Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Wax Ka Bedel Ku Samaynayaan Xeerarka Dalka.


(Hadhwanaagnews) Saturday, June 09, 2012
Hargaysa (HWN):- Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo garsoorka Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid, ayaa daboolka ka qaaday in dib u eegis iyo casriyeyn ay ku samaynayaan xeerarka iyo shuruucda ee dalka.

Hargaysa (HWN):- Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo garsoorka Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid, ayaa daboolka ka qaaday in dib u eegis iyo casriyeyn ay ku samaynayaan xeerarka iyo shuruucda ee dalka. Isla markaana ay shanta sano ee sanadkani kow ka yahay in ay naaqishayaan sidii wax ka bedel ay ugu samayn lahaayeen xeerar badan oo isku dhaf ah, lana gadhsiinayo in uu garsoorka iyo xeerarku noqdaan kuwo la talaabsanaaya tiknoolojiyada casriga ee “electronics”.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid


Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 12pt">Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay bahda cadaalada hawlaha iminka la qaadayo waa ka mid in dhammaan qawaaniinta dib loo eego “article” 30 oo dastuurkeena ayaa inoo xalaaleeyay in lagu dhaqmo balse waxay ahayd in mar horeba laga gudbo, markaa habsan badan ma’aha in wixii kula gudboon aad qabato laga bilaabo 5 sanadood oo kani kow ka yahay ayay tahay inaynu casriyeyno shuruucdeena markaa guddidii cadaaladu way inoo joogta, xeerarkii waa inoo dajisan yihiin, markaa waxaa inoo hortaala in dib uu eegis ku samayno, isla mar ahaantaana buuga ku horyaala u yahay mid dalku ku qoran yahay dastuurkeenanu ogolaaday mar Insha Allah qawaaniinteenee ayaynu uga gudbi doonaa.”

Wasiirka oo ka jawaabay su’aal ahayd doorka ay wasaarad ahaan ku leeyihiin xalladda maxaabiista iyo xabsiyada waxa uu yidhi “Garsoorka ciidanka asluubta iyo Wasaaradda Qaran ahaanba waxaa la ilaaliya uun maxbuusku xabisga ma ku galay wixii sharcigu ogolaa metelan qofku rumaan buu ku gali karaa, isagoo xukuman ayuu geli karaa, marka la xukumo ayuu racfaan qaadan karaa, ilaa kama dambeys xukunku noqdo mid soo maraa, heerkaasi wasaaraddu qaabka ay uu ilaalinaysaa waa sidaasi oo xagga ah tusaale ahaan rumaan ayuu ku soo galay, maxkamadi soo rumaan-gareysay goortii ay u mudaysay oo ah in la horgeeyo oo haddii uu xilligga gefo, oo uu ku mudo dhaafo, oo dib uga dhaco, in markaasi maxkamadi halkaa hawl baa kaga qabyaa maxkamadu xukunka iyadunbaa ridi kartaa, xukumi kartaana oo qofkii wax ku cadaan waayaan halkaa ka bax odhan kartaa. Dhaqaajin kartaana xukunkii, markaa waxaa weeyaan in mudadaasi lagu ilaaliyo oo lagu baraarujiyo mana dhici karto iska hayn.”

 

“Markaa qodobadaasi ah in maxbuusku xaalad sharci ugu sugan yahay xabsiga, oo markaa uu anbiil dalbado, maxkamadi uu ka dalbaday la ogeysiiyo la dabagalo oo uu ciidanka asluubtu oo xafiiska recebsion-ka ee xabsi kastaa oo dalka ka furan ayaa hogaanka hawlgalinta xabsiyada iyo wasaaraddu inay ilaaliyaan sharciga maxbuuska derejo kastaa oo uu taagan yahay, wasaaraduna in maxbuus la horkeeno, oo ay sii dayso malaha taasi oo waxaa leh hay’adda garsoorka.”Sidaa waxa uu Wasiirka Calaada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ku sheegay  barnaamijka Maqal Dadkaaga ee ka baxa TV-ga qaranka oo Arbacadii aynu soo dhaafnay ay su’aalo kala duwan ku waydiinayeen dadwayne tiro badan.

 Waxa kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaalada Cali Maxamed Galeydh oo isaguna ka hadlay barnaamijkasi maqal dadkaaga oo ay si toos dadku ku cabirayeen rayigooda la xidhiidha dhinaca cadaalada ayaa waxaa uu yidhi “ Garsoorku waa uu madax banaan yahay wasaaraduna waa wasaaradda cadaaladuna wana ta distooriga ah ee dastoorkeena ku taala garsoorkuna waa saddex rukun balse waxaa haboon in aad fahantan inay tahay silsilad isku xidhan waa aragteeno qofku marka ugalao dunuub waxaa qabtaa bileyska oo ka tirsan, wasaaradda arrimaha gudaha, waxaa u maraa xeer ilaalinta guud ee qaranka oo iyana madax banaan.”

“Dabadeed maxkamaddu soo maraya oo iyana xil gudashadeedu madax banaan yahay xabsiga ayuu tegaya oo ah ciidanka asluubta, macnaha habka bahweynta cadaaladu waa shaqadaasi socota ee “Chain role” ka ah, wasaaradana xil gudashadeeda waxaa ku tusaya dastoorkeena Jamhuuriyada Somaliland, oo si cad u tilmaamaya dhamaantood bahda cadaalada, garsoorka iyo xeer ilaalintu isma xukumaan ee kuligood shaqo ayaa ka wada dhacaysaa.”Ayuu yidhi

 

 

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.