|
|
Shaki weyn baa ku jira,qorshaha ay xukuumadda siilaanyo ku waddo wada hadalka koonfur lala galayo by Rashid sheikhmohamed (Hadhwanaagnews) Saturday, June 09, 2012 Waxaan marka hore salaamayaa hadhwanaagnews iyo shaqaalaheeda,kuna ammaanayaa shaqada fiican ee ay u
Waxaan marka hore salaamayaa hadhwanaagnews iyo shaqaalaheeda,kuna ammaanayaa shaqada fiican ee ay u hayaan dalka iyo dadka reer somaliland.haddaan usoo noqdo dulucda qormadeydan maanta,waxaan aad iyo aad ula yaaba nahay siday u socoto siyaasadda xukuumaddan siilaanyo,ee ku wajahan waxay ugu yeedheen wada hadalka lala galayo koonfur.waxaan qabaa inay xukuumaddani ku saxan tahay inay ka leexato jidkii khaldanaa ee labaatanka sannadood ay somaliland jafaysay,ee ay ictiraafka ku raadinaysay.adduunkuna wuxuu mar walba innagu odhan jiray,ordoo koonfur idiin markii horeba ku biiraye,immikan soo wada hadla oo war cad noola kaalaya. markaa ma xuma in koonfur la wada hadlo,oo laga wada hadlo sidii loo kala bixi lahaa oo qudha,laakiinse waxaa shaki weyn leh sida ay xukuumaddan siilaanyo wax ku waddo.waxaa muuqda inay durba si fudud ugu dhex milmeen kooxihii
koonfur isku haystay,iyo in aanay ka run sheegin wuxuu qorshahoodu yahayba.waxaynu durba arkaynaa inay la mid noqdeen puntland iyo galmudug,oo ay been cad dadka u sheegayaan.markaa waxaan odhan lahaa waar dadka beenta ha laga daayo,oo xukuumaddan siilaanyo si cad ha usoo bandhigto waxay koonfur kula hadlayso,iyo siday ula hadlaysaba.waxay ahayd in haddii shirarka koonfurta la tagayo in si wadajir ah loo tago, oo guddi ka kooban dhammaan golayaasha ay meesha tagaan,si aan shakiba u iman.inankan yar ee la ambaday siyaasaddii arrimaha dibadda ee somaliland,ee kolba diyaarad sii saaran,waa in lasoo hor fadhiisiyaa golaha guurtida hortiisa,oo su´aalo laga weydiiyaa wuxuu qabto iyo siduu u shaqeeyaba.waa ninka maalin dhoweyd berbera ka soo degay,ee habeenkii berbera u hoyday,isla maalintii dambena diyaarad kale raacay. miisaaniyadda wasaaradda arrimaha dibaddu waxay ku boqolkiiba boqol ku baxdaa tigidhada uu inaankaa yari ku dalxiisayo.markaa waxaan leeyahay ma xuma in koonfur lala hadlo,waxaase khaldan sida loola hadlayo,iyo qorshaha qarsoon ee ay xukuumaddan siilaanyo wax ku waddo.shaki weyn bay leedahay siday hadda wax u wadaan,khaladaad waa weynna si fudud bay u galayaan,maandheedkii la siiyeyna wey ka leexdeen,jid khaldan oo u qarsoonaa baanay cagta saareen.markaa waa inay xukuumaddu si cad dadka ugu caddeysaa waxay waddo iyo siday wax u waddo,iyo halkay ku socotoba. hadda shaki weyn bay leedahay siday wax u wadaan,wixii lagu xamanayeyna waxbaa ka soo baxay. midda kale waxaan qabaa in labadii shir ee ay xukuumaddu ka qayb gashay,in labadaba wixii laga filayey aanay ka soo bixin,wax aan jirinna kolba la innagu maaweelinayo. Rashid sheikhmohamed Allaa mahadle. abusharaf96@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
|