Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gollaha guurtida Soomaaliyeed ee UK oo Soo Dhaweyn Usameeyay odayaashii Golaha Guurtada ee qaybgalay shirkii Istanbul


(Hadhwanaagnews) Saturday, June 09, 2012
London-(HWN)- Waxaa xaflad soo dhaweyn ah oo si heer sare loo soo qaban qaabiyey loogu sameeyey magalada Birmingham ee wadanka

London-(HWN)- Waxaa xaflad soo dhaweyn ah oo si heer sare loo soo qaban qaabiyey loogu sameeyey magalada Birmingham ee wadanka Ingiriiska odayaashii Golaha Guurtada Soomaaliyeed ee UK uga qaybgalay shirkii Soomaalida loogu qabtay magalada Istanbul  ee wadanka aan wallaalaha nahay ee Turkiga ayagoo kahorna Magalada Muqdishu gaaray. Odayaashaas oo kala aha Professor Maxamud Nur iyo Malaaq Maxamed Cabdullahi Cabdiyow ayaa waxaa xafladaas u qabtay golaha guurtida Soomaaliyeed ee UK oo u horkacayey gudoomiyaha Sharif Ahmedey, ku xigeenkiisa Xaji Mocow iyo Sharif Mohamed. Xafladaan oo ahayd qado sharaf ayaa waxaa lagu qabtay


Resturantiga Suldan ee ku taal bartamaha magalada Birmingham. Ugu horeyntii waxaa halkas ayado quraan ah ka aqriyay Mudane Maxamed Sharif oo odayaasha ka mid ah, asagoo ka dibna ku soo dhaweyay mikrofanka Gudoomiye ku Xigeenka GGS ee Uk Mudane Xaaji Macow. Xaaji Macow wuxuu halkas ka soo jeediyay erayo soo dhaweyn ah iyo sabata munasabadan loo qabtay, ka dibna wuxuu hadalka ku soo dhaweyay Gudoomiyaha GGS ee Uk Mudane Sharif Axmedey. Sharifka wuxuu sheegay in oddayashasi ay Golaha u dirsadeen Muqdisho iyo Istanbuul ayagoo soo qabtay shaqo  wanaagsan, wuxuuna ugu dambeystii hadalka u wareejiyay dhanka wafdigii soo noqday.

 

Waxaa markaasi hadalka qaatay Malaaq Cabdiyow oo ka hadalay safarkiisa Turkiga ee Istanbul. Malaaqa wuxuu sheegay in halkasi si fiican loogu soo dhaweyay asgo wadahadalo la yeeshay dhammaan Madaxdii iyo Saladiintii ka timid Muqdishu. Wuxuu yiri waxaan soo boqanay meelaha tariikhiga ah ee Istanbuul. Wuxuu yiri waxaan halkaas ku aragnay oo Dhamaan Saladiinta isku racday “ In dhul aan nalaga fiicneen ee nalaga dad fiican yahay”

 

Ka dib waxaa hadalka qaatay Profosor Maxamud Nuur asgoo u mahadceliyay qabanqabiyaasha munasabadan, wuxuuna si kooban uga sheekeyay xaaladda magalada Muqdishu. Asago ugu dambeystii ku dhiiri geliyay ka soo qaybgalayaasha in wadankii dib lagu noqdo si looga qaybqaato dib-u-dhiska madama u dalku baahi weyn u qabo dad aqoon leh. Profosorka wuxuu beeneyay in aan waxba ka jirin wararka beenta ah in Muqdisho ay tahay meel aan amaan ahayn oo bahalo galeen ah.

 

Waxaa isna halkas hadal kooban ka soo jediyay Mudane Ali Ahmed (Ali Jabaye) oo isna ka shekeyay safarkiisa ugu dambeyay uu Muqdishu ku tagay asago tilmaamay in xaladu ka duwantahay sida loo haysto iyo in ay magaaldu nabad la isku haleyn karo kajirto.

 

Ugu dambeystii waxaa Xafladda soo xiray Gudoomiyaha GGS ee Uk Mudane Sharif Ahmedey oo u mahadceiyay inta ka qayb qaadatay Xafladaas.

 

 

Afhayeenka Gollaha guurtida Soomaaliyeed ee UK

Ing. Ahmed Warsame Abtidon (Ahmedgurey)

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.