Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Qaxoontiga Soomaalida Ah Ee Ku Jira Kaamamka Dalka Holland Oo Walaac Xoog Leh Ka Muujiyay Heshiis Maamulka Puntland Ku Ogolaaday In Qaxoontigaa Dib Loogu Soo Celiyo Puntland.


(Hadhwanaagnews) Sunday, June 10, 2012
Holland-(HWN)-Tan intii uu booqashada ku tagay magaaladda Garoowe ee maamul goboleedka Puntland wafti uu hogaaminayo

Holland-(HWN)-Tan intii uu booqashada ku tagay magaaladda Garoowe ee maamul goboleedka Puntland wafti uu hogaaminayo Wasiir ka socda dawladda Holland taariikhdu ahayd 05/06/2012, ayaa waxa si weyn u soo if baxaya warar tibaaxaya in waftiga ka socday dalka Holland ay kala hadleen maamulka Puntland qaxoonti Soomaaliyeed oo ka soo jeeda gobalada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka Somaaliya oo aan sharci ku haysan dalka Holland oo ku jira kaamam ku yaala wadanka Holland in dib loogu soo celiyo Puntland oo laga soo dajiyo garoomadda diyaaradaha ee ku yaala maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.



= "urn:schemas-microsoft-com:office:office" /> 

Hadaba, dadkan qaxoontiga ah ee Soomaaliyeed oo ay dawladda Soomaaliland iyo Soomaaliyaba hore uga diideen Dawlada Holland in ay dib ugu soo celiso wadamadooda oo ay garoomadooda ka soo dejiso ayay dadkaa qaxoontiga ah ee Somaaliyeed ee ku jira kaamamka ku yaala dalka Holland ay ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii Puntland ay ka ogolaato Dawladda Holland dib u soo celinta dadkan qaxoontiga ah, waxaanay ku doodeen hadii uu jiro heshiiskaa dhex maray labada dhinac ee

dadkan dib loogu celinayaa oo la hirgaliyo wajigiisa koowaad oo lagu qiyaasay in ilaa150 qof oo qaxoonti Soomaaliyeed ah dib loo celinayo Puntland, taas oo saamayn xun ku yeelanaysaa dhamaan qaxootiga kale ee Soomalida ah ee ku nool dalka Holland iyo dalalka kale ee ku yaala Yurub ee haysata sharciga yar iyo kuwaan aan haysan ee iyana kaamamka ku jiraba.
 
Hadaba dadka Soomaalida ah ee qaxoontiga ah ee ku jira Kaamamka dalka Holland ee la qorshaynayo in dib loogu celiyo Puntland oo cod midaysan ku hadlaya oo si wadajir ah ugu waramayay Shabakadda Caalamiga ee Hadhwanaagnews, ayaa waxa soo food saartay werwer iyo walaac badan oo ay ka muujiyeen dhibaatadda culus ee uu noloshooda soo gaadhsiin karo heshiiska noocan ah ee la sheegay in uu dhex maray Dawladda Holland Iyo Puntland, waxaanay uga digeen maamulka Puntland in aany aqbalin heshiiska noocan oo kale ah, hadaba xubno dhawr ah oo ku hadlaya magaca qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku jira Kaamamka ku yaalla gudaha dalka Holland ayaa yidhi ’Waxaanu u sheegaynaa  maamulka Puntland in dadka Somalida ah  ee qaxoontiga ah eek u jira Kaamamka ku yaalla dalka Holland ee uu idinkala hadlay waftigii ka socday wadanka Holland ay yihiin dad dhowr jeer cabasho la hortagay xarunta sharci bixinta ee lagu magacaabo (IND) ee ku taala dalka Holland, kuwaas oo doonayay in arintooda qaxootinimo wax laga qabto si sharci loo siiyo, dadkaas oo Holland muddo dheer ku noolaa oo aan wax danbi ahna ka galin wadankan Holland, cabashooyinkoodna marar badan ay soo noqnoqdeen warabaahinta noocyadeeda kala duwan, isla markaana laga daawaday TV- yada caalamkana mudaharaadkii u danbeeyey ee ay dhigayeen dadkaas ka cabanaya sharci la´aanta kaas ka dhacay xarunta sharci bixinta eek u taala dalka Holland ee la yidhaa IND, taariikhdu markay ahayd 23/05/2012.  Hadaba, waxa jirtay in Midowga yurub iyo maxkamada sare ee dalka Holland ay xukumeen in aan qof Somaali ah aan dib loogu celin karin dalka Soomaaliya maadaama aanay wax xasilooni ahi ka jirin dalkooda, sidaa darteed waxaan ka codsanaynaa maamulka Puntland  hadii arintaa laga been abuurayo oo aanay jirin waa inay ka hadlaan sidii ay horeba uga hadleen dawladdaha ku meel gaadhaka ah ee Soomaaliya iyo Dawlada Soomaalilandba’,


Dadkan qaxoontiga ah ee Soomaliyeed ee ku jira kaamamka dalka Holland, waxa ay ugu baaqeen maamulka Puntland hadii ay jiraan goaamo ay dawladda Holland ugu ogolaadeen in dadkaa Somalida ah lagu soo celiyo Puntland in ay si degdeg ah uga noqdaan, iyaga oo xusay dadkan qaxoontiga ahi in talaabadani niyad jabweyn ku keenayso dadka qaxoontiga masaakiinta ah ee Soomaalida ah ee nabad galyada u soo doontay wadanka Holland iyo wadamada kale eek u yaalla Yuruba, waxaanay qaxoontigan Soomaalida ahi ku doodeen in ay talaabadani sidii kale sumcad xumo iyo sharaf dhac weyn ay ku tahay maamulka iyo shacabka Puntland, loona baahan yahay in aanay sinaba uga aqbalin maamulka Puntland Dawladda Holland qorshe kasta oo dib loogu soo celinayo qaxoontigan masaakiinta ah ee Soomaaliyeed eek u jira kaamamka ku yaalla dalka Holland.

 
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro ilaa hada wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan waxa ka jira heshiiskan ay Puntland kaga ogolaatay dawladda Holland in dadkan qaxoontiga ah ee Soomaaliyeed laga soo dajiyo garoomadda diyaaradaha ee ku yaalla Puntland. 
 

Hadhwanaagnews/Office

Holland.

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.