ASC
Waxa halkan ka salamaya hawl wadeenada hadhwanaagnews, oo runtii markasta heegan ugu jira sidii wararka iyo Idea akhristayaasha ugu soo bandhigi lahaaayeen waxanan leeyhay markasta dadaaalkina halkaas ka sii wada.
115%; FONT-FAMILY: ´Times New Roman´,´serif´">Hadaba waxa maanta aad iiga fajicisay oo qalinka u qaatay in aan ka hadlo ama erayo yar yar oo ra´iygayga ah ka idhaahdo companyga chines ah ee manta la siyey qandaraaska airporta magalada hargeisa (Egal International Airport) kaas oo anay shaqadiisaba ahyn wax dhismo ah oo aduunyada inteeda kale ka sameyey. China Hono Group mar websitekisa aan booqday ayaa waxa runtii ku arkay in shaqooyinkiisa ugu wayn ee aduunyada inteeda kale hayaa ay tahay wax soo saarka dhinaca macdanta oo ay ka mid yihiin macdanaha kala duwan ee lead, zinc, iron, titanium, copper, tungsten, manganese.
Company Profile
CHINA HONO GROUP was set up in 1990, which has a history of 21 years. It has formed two mainly industries, mining and agriculture, with 38405 stuffs and more than USD126 million assets containing land and mining under CHINA HONO GROUP.
We have the qualifications of the solid mineral exploration, the hydrological geological exploration, the engineering geological exploration and the environmental geological exploration, the geophysics exploration, the geochemistry exploration, the exploring project construction, the ore appraisal and test, and the electing and smelting process experiment. We are engaged in the domestic and overseas mineral exploration, the environmental geological exploration, prospecting and development of mineral resources and other businessÂ….
Akhriste + Muwaadin hadii aad rabtid intaas in ka badan oo xogo ku sahabsan CHINA HONO GROUP companygan http://www.honogroup.com/en/company_profile.html website kisa oo kan ah booqo.
Hadaba dawlada maxaa ay iskaga indho tiraysa? SuÂ’aashaydan runtii oo anan ilaa hada jawaab u ahyn balse aad ila eegi dontaan. Ayaa runtu waxa ay tahay maadama ay jiraan dad aqoon leh oo ku jira dawlada madaxwayne siilanyo hadana waxba aanay ka odhan ilaa hada nasiib daro noqotay. Maah maah Eglish ah ayaa tidhaahda ,
(The Devil sometimes speaks the truth) oo macnaheeeda odhan karno waxkasta ha rumaysan, ka digtoonaw mar marka qaar beenalaayashu wax run u eeg ayey isticmaali karaan. Markaas dawlada oo ay na leeyihiin intaas oo aqoon yahan ayaa iskugu timid miyey garan waayen in ay dhinac kasta companyga ka eegan ama interview wax la yidhaa la sameeyan. Mise dee dadkan ama dawladan qurbaha u badan dad aqoon intaas leeg maaha ee way iska sheegantaan phd iyo mastar ayaanu nahay, mana jiro wax dabagal ku sameyey arinkas in phd holders yihiin iyo in ay master yihiin. Insha allah somalidu waxay tidhaahda (warkii jiraaba cakaara uu iman).
Madaxwayne, Xukuumadaada runtii waa in ay arinkaas naga soo xaqiijisaa.
runtii waan jecelnahay in dawladaadu ka duwaanto tii hore oo hormar badan aad samaysid.
By: Ahmed M. Garas
Email: meecaad2@hotmail.com
ahmedshakur1200@gmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga