Hargeysa(HWN):- kalfadhigii 18aad ee golaha wakiilada somalliland ayaa maanta si rasmiya u furmay xarunta golaha wakiilada ee magaalada Hargeysa.
Kalfadhiga 18aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa maanta mudanayaashii ka soo xaadiray loogu qaybiyey ajandaha kalfadhigaas uu ka kooban yahay.
Fadhigan golaha wakiilada ee maanta oo u shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland md. Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey ajandaha kal fadhiga 18aad ee golaha
wakiilada iyada oo gudoomiyuhu ku war geliyey mudanayaasha golaha wakiilada in maalmaha soo socda la guda gali doono ansixinta ajandaha.
Ajandaha kalfadhiga 18aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa ka kooban:
1. Warbixinta shir gudoonka golaha wakiilada,guddida joogtada ah iyo guddi hoosaadyada golaha.
2. Mashaariicda sharci ee golaha hor yaal.
Sidoo kale xeerarka ku jira kalfadhiga 18aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa kala ah
1. Xeerka fayo dhawrka hilibka.
2. Xeerka nabad gelyada wadooyinka
3. Xeerka aas aaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
4. Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka.
5. Xeerka baanka islaamka
6. Xisaab-xidhka dawlada ee sanadaha 2008,2009,2010
7. Xeerka statistics-ka
8. Wax ka badalka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha.
Dhinaca kale inta lagu gudo jiro kalfadhiga 18aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa waxa lagu eegi doonaa
1. U yeedhista masuuliyiinta qaranka.
2. Ansixinta masuuliyiinta qaranka
3. Iyo wixii kale ee soo kordha.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com