Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxay La Soo Guryo Noqdeen Weftigii Wasiirada Somaliland Ee Socdaalka Ugu Maqnaa Dalka Kenya?


(Hadhwanaagnews) Saturday, June 09, 2012
“Shirkadda Diyaaraha ee Turkigu waxay duulimaadyo ku iman doonta Somaliland.”Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Berbera(HWN):-Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Claahi Cumar iyo Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa  dib ugu laabtay, kadib markii ay soo dhameysteen safar shaqo oo ay muddo ugu maqnaayeen dalka Kenya.

Weftigan Wasiirada oo saaka ka soo degay Madaarka Magaalada Berbera, iyaga oo qolka nasashada ee Madaarka ugu waramayey Warbaahinta ayaa waxay ku tilmaameen inuu safarkoodu ugu soo gebagaboobay guul iyo is afgarad, isla markaana ay gogol xaadh u sameynayaan safar uu dhawaan ku tagi doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dalka Kenya.kadib markii uu marti qaad u fidiyay Ra’isal Wasaaraha Wadanka

Kenya Md.Railla odinga.

Photo File: Bidix: Wasiirka rrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi CUmar Midig: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr. Maxamed Claahi Cumar ayaa sheegay in booqashada ay ku tageen dalka Kenya ay la xidhiidhay marti qaad ay ka heleen madaxda sar sare ee wadanka Kenya

Wasiirku wuxuu tilmaamay in mudadii ay dalkaasi joogeen ay kulamo kala duwan la yeesheen Ra’isal Wasaaraha Kenya oo uu xusay inay ka wada hadleen arrimo badan oo taabanaya cilaaqaadka dhaqan dhaqaale ee labada wadan iyo sidii ay isugu diyaarin lahaayeen safarka uu Madaxweynaha Somaliland ku tagi doono Kenya.

Dr. Maxamed C/Laahi Cumar waxa kale oo uu ka waramay shirkii ay kaga qayb galeen Magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga,waxaanu iftiimiyay in shirkaas ay Somaliland uga soo baxeen arrimo wax ku ool ah,oo ay ka mid yihiin in dawlada Turkigu ay go’aansatay in Mucaawinooyinka ay siiso geeska afrika ,ay Somaliland si gaar ah teeda u qoon daysay,isla markaana ay dawlada Turkigu ay xafiis ay ka maamusho mucaawinooyinka ay ka furan doono Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland waxa uu sheegay inay filayaan in ra’isal wasaare Ku xigeenka dalka Turkigu uu booqasho ku iman doono Somaliland si ay indhahooda ugu arkaan horumarka dhinacyada kala duwan leh ee Somaliland ku talaabsatay.

“Shirkadda Diyaaraha ee Turkigu waxay duulimaadyo ku iman doonta Somaliland.”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.