Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


islaamka iyo siduu uga qayb qaatay gaadhsiinta cilmiga sayniska ee yurub by hamse riraash


(Hadhwanaagnews) Saturday, June 09, 2012
Islaamkiyo siduu uga qaybqaatay gaadhsiinta cilmiga sayniska ee yurub marka aynu rabno inaynu kahadalno sayniskiyo

Islaamkiyo siduu uga qaybqaatay gaadhsiinta cilmiga sayniska ee yurub marka aynu rabno inaynu kahadalno sayniskiyo siduu islaamku uga qayb qaatay gaadhsiinta dhulka yurub waa inayno horta wax ka iftiimanaa waxa ay tahay yurubtu yurubtu waxa ayka mid tahay 7da qaaradood ee sameeya dhulka galbeedka waxa ka xiga Atlantic ocean kuunfurtanawaxa ka xiga mediterranean sea woqooyigana

Waxa ka xiga Aractic ocean bariguna malaha xuduud cad oo ka sooca aasiya hase ahaatee juquraafiyahanadu waxa ay u qaataan buuraha lugu magacaabo ural iyo wabiga lugu magaacabo isna ural inay tahay xuduudka yurub waxa kaloo yurubta loo yiqaanay intii ay maamuli jirtay kiniisadii galbeedka ee room marka laga reebo intii ay maamuli jirtey kiniisadii lugu magaacaabi jirey constantinople imigana waxa


yurubta loo yiqaanaa wadamada la isku yidhaahdo european communnity

magaca yurubna markii ugu horaysay waxa laga dhex arkay gabay giriiga oo la tiriyay qarnigii 8aad ciise kohor hase ahaatee gabaygaasi waxa uu ku koobnaa woqooyiga giriiga taasina cadayn kama dhigayso inuu halkaasi ka yimid taariikhyahan hore oo lugu magacaabi jirey herodotus ayaa ahaa taariikhyahankii ugu horeeyay ee adeegsada magaca yurub isagoo aduunka ukala qaybshay sedex qaaradood oo kala ah europe Asia iyo libya oo uu uga jeeday afrika hase yeeshee isna waxuu qirey inaanu garanayn meeluu ka yimid magacan yurub taariikhyahanada imiguna waa lamid.

Si kastay ahaataaba yurubtu waxay la macno tahay kalmada far-sighted from the greek ward euros oo iyadna looga jeedo broad ama balaadhan optikes iyadna waxa looga jeedaa eye lakiinse dadka qaarkood ayaa rumeysan in magacyada aasiya iyo yurub ay ka yimaadeen boqortooyadii lugu magacaabi jirey mesoptania iyo luuqadoodii la odhan jirey akkadian-ka ASU oo looga jeedo bixitaan iyo erebu oo looga jeedo galitaan markaas asu waxay noqonaysaa asia iyo erebu oo noqonaysa europe aasiyana waxa ay noqonaysaa bari ama meeshii cadceedo ka soo baxaysay iyo yurub oo noqonaysa meeshii cadceedo ka dhacaysay ama galbeed.

Hadaba hadii aynu eegno islaamkiyo gaadhsiinta sayniska ee dhulka yurub roomaniyiintii hore waxay isticmaali jireen fikradihii giriiga hase ahaatee markay dhacday boqortoyadii in badan oo fikradihii hore ka mid ahayd waa la ilaabay
galbeedka yurubna waxa ku dhacay hoos u dhac weyn waxayna waxbarashadii kacanta u gashay kiniisadihii kuwaasi oo leyn jirey wixii kasoo horjeedsada kiniisadaha isla markaasina ciqaabi jirey wixii la yimaada fikrad ka duwan ta ay baadariyaashu ku socon jireen hadaba markuu islaamku qabsaday dhulka yurub qarnigii 8aad waxay islaamkii keeneen dhulka yurub cilmiyo aykasoo qaateen giriiga iyo kuwa ay islaamku laftoodu sameeyeenba iyo waliba kuwa ayka soo qaateen shiinaha waxana cilmiyadaasi ka mid ahaa megnetic compos iyo gunpowder


Waxay kaloo islaamku keeneen dhulka Yurub sida loo adeegsado dabaysha iyo biyaha iyo waliba mills an pumps waxana ka faa’idestay dadyowgii reer yurub waxay kaloo ay cilmiyo ay sameeyeen qarnigii 11aad ay keeneen dhulka yurub taasina waxay inoo cadynaysaa inuu islaamku yahay mid waxkasto ugu horeeya aduunyadan hadayna barigii gaadhsiin lahayn sayniska yurubtaas yurubtu waxay dib u dhici lahayd mudo ah qarniyaal aad u farabadan sidaas daradeed waa inaynu talaabo kaliya wada qaadnaa uguna horaynaa shaykaste ee dunidan kajira aakhiriyo aduunba waayo islaamku wuu sareeyaa marnaba lagama sareeyo

Ummadeey Islaameey,
Idinkaa horseed u ah,
Cilmiyada aduunyadan,
Ee maan dadaalnoo,
Aayaheena ka talinoo,
Wadadii asxaabtii iyo,
Udgoonkii Rrasuulka, ( SCW ),
Aynu ku wada dayanoo,
Innakaaba dayaxa iyo,
Xidigaha iftiima,
Ugu horeyn lahayn.
 hamse riraash

 hamse riraash

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.