Hordhac
Guud ahaan doorashooyinkii ka dhacay wadamadii ay ka dhaceen kacdoonku, waxa awood weyn ku yeeshay wadaadado qunyar socd ah, oo la jaanqaady siyaasada caalamka islaamka.Wadaadani waxay kasbadeen bulshadii xukunka ka riday talisyadii macangaga ahaa ee muddada
dheer ku amar-ku-taaglaynayey masiirka ummadda. Reer galbeedkana ka dhaadhicin jiray inaan loo baahnayn wadaad xagjir ah, oo dalalkooda maamula. Dadkana ku xukuma shareecada islaamka.
= masar: doorashooyinkii hore ee baarlamaanka waxa si weyn ugu xoog roonaaday kooxaha ikhwaanu-muslimiinta iyo salfiyiinta, oo kala helay 47% iyo 25%. Halka doorashadii madaxweynaha ay weli hogaaminayaan ikhwaanu muslimiinta waa maxed muursi oo ah wadaad qunyar socd ah. In kastoo wareegii labaad la sugayo.
= tuunisiya: doorashooyinkii baarlamaanka waxa guul weyn helay xisbiga al-nahda oo ah islaami qunyar socda, wuxuuna helay 51% taaso keentay inay magacaabaan raysal-wasaare Xamaad al-jabaali, oo isagu ahaan jiray xoghaya guud ee xisbigaasi.
=morooco: doorashooyinkii ka dhacay dalka morooco waxay guushii si weyn u raacday xisbiga cadaalada iyo horumarinta oo islaami qunyar socd ah. Arrintaasi waxay keentay inuu boqorka dalkaasi soo magacaabo raysal-wasaare islaami ah. Waxaana loo magacaabay c/laahi binkarayn oo aaminsan siyaasad dhexdhexaad ah.
=Liibiya: in kastoo weli aanay doorasho ka dhicin dalk liibiya, oo ay weli xukumaan gole ku meel gaadh ahi, hadana waxa si weyn loo saadalinyaa inay soo baxaan islaamiyiin qunyar socd ahi, waana xisbiga xoriyada, cadaalada iyo horumarinta. Kaasoo saamayn weyn ku lahaa kacdoonkii lagu riday m/weynihii dalkaasi co. Mucamarl-qadaafi.
=yeman: dalka yeman waxa ka dhacay doorasho m/weyne, oo musharax keliya ah, oo aanay cidi la tartamin. Waana m/weyne ku-xigeenkii hore ee dalkaasi. Waxaa dhawaan la saadaalinyaa in la qabto doorashooyinkii baarlamaanka waxaana si weyn loo saadaalinyaa inay 65% ay ku guulaysan doonaan ururka al-islaax oo ah wadaado qunyar socd ah oo awood iyo saamayn xoogan ku leh bulshaweynta dalka yeman.
= kuweyt: wax doorasho ahi kamay dhicin, balse kacdoonadii ka dhacayey dalalka carabtuwaxay ku khasbay inay wax weyn ka bedelaan distuurka iyo golaha xukuumada. Waxaana lagu soo daray kooxihii ugu cuslaa ururka wadaada al-islaax ee sida weyn looga dambeeyo dalkaasi. Waxay awood xoogan ka haystaan jaamacadaha, iskuulada iyo saxaafadda dalkaasi.
= Urdun: sidoo kale wax doorasho ah oo xalaal ahi kamay dhicin, laakiin sida qayrkeed oo kale waxay bedeshay distuurka iyo xukuumadii oo qaab cusub loo soo dhisay. Waxaa lagu soo daray konton wadaad oo islaax ah, kuwaasi oo hogaamiya jaamacadaha dalkaasi, si aan loogu kicin xukuumada amma looga badbaado kacdoon weyn oo dhalinyartu hor-kacayso. Waxaana loo soo dhiibay qorshe ah inay dhalinyarta ka dhaadhiciyaan in dalkoodu la mid ahayn dalalka kacdoon ka socdo oo xukunka loo siman yahay.
= cumaan: mar dambe ayuu dalkani talaabo weyn qaaday oo uu kaga hortagyo in lagu kaco, amma lagu sanduleeyo inuu doorasho qabto. Dhimihii golayaasha kala duwan ayaa lagu soo daray sideetan macalin oo wax ka dhiga jaamacadaha iyo iskuulada iyadoo laga baqayo inay kacdoon sameeyaan. Dhammaan macalimiintani waa wadaado qunyar socd ah oo aaminsan afkaar dhexdhexaad ah, waxaana lagu magacaabaa al-sabaax. Waxaana la faray inay la socdaan fikirka dhalinyarta si aanay u saamayn dabaylaha is bedel doonka ahi.
= sucuudi- arabiya: waa dalka ugu balaadhan bariga dhexe, weli wax doorasho ahi kamay dhicin. Awoodda dalka waxa xoog ku haysta boqortooyo muddo dheer kursiga iska dhaxlaystay, oo isku dhal-dhashay. Dabaylihii kacdoon waxay kaga hortageen siyaasadii dalka oo ay furfureen. Dalkani wuxuu hoy u yahay kooxo wadaado kala duwan iyo afkaar kala duwan oo dhammaantood taageersan boqortooyada. Laakiin qaar diidan way jiraan isma se muujiyeen. Markiiba waxay la shireen wadaadii afkaarta debecsanaa ee la fahmi karayey, oo qaarkood lagu daray xukuumada, halka qaar kalena la siiyey shaqooyin mushahar badan. Ujeedaduna ay tahay inay taageeraan xukunka dalkaasi, oo ay jiheeyaan dhalinyarta si looga baaqsado doorasho iyo kacdoon. Waxa kale oo la laqimay in dalkani ku yaallo meelo barakaysan, oo haddii kacdoon ka dhaco inay khatari soo foodsaari doonto goobahaasi. Ka dib warbaahintii dalkaasi waxa lag bilaabay barnmaamijyo dadka indhahooda lagag jeedinayo kacdoonka iyo doorashooyinka ka socda dalalka carabta.
F.G. isbedelkan ka dhacay duunida carabtu wuxuu filan waa ku noqday, siyaasadii reer galbeedka ee majaraha u haysay talisyadii macangaga ahaa ee muudada dheer ku amar-ku-taaglaynayey hogaanka ummadda. Waxaa kale oo ku fashilmay aqoonyahandii reer galbeedka oo saadaalinyey inaanay wax wadaado ahi soo bixi Karin, oo dadku ay naceen wadaad xukunka qabta, oo dalka godoon ka dhiga. Waxaana yimid xaqii ahaa in islaamku adduunka ka taliyo.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com