamadooda dilayee
dib u waabinaayana
meel daran aloow gee
su,aal weeye doodani
waa hal hayskii dheeg
ilaasho@live.com
ismaaciil ibraahin yare faaliye
sweden
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga