face=Calibri>Kadib markii uu ka soo amba baxay goobtiisii shaqo kuna siijeeday hoygiisa ayaa xaafada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho ayaa kooxo dablay ah waxaa ay ku dhufteen ilaa iyo laba xabadood taasi oo uga dhuftay dhabarka iyo beerkayaraha .
Durbaba Wariye shariifka waxaa loola soo cararay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kaasi oo ilaa iyo hada lala tacaalayo xaaladiisa Caafimaad.
Warar iminka ka soo baxaya isbitaalka Madiina ayaa sheegya in Wariyaha qaliin lagu sameeyay lagana Soo saaray mid kamid ah xabadihii lagu dhuftay kaasi oo laga soo baxshay beerkayaraha xaaladiisana cafimaadn ay ka soo reyneyso.
Macada ilaa iyo hada cida dhaawaca ugeystay Wariye Maxamed Shariif oo ka howl galayay idaacada barkulan waana Wariyihii Labaad ee ee xaafada Xamar jajab dhibaato logu geysto iyadoona ay kol hore aheyd markii isla xaafadaasi lagu dilay allaah unaxariisyee Wariye Cabdisalaan Xiis oo ka tirsanaa shaqaalaha Tvga Caalamig ah ee HCTV xarunteeda Muqdisho.
Xasan kuuriya
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
kuuriya@hadhwanaag.org