Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maamulaha Cusub Ee Kastamka Dekedda Berbera Oo Wiil Dhalinyaro Aqoonyahani Si Rasmi Ah U-la Wareegay Iyo Khudbadii Uu Jeediyey.


(Hadhwanaagnews) Sunday, June 10, 2012
Berbera(HWN):-Maamulaha cusub ee Kastamka Dekedda Berbera Mr.Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta si rasmi ah u gala wareegay ku-simihii xilkaasi Saalax Cawil Naxar,kadib markii shil-gaadhi ku geeriyooday maamulihii hore Kastamkaasi Marxuum Cali Bulbul.

Berbera(HWN):-Maamulaha cusub ee Kastamka Dekedda Berbera Mr.Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta si rasmi ah u gala wareegay ku-simihii xilkaasi Saalax Cawil Naxar,kadib markii shil-gaadhi ku geeriyooday maamulihii hore Kastamkaasi Marxuum Cali Bulbul.

Munaasibadii loo sameeyey xil-wareejinta oo saaka lagu qabtey xarunta Kastamka Dekedda Berbera ayaa waxa ka soo qeybgalay,Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), kuxigeenkiisa,Maareeyaha Dekedda Berbera Eng.Cali Xoor-xoor,Maamulaha Baanka Berbera,Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Saaxil, iyo Agaasimaha Waaxda Kastamada Wasaarada Maaliyadda Maxamed Axmed iyo,shaqaalaha Kastamka Dekedda Berbera iyo marti sharaf kale.


MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Ku-simihii maamulka Kastamka Dekedda Berbera Saalax Cawil Naxar oo ka hadlay munaasibadii xil-wareejinta ayaa waxa sheegay inuu maanta xilkii maamulka Kastamka oo uu si ku meelgaadha u hayey uu ku wareejinayo Maamulka Cusub ee Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan oo ah wiil dhalinyaro ah Jaamiciya oo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale u soo magaccabay xilkaasi,kadib markii uu geeriyooday maamulihii hore Marxuum Cali Bulbul ILAAHAY ha u naxariisto marxuumkaasi.ayuu yidhi.  

Maamulaha cusub ee Kastamka Dekedda Berbera Maxamed Cabdi Gurxan oo munaasibadii xil-wareejinta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan-yahay xilka maasiinka leh ee isaga oo dhalinyaro ah uu Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale u soo magacaabay, taas oo uu uga mahad-celiyey wasiirka inuu darajadaa intaa leeg dalacsiiyo,

Maamulaha  Cusub Ee Kastamka Dekedda Berbera Maxamed Cabdi Gurxan

“Aniga oo ah nin dhalinyaro ah waan ku faraxsanay inaan maanta la wareego xilka maamulaha Kastamka Dekedda Berbera, oo ah xil muhiima oo miisaan leh,magacaabista la ii soo magacaabay xilkani waxa uu dhiirigelinayaa dhalinyarada Somaliland ee dhiiga cusubi ku jiro inay xilal noocan oo kale ah ay qaban karaan,iyo qaar ka sii sareeya-ba,qofkuna marka uu dhalinyarada yahay ayuun-buu wax qaban karaa, markaa odayaashi waa weyna ee xilalka hayey waxa nasin doona dhalinyaro fir-fircoon oo shaqada ka daaleyn oo sidii la rabay uga soo bixi doonta.”Ayuu yidhi Maamulaha Kastamka Dekeda Berbera Mr. Gurxan.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Sidiisa-ba xilku waa masuuliyad u baahan dul-qaad, dedaal dheerad ah iyo xilkasnimo, waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu xilkaa culus ee la ii igmaday igu asturo,anniguna intii karaankeyga ah waxba hagran-maayo ee waan la imanaya.Sidaa daradeed waxaan u soo jeedinayaa shaqaalaha Kastamka Dekedda Berbera inay igu gacan siiyaan sidii aanu shaqada anaga oo isku duuban u wada qaban lahayn oo ay I garab istaagaan, maxaayeelay haddii aanay I garab istaagin shaqadu sidii la doonayey u socon-mayso.”

Mr.Gurxan waxa uu balanqaaday inuu la iman doono dardargelinta,tayeynta iyo hore-u-socod-siinta maamulka iyo Waaxaha Kastamka Dekedda Berbera ee la ii soo igmaday.“Waxaan kulamo is-barasho iyo xog-ogaal u noqosho ah la yeelan doona Shaqaalaha Kastamka Berbera iyo laamaha hoos-yimaada,si aanu iskula jaan-qaadno, isla markaana shaqada sidii la rabay iyo si ka sii  badan halka ay imika mareyso kor uga sii qaadi lahayn.”Ayuu yidhi

Maamulaha Cusub Kastamka Dekedda Berbera Mr.Maxamed Cabdi Gurxan waa wiil-dhalinyara oo ku takhasusay Maamulka iyo xisaabaadka (Business Administration),waxaanu Shahaadadiisa kowaad oo ah BBA (Bachelor Of Business Administration) oo uu ka qaatey Jaamacadda Hargeysa (UoH) sanadkii 2006-dii, Sidoo kale waxa uu Jaamacad ku taala dalka Malaysia ka qaatey Shahaadada Master-ka ee maamulka mashaariicda ee MBA Project Management.

Waxaanu Gurxan sanadkii 2009-kii ku soo biirey Wasaarada maaliyadda Somaliland, isaga oo la soo shaqeeyey Waaxda Miisaaniyadda oo uu halkaas is-bedel-weyn oo muuqda uu ku sameeyey muddadii uu la shaqeynayey waaxdaas.Taasina ay keentey in loo dalacsiiyo Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga oo uu imikadan hayey intii aan loo magacaabin xilkan tan.    

Waxaana sanadkii 2011-kii loo magacaabay Gurxan Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga Somaliland oo uu imika uga wareegay jagada loo magacaabay,halkaas oo uu ka sameeyey muddadii uu joogay kor u kacweyn oo dhinaca dakhliga iyo maamulka Shaqaalaha-ba, waxaynu Tusaale u soo qaadan karnaa halkii ay Waaxda Cashuuraha berrigu ka ahayd 8% (Boqolkiiba Sideed) Miisaaniyadda dawlada waxa uu gaadhsiiyey oo ay imika tahay dakhliga Waaxda Cashuuraha Berrigu 25% (Boqolkiiba Shan iyo labaatan) Miisaaniyadda 2012-ka ee sanadkan.

 

Si kastaba ha ahaate, Maxamed Cabdi Gurxan waa wiil dhalinyaro ah oo karti leh, isla markaana daacada oo uu Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale-na uu u gartey inuu xilkaasi iyo mid ka sii sareeya-ba uu ka soo bixi karo,una soo xushay inuu ka dhigo Maamulaha Kastamka Dekedda Berbera.  

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.