Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xukuumada Soomaaliya oo Ka Warbixisay Safarkii wafdiga Raisul Wasaare Gaas ku tageen Wadamo Badan iyo Shirkii Ka Dhacay Stanbul


(Hadhwanaagnews) Saturday, June 09, 2012
Muqdisho-(HWN)- Kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubnihii wefdigiisa ay ka soo

Muqdisho-(HWN)- Kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubnihii wefdigiisa ay ka soo qeybgaleen ka dhacay  dalka turkiga kanao qeyb galeen in ka badan 50 dal iyo hay’ado Caalami ah kaa oo lagaga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta uga warbixiyay safarkiisa wuxuuna sheegay in Shirkii labaad ee Istabuul ee dalka Turkiga u ka qeyb galay islamarkaana tilaamay in shirkaasi looga hadlayay hormarka dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa dhinaca mashaariicda hormarinta dalka, Isagoona sheegay in

shirkaasi uu ku soo dhamaaday si guul ah.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan qeyb galno shirkii Istanbuul ee dalka turkiga kaa  oo lagaga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Shirkaasoo ku soo dhamaaday guul islamarkaana shir muhiim ah u ahaa gedi socodka  Nabada Soomaaliyeed ee dowladda Walaalaha nahay ee turkiga inoo qabatay.

 Waxaan ka gudbeynaa KM Gaarnimada sidoo kale waxaan ku jirnaa dhameystirkii Dastuurka, Waxaan galeynaa jawi nabadeed marka barnaamijkaas socdo in lagu taageero xukuumadda laguna bixiyo dhaqaale Soomaaliyana mudadii 20-ka sano ee colaada ka jirtay la soo afjaro”.

 

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in socdaal uu ku soo maray dalka Kenya islamarkaana ay Mas’uuliyiinta dowladda Kenya ay isla afgarteen sidii kor loogu qaadi lahaa  xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

 

Hadhwanaagnews

Office Muqdisho
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.