.jpg) |
|
Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) |
Hargeysa, (HWN) Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu dada weyn mudaneyaasha labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa ku baaqay in la joojiyo shirka beesha Habar Yoonis haddii ujeedo dumin ah uu salka ku hayo, balse haddii wanaag lagu shirayo ay daw tahay, isaga oo dhinaca kalena taageeray xukunkii Maxkamada gobolka Hargeysa ay dhawaan ku riday masuuliyiintii ku eedaysnaa raashinkii mucawinada ahaa, waxaanu tilmaamay in qofkasta oo la qoonsado la xidhi doono.
Sidoo kale Xaaji Cabdikariin ayaa markii ugu horaysay suaal Suxufi waydiiyey is-diidsiiyay dagaalna u raaciyey inuu ka hadlo xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo
Madaxweyne Siilaanyo.
Waraysigaasi oo uu shalay kula yeeshay xarunta golahooda Wargeyska Haatuf ayaa sidoo kale Xaaji Cabdi Waraabe uu kaga hadlay arrimo kala duwan, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:-
S; Xaaji Cabdi Xukunkii Maxkamada gobolka Hargeysa ay maalintii Axadii todobaadkan ku riday masuuliyiintii lugu soo eedeeyey raashinkii mucaawinada ee la musuqmaasuqay siduu kuugu muuqday?
J: Ninkii la qoonsado-ba waa la xidhayaa, si wanaagsan baan u arkaa Maxkamadu waa Maxkamad cadliya, ninkii baydha Madax iyo minjaba, Maxkamada waxa loo dhisay inay xukunto.
S: Waxaa lagugu xantaa in xukuumadii timaada iyo Madaxweynahayaasha hogaaminayaba aad qalad iyo sax-ba ku taageerto, arrimahaasi maxaa kugu kalifa?
J: Hadaa ma gidaarada ayaan ka qayliyaa Madaxweynayaasha iyo dawladaha aniguun baa la hadla, nin qaad doonaya ayuun baa qaylinaaya, ma qaad baan doonaa oo gidaar baan istaagaa? Hogaan dhaqameed qaloocana yaan la arkin, kuwa afka xun ku hadlaya ee shacbiga iyo xukuumada u dhexeeyaana hays toosiyaan, ilaa Yoomal Qiyaamaha wax way dhinaanayaan.
S: Qaar ka mid ah Madaxdhaqeedyada beesha H/yoonis waxay dhawaan sheegeen in shir beeleed ay ku qabsanayaan badhtamaha bisha July 2012-ka magaalada Ceerigaabo ee xarunta Sanaag arrinkaa sideed u aragtaa?
J: Odhaahda Habar Yoonis yidhaahdeen baa wax u dhimaysa, hadalkaa horaa loo yidhi oo Garxajis bay yidhaahdeen oo horay ugu ceeboobeen, shirka wax toosinaya ee wax dhisaya waa macne hadduuse wax dumaniyo halaga joojiyo.
S: Garaadada beelaha Dhulbahante ee Muqdisho ka raadinaya midnimo Soomaaliyeed ee Somaliland ka maqan, maxaad ka odhan lahayd?
J: Waxaan idin leeyahay dalkiina Somaliland aamina oo iska daaya dibad wareega, hogaan dhaqameedkiina Sool iyo Buuhoodlow reer Somaliland baad tihiine dadkiina waxbarasho iyo horumar u doona, iska daaya dibad wareega oo dalkiina u soo noqda.
S: Xubno ka tirsan golihiina guurtida ayaa waxay dhawaan Madaxweynaha ku eedyeen inuu golaha baabiinayo, arrinkaa maxaad ka leedahay?
J: Hadal la waayi maayo ilaa Yoomul Qiyaamaha, hadal nin ka muruxsadayna lama raad raaco, dawlad baynu nahay hadal baydh la waayi maayo, Madaxweynuhu wax uu dhiso mooyee wax uu baabiinayo maan arag.
S: Xaaji Cabdi Xidhiidhka idinka dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo oo lagu tilmaamo inaad si weyn iskugu dhaw-dhawdihiin muddadii uu talada hayay, sidee buu yahay?
Xaaji Cabdikariin oo suaasha Suxufiga waraysanayay uu waydiiyay ka gubtay, isla markaana cadho badan ka muujiyay suaashaasi, ayaa feedh faro gorgor ah kaga dhuftay laabta, waxaanu yidhi Ma Suaal la is weydiiyaa adiga iyo madaxweynaha xidhiidhkiina ka waran maxaad uga jeedaa?
Nin xun baad tahay suxufi Maxamed Sagaxow, waa Madaxweynahaygii dee, dadkoo dhana waa u wada Aabo waana nin weyn Ictiraafkiina taako ayuu u jiraa.
Haatuf.