Waxan salamaya bahda saxaafada khaasatan hadhwanaagnews
Waxan aad u daawaday oo u dhegaystay muranka iyo isjiid jiidka dhex maray madaxdii hore ee Somaliland oo aan anigu u arko foolxumo cusub oo soo wajahday qaranka Somaliland waxan aamin sanahay in muran intaas leeg oo u dhexeeya madaxdii hore ee qarankan ay ku tahay sumcad xumo iyo laf jab weyn oo soo gaadhay shacabka Somaliland marka aad eegto mudadii dheerayd ee ay wadankan hogaaminayeen iyo taariikhda quruxda badan ee ay ka tageen iyo waxqabadkii dheera ee mudada dheer ay soo wadeen
Waxan ku leeyahay saaxibaday gaar ahaan madaxweyne xigeenkii hore horta waa
inaad ogaata xitaa adiga oo aan maanta ahayn madaxweyne ku xigeen weli waxa aad huwan tahay astaanta qaranka iyo sumcada shacabka kuumana haboona ilaa xadka intaas leeg inaad gashaan muran iyo is qabqabsi sidoo kale kuuma haboona inaad media-aha ku gar naqsato sidoo kale ma haboona in lagu xad gudbo madaxweynihii hore oo huwan astaanta qaranka iyo sharafta Somaliland
Anigu waxan idin kula tali lahaa inaad kaga gudubtaan murankan jira xigmad iyo isu tanaasul oo aad wada fadhiisataan arintu yey noqon tan koonfurta Somalia taalo oo kale waxa kale oon ku darayaa wax idiin diidaya ma jiraan inaad mar kale u soo istaagtaan doorashada madaxtinimada Somaliland hadii aad isla garataan anigoo huba in sumcad weyn iyo kalgacalba laydiin hayo idinka oo ka faaiidaysanaya qaladaadka ay samaynayaan qoladan iminka talada haysa ee gebi dhaclaynaysa
Wa Bilaahi tawfiiq wa Wasalaamu Calaykum
Dr M I D
Mustafa Dhimbil
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga