face="Times New Roman" size=4>Sidoo kale, Arrimaha la yaabka leh ee xukuumada siilaanyo ay maalin cad ku tumatay waxa ka mid ah inay gebi ahaan laashay karaamadii qarankan somaliland lahaa iyo mustawihii uu dunida ka joogay iyo geeskaba, iyaga oo hoos fadhiistay xukuumada Sheekh Sharif ee kaaraha lagu sido, waxaana cadeyn ku ah sida ay xukuumada siilaanyo hadh cad u shaacisay inay wadahadalo iyo guddiyo loo meel dayin ugu dhawaaqday iyada oo somaliland maanta u muuqan cid ay la hadasho oo la soo doortay oo koonfur u dhan tahay oo leh Xukumad dhisan iyo Golayaal sharci dejineed oo wax ka go;aan.
Waxa kale oo xigta in maanta Siyaasada Arrimaha Dibeda Somaliland oo warkeedu cadaa 20 kii sano ee ugu danbeeyey marka la eego bulshada caalamka aan maanta meel loo raaco jirin oo maalinba meel ka fudkudinayso oo maantaba aynu arkayno dhaawaca uu Shirka Istanbul gaadhsiiyey somaliland ee wasiiradeenii u yaaceen iyaga oo la marti qaadin ( No Turkish Invitation to Somaliland Delegation totally) oo arrinkoodu yahay Xaydha jeceli Beerka Jeceli, Marka Somaliland waxay maraysa inay maanta Wasiirkii arrimaha dibedda Somaliland yidhaahdo ( kursi ayaan ku fadhiistay magacii somaliland lagu qoray iyo dunida ayaa tidhi sheekh shariif la hadala
..that is disguisting and immoral speech), runtii waa u maalin madow nin kasta oo muwaadin ah oo jecel somaliland horumarkeed, waana wax laga xumaado.
Turkiga wuxuu kuu diidey in baasaboorka s/land fiiso kuugu dhufto, dee markaa waxay ahayd in ay iska wada joogaan. Waana ceeb in aynu dhex fadhiisaney dad iyaga loo taliyo oo kaare lagu sido.
Halka wax ay ka qaldan yihiin waa lataliyayaashiisa oo dhan ku xeeran madaxweynaha, intaa waxaa dheer muuse biixi had iyo jeer wuxuu ka soo horjeedaa fikhirka iyora´ayiga ay muwaadiniinta ay ka dhiibtaan wadankooda xaalada uu marayo, muuse biixiyow maad ahayn qof muuqda dowladii cigaal iyo tii riyaale oo waxaa laguu dhigay cashar ku aamusiiyaa ee tan aad ku jirto maanta ee kulmiye ah iska had hadal ilaa inta ay muwaadiniinta ka soo toosayaan.
N.B: Maanta laga bilaabo Mucaaradnimo igu soo Hagaag.
Abdulkadir Ali
Riyadh KSA
karimmustaqbal@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga