maah maah somaliyeed baa tidhaahda aduunyada ninkii aan dhiman marba wax ka yaabiya ayaa ka soo hor bax,
magaalada berbera waxaa maalmahan laga hadal hayey ama lagu arkaayey sawiro iyo stickers nin lagu sheegay boqorka dhalin yarada g/saaxil iyadoo sawiradaa lagu nabnabay baabuur, ninkan oo lagu magcabo tuulo axmed yaasiin oo anigu aan in badan aqaanay shiqsiyadii, anigoo hada aan doonayn in aan halkan ku soo bandhigo waxyaabo badan hadana waxaan ku soo koobayaa ninkaasi maaha nin guurtinimo iyo odaytinimo habeen ku soo carawaday..
isagoo dadnimo tuulo oo berbera si fiican looga yaqaano ka ah ayuu boqornimo doontay ( aduunyaw xaalkaa ba) xilka ninkani doontay
maaha mid aduunka iyo dadka afka somaliga ku hadla mid ka duwaan gashan waa wax uun ka soo baxay koox qol yar oo kulul hoostiisa, hadii ay dhici lahayd oo la samayn lahaa boqor dhalinyaro ilaahaybaa ina dilaayee tuulo maaha ninkaasi,, qofka bini aadamka ahi marka oo wax doonaayo waxa uu eegaaa dariiqan uu marayaa in uu yahay mid bulshadan ka duwaan gashan in uu yahay in kale, laakiin tuulo iyo kooxdan qolka kulul la joogta niman ay xisaabta ugu jirto maaha aduunyadan aynu ku kor nool nahayba..
anigu markii aan dhan walba ka eegay ee hawshaa debo galay waxa uu soo baxay dhawrkan qodob
1- in xilka tuulo sheegtay ee boqorka dhalinyara saaxil la mid yahay, gabadhii ina caaqil yare ee sheegatay boqorada haweenka somaliland
2- kooxda qolka kulul oo doonaayey hadii u suuragasho in ay xamar qabadsiiyaan si uu halkaa uga sheegto kalmadan
3- in cid loola jeedo sida masuuliyiinta dhanka xukuumada ee g/saaxil
ugu danbeyntii sidaan qabo dhamaan umada somaliland way la yaabsan tahay waxani meesha ay xididka ku hayaan, aniguse waxaan qabaa in aanay ahayn wax fog ee ay yihiin daad sarka dhaban oo kale
aadan cabdi quulle
Berbera
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga