aheyd 7:30 pm maanta oo Jimco ah waqtiga Muqdishu.
Nimanka weerarka geystay ayaa 10 xabo oo rasaas ah ku furay weriyaha laakiin nasiib wanaag laba ka mida rasaastaasi ayaa midi ka haleeshay xabadka, meel ka hooseeysa wadnaha, waxayna kaga sii dustay dhabarka dambe, iyadoo tan kalena ay dhex fariisatay caloosha.
Kuwii weerar soo qaaday ayaa markiiba goobta ka baxsaday, iyadoo aan la qaban, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.
Laba ka mida suxufiyiinta Muqdishu ayaa caawiyey weriyaha la dhaawacay oo markiiba ula cararay isbitaalka Madina, halkaasoo lagu sameenayo qaliin lagu badbaadinayo maadaama uu dhiiga kaga furmay caloosha.
Waxaa lagu riday in ka badan 10 xabadood laakiin nasaiib wanaag laba ayaa ku dhacday oo midi dhabarka dambe ayey kaga dhacay, mid kalena hore xabadka ay kaga dhacday, waxayna hoos martay wadnaha, taasoo sababtay dhiig bax gudaha ah. dhaqaatiirta ayaahada la tacaalaya oo qaliin ku sameenaya, ayey tiri Sahro Cabdullahi Ciise oo ah suxufiyad ka howlgasha TV-ga afka Somaliga ku hadla ee S24, taasoo caawisay weriyaha la dhaawacay, waxayna intaasi ku dartay Waxaa laga saaray beer-yarada intii qaliinka uu ku socday,
Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay weerarkan, cidana weli ma sheegan masuuliyada falkan.
Waxaanu cambaareenaynaa weeraradan naxariis darada ah ee lagu hayo saaxiibadeena iyo weliba kuwa weerarka geysta oo weli aan la ciqaabin, ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ Mohamed Ibrahim, Waxaanu ugu baaqaynaa dowlada Soomaaliyeed inay baaritaan deg deg ah oo dhex dhexaad ah ku sameyso dhacdadan.
Waxaan ku baaqaynaa in la soo afjaro dembiyadan khatarta ee ka dhanka ah suxufiyiinta, isla markaana aan looga harin kuwa dilalka geysta iyo dambiilayaasha ee weli shirqoolaya suxufiyiinta iyo dadka u shaqeeya warbahinta. ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mohamed Ibrahim.
Mohamed Sharif waa markii labaad oo la dhaawaco, iyadoo 4-tii April ee sanadkan 2012-ka dhaawac fudud uu ka soo gaaray kana mid ahaa koox weriyayaal ah oo ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta tiyaarka qaranka ee Muqdishu, qaar ka mida weriyayaashaasi ayaa xaaladooda ay liidataa.
Lix suxufi ayaa lagu dilay Somalia shan bilood gudaheed, taasoo ka dhigaysa Somalia meel halis ah oo ay ku howl galaan suxufiyiinta madaxa banaan.
Hadhwanaagnews
Office Muqdisho
contact@hadhwanaagnews.com