Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Urur-Siyaasadeedka RAYS Oo Xafiis Cusub Ka Furtey Magaalo Madaxda Dalka Norway Ee OSLO Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyey.


(Hadhwanaagnews) Monday, June 18, 2012
Norway(HWN):-Guddoomiye Kuxigeenka Urur-Siyaasadeedka RAYS Aadan Maxamed Cilmi (Dhoolayare) ayaa xalay xafiiskiis cusub ka furey Magaalo madaxda dalka Norway ee Oslo.

 Norway(HWN):-Guddoomiye Kuxigeenka Urur-Siyaasadeedka RAYS Aadan Maxamed Cilmi (Dhoolayare) ayaa xalay xafiiskiis cusub ka furey Magaalo madaxda dalka Norway ee Oslo.

Munaasibadii furitaanka Xafiiska Cusub ee Ururka RAYS oo ay ka soo qeybgaleen  Aqoonyahan,C
New Roman´; mso-bidi-font-weight: bold">uqaal, Dhalin-yaro,Saladiin, Haween, iyo masuuliyiinta Ururka Rays ee dalka Norwey iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiye Kuxigeenka Ururka RAYS Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)

Guddoomiye kuxigeenka Urur-Siyaasadeedka RAYS Md. Aadan Maxamed Cilmi (Dhoolayare) oo munaassibadii furitaanka Xafiiska Cusub ee Ururka RAYS ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey waxqabadka Ururka RAYS uu ku talaabsaday muddadii uu jirey iyo ilaa imika heerka uu marayo.

  

Md. Dhoolayare waxa uu ugu baaqay inuu qurbajooga reer Norway inay taageeraan Ururka RAYS  oo ay soo dhaweeyaan “Waxaan aad ugu faraxsanay inaan xadhiga ka jaro Xafiiska Cusub ee Ururka RAYS ee dalka Norwey, waxaan ugu baaqayaa inay qurbajooga reer Somaliland ay na taageeraan oo gacan na siiyaan.”Ayuu yidhi.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa dhamaan marti-sharafta ka soo qeybgashay munaasibada, cidkastana wuu u furan yahay inay Ururka RAYS ku soo biiri karaan”  

 

Guddoomiyaha Ururka RAYS ee dalka Norway Md. Cabdicasiis Maxamed Nuur (Bitijoor) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa  bogaadiyey marti sharaftii ka soo qeybgashay xaflada, waxaanu qurbajooga u soo jeediyey inuu u furan yahay Ururka RAYS oo ay ku soo biiri karaan.

 

Kamila Mohamed oo ku hadlaysay afka haweenka ee dalka Norway ayaa waxay u soo jeedisay haweenka dalka Norway inay taageeraan ururka RAYS, isla markaana ciddii u baahan inay soo galaan Ururka ay u banana tahay.

  

Ururka RAYS ayaa waxa hore Xafiis uga soo furtey dalka Ingiriiska, waxaanu imika ku hawlan yahay sidii uu waddamada qurbaha xafiisyo uga furan lahaa.

 

Hadhwanaagnews/Office

Norway

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.