Saylac(HWN):-Wasiirka dib u dejinta somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay maamulka gobolka,degmada iyo dadweynaha deegaanka Saylac ee gobolka Salal.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta maamulka gobolka Salal waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinta heer gobol,mid degmo iyo talyahayaasha ciidamada iyo dadweyne kale.
ugu horaynba waxa kulankan ka hadlay maayarka magaalada Saylac Maxamed
Cumar Xadi waxaanu ka war bixiyey xaalada dhinaca abaarta iyo biyo la,aanta ee deegaanadaasi ka taagan isaga oo tilmaamay in abaartaasi dhibaato ba,an ku hayso dadka iyo xoolaha ku nool gobolka Salal.
Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee degmada saylac yaasiin cabdilaahi,gudoomiye ku xigeenka degmada saylac Cismaan Muumin Dhinbiil,talyaha police-ka Maxamed Cabdi Axmed,maamulaha kastamka Cumar Cismaan Caalin iyo isu duwayaasha wasaaradaha macdanta iyo biyaha iyo kaluumaysiga ee gobolkaasi oo iyaguna ka hadlay kulankan ayaa sheegay in xaalad abaareed oo baahsani ka taagan tahay gobolka Salal iyaga oo xusay in xaalada abaareed ee ka jirta gobolka Salal ay weheliso xaalad biyo la,aan oo iyaduna ka jirta deegamadaasi.
Ugu danbayntii waxa kulankan ka hadlay wasiirka dib u dejinta somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan waxaanu sheegay in xukuumada dhexe ee dalku ay ka garaabayso dhibaatada ka taagan gobolka Salal isaga oo sidoo kalana u balan qaaday dadweynaha gobolkaasi in warbixinta uu helay uu si degdega u hor dhigi doono golaha xukuumada somaliland.
Dhinaca kalana abaanduulaha ciidanka xeebaha somaliland Cabdiraxmaan Xasan Caalin, maareeyaha dekada Saylac Siyaad Daahir,talyaha laanta socdaalka ee degmada Saylac Naasir Xasan Geele oo iyaguna maanta shir jaraa,id si wada jira ugu qabtay xarunta laanta socdaalka ee degmada Saylac ayaa waxay ku beeniyeen warar ku soo baxay qaar ka mida warbaahinta kuwaas oo sheegayey in tahriibayaal lagu qabtay xeebaha saylac balse waxay masuuliyiintani dhamaantood cadeeyeen inaanu warkaaasi ahayn mid ay wax ka jiraan.
Hadhwanaagnews.com