Shir baaxad weyn oo dhowaan ka dhici doona magaalaa ceerigaabo ee gobolka sanaag oo beesha H/Y qabsan doonto ayaa warar hor dhac u ahi waxay sheegayaan in lagu lafa guri doono wax ka qabashada siyaasadeed ee ragaadisay talo la´aanta siyaasiyiinta. Iyadoo sida la sheegay muhiimadu aanay noqon doonin siyaasad ee ay tahay horumarka degaanka xag waddo, dhaqaale, waxsoosaar sida beeraha, habka wershedaynta. Ayaa waxaa ugu horayn lagu bilaabi doonaa sidii Dr. Gaboose iyo Ururkiisa Ummadda loogu qancin lahaa in ay ka tanaasulo iyadoo lagu sababaynayo isagoo aan hadaf fog iyo go´aan qaaadasho adag lahayn. Waayo dadka siyaasada u dhuun daloolaa waxay sheegeen in hore loo soo arkay talo iyo go´aan qaadashadiisa laguna najaxin horeyto hadana aan lafilayn.
align=justify>
Hadaba Ururka Ummadda ayaa markii ay soo shaac baxaday arrintani taageerayaashiisu niyad jab weyn ka qaadeen in kastoo laga yaabo in gudoomiyaha oo lagu yaqaan madax adayg, horseeda guul darro in uu shirka ka diido in uu go´aanka talo soo jeedintaa qaato. Hadaba is weydiintu maxay tahay hadiiba uu diido go´aanka salaadiintu u soo jeediyaan? . Waxay noqon kartaa dhowr siyood in ay noqoto, waayo sida wararka hordhaca ahi sheegayaan hada tallo midaysan ayaa laga qaadanayaa Dr. gaboose oo loo malaynayo in uu dad kale u shaqeeyo beeshana ninka ku dhex jiraa isga yahay, illaa waqtigii uu burburiyey Ururkii "Sahan". iyo burburintii xisbigaa. Hadaba bal qodobadan ila eeg lagu diidan yahay lana hordhigi doono haduu madax adaygo odayga iyo arrimaha xaasaasiga ah.
1) In uu meel saaro xisibigiisii Sahan iyo burburkiisii
2) In uu cadeeyo waxa uu isga casilay wasiirkii xisbigii uu jeelka u soo galay
3) In uu cadeeyo mudadii uu siyaasada S/land ku soo jiray wax uu u qabtay beesha H/Y
4) Isagoo lagu eedaynayo kala jebinta beesha H/Y waa maxay mawqifkiisa siyaasadeed
5) Hadii uu diido Odayaasha kuna adkaysto halkaa muxuu mustaqbalkiisa filayaa
Waxa horyaala su´aalo aad u badan oo la weyndiino laguna lafa guri doono hadaba hadii Dr. Gabose diido hadalka iyo go´aanada loogi yeedhin doono shirkaa waxay beeshu ka qaadan doontaa mawqif adag waxaana taageerada loo wareejin doonaa xisbiyadaa kale ee ku jira tartanka. Waxaa wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in durnba laga bilaabay magaalooyinka waaweyn sida hargaysa iyo burco, berbera in aan wax taageero ah oo loo hayaa aanay jirin xisbigaa Ummadda waayo niyad jab weyn oo lagala kulmay mudadii uu Dr. gaboose ku soo jiray siyaasada iyo taabgaabnimadiisii siyaasadeed oo marnaba naajax lagu noqon dib u dhac iyo dhaqaalo bur-bur, niyad jab, kala yaac ku dhacayey taageerayaashiisa mar walba iyo siyaasad xumada soo wajahday beesha H/Y oo uu kow ka ahaa. Bal aan eegno Dr. ka iyo wax loogu taliyo.
Jaamac cabdi goonle
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga