Kampala-(HWN)- Ugu horay hadii aynu tilmaan ka bixino waxaa uu yahay horumar ama horusocod (DEVELOPMENT), waa cabiraaddo badan oo la xidhiidha isbadalada khaaska u ah ee ay bulsho leedahay, ama waa hab loogu gudbinayo waxyaabo khaas u ah nolasha biniaadanka sida bulsho dhaqandhaqaale, hab siyaasadeed, technology,(social economic, culture, politics technology,) dhamaan waxyabahaasi waa qaar muhiim u ah muqaalka nolasha biniaadamka.
Sidoo kale, Kalmada horumar (Development), waa kalmad balaadhan oo koobsanaysa waxyaabo badan oo la xidhiidha baahida biniaaamku
qabo, sidii loo kobcin lahaa ama loo horumarin lahaa mida gaarka ah ee uu shakhsi leeyahay ama mid caama oo busho meel ku dhaqani wadaagto (national development), kaas oo ka tagaysa meeshii ay hore u taagnayd una soconaysana meel sare oo la talaabsanaysa horu socodka casrigan ee ka muuqda kownkan binaaadamku ku nool yahay.
Hadaba, waxaad maqashaa wadamada horumaray (Developed countries), waxaynu u baahaney in aynu is waydiino suaasha ah maxay ku horumareen dunida horumartey???
Waxay adeegsadeen hab ku dhisan farsamo iyo xeelad ku dhisan aqoon kaas oo ay kala kulmeen ujeedooyinka ay lahaayeen. (systematic use of scientific and technical knowledge to meet speasific objectives or requirement), guusha ay ka gaadheen dhinacyo badan oo nolosha loo adeegsado maaha mid ay si dhib yar ay ku heleen, laakiin waxay ku qaadatay raadin wakhti dheer ku qaadatay, kacaa kufid iyo wixii ay nolasha ka barteen oo ay la kaashadeen ayay guushaa ku heleen oo isugu jirta mid dhaqaale, mid aqooneed.
hadaba ma jiro wado kali ah oo la odhan karo waa loo maraa horumarka, balse waxa jira waxyaabo badan oo laysla aqoonsaday hadii loo isticmaalo in wax badan oo isbadal laga gaadhi karo.
Hadaba, Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid tahay wadamada ugu sabool san dunida, iyada oo dhibaatooyin kale oo badanina ay u raacan haday noqon lahayd ictiraaf laaan haysata oo aanay la qabin wadamo badan oo ka mida dunida saboolka ah, dowlada Somaliland ilaa hada kuma guulaysan sidii ay beesha caalamka uga heli lahyd ictiraaf caalami ah ,taas oo wax badan u sahli lahayd inay Somaliland xal u hesho qodobada ay ka midka yihiin, furfurnaan siyaasad dhaqaale oo ay six xor ah ula wadaagto dunida inteeda kale, taas oo wax badan ka tari lahayd dhaqaale xumida iyo horumarka maalin walba maalinta ka danbaysa ka sii daraysa ee sababay shaqo laaanta baahsan ee haysata bulsho weynta Somaliland gaar ahaan dhallinyaradda daa yarta ah. Mana muuqdo nidaam u adeegaya danaha shacabka bulsho weynta Somaliland.
In badan oo ka mid ah bulsho weynta Somaliland waxa dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay lacagaha dibadaha ay ka soo xawilaan xunbaha qoysaskooda ee qurbe jooga ahi.
Sidaas oo ay tahay waxa jirta in dawladda Somaliland ha ahaadaan kuwii hore ee tagay ama dawladda hada talada haysabee, waxa caado u ah in ay meeraystaan, ummaduna ay ka sugayso waxa ay ugu maqan yihiin, safarada faraha badan ee ay ugu baxaan dalaka dibada oo ay ku baxdo lacag adag oo aad u badani oo wax badan ka tari lahaa hadii ay u adeegsadaan horumarinta bulshada dhinac kasta oo ay tahayba,
Hadaba suaasha is weydiinta lihi waxa weeye muddo intee leeg ayay bulshada Somalilandd sidan ku sii jiraysaa:
Somaliland waxay u baahantay siyaasad cad oo hogaamineed (clear policy guiding), oo lagu gaadhi karo in lala dagaalamo fakhriga,dhaqaalaha oo la kobciyo, lana yareeyo sinaan laaanta iyo siyaasad cad oo dhawraysa xaquuqda iyo xoriyada (poverty reduction, economic growth, reduction inequality, and right and liberties), sidaa awgeed dawlada Somaliland waxa looga baahan yahay in ay qaadato mabda (GREEN GROUTH POLICY) oo ah wadada wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkaa aynu kor ku soo sheegnay, marka carqaladahaa wax laga qabto ayaa hore loogu socan karaa horumarka bulshadana lagu martigalin karaa nolol fiican (quest society greet life).
Suaasha kale ee mudan in aynu is waydiinaa waxay ay tahay yaa xaq u leh in ay shaqadan fuliyaan gudashadeeda (who is policy makers), waxa xaq u leh oo xil gudashadaa fulinteeda leh saddexda waaxood ee dawladu ka kooban tahay sida sharci dajinta,(parliamentary), Garsoorka (legal secure court) iyo qaybta kale ee ah hirgalinta Fulinta oo Xukuumadii ah (implementation dept) oo ah qayba masuulka ka ah siyaasada guud ee wadanka.
Waxa baahan yahay siyaasad cad oo qeexan oo lagu ilaallinayo arrimaha bulshada laguna horumarinayo guud ahaan wadanka, taas oo qodaxdda ka guraysa wadadda loo marayo hilinka horumarka, taas oo run ahaantii wax badan ka badali karta sida ay immika wax yihiin.
JIDKA LOO MARI KARO HORUMARKA GUUD (THE WAY FORWARD FOR DEVELOPMENT).
Hadaba, qodobadan hoos ku qoran aynu wax kaga taataaban doona wadadda loo marayo horumarka.
Ø MODERNAZATION OF THE MIND AND CULTURE
Inkastoo ay jireen dadaalo lagu kiciyay habka horumarka markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunida ka dib waxa soo muuqday dadaalo yaryar oo horukac ah, kuwaas oo ay samaynayeen qaar badan oo u saaxiib ah aragtiyo, (theorists), kuwaas oo soo jeediyay hab si toos loogu hogaamin karo wadadda horumarka guud ahaan, (some leading directly to policy).
Wadamo aan faro badnayn oo ka mida kuwa horumaraya ayaa ka gaadhay guul inay jabiyaan kana gudbaan horumar laaanta.
Sida ku qeexan aragtiyada ay leeyiin ( Karl marx iyo Daniel Bell), oo ah in dhaqaaluhu horumaraa waxay xidhiidh la leedahay dhaqanka oo la horumariyo (max weber and samual huntingon).
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay ka mid tahay dunida sadexaad khaas ahaan kuwa dhaqanka iyo caadooyin ka soo jireenka ah leh . Badaana wadamada Africa waxa saboolnimada ugu wacan waxa la yidhaa waxa ka mida dhaqanka iyo caadooyinka xun xun ee ay leeyihiin,
Waxyaabahaasi oo sababa in wax badan oo horumar iyo ilbaxnimo faiido ah u lahaan lahaa bulshada ay hor istaagan dhaqanadaa ay aamin sanyihiin, tusaale ahaan waxbarashada gabdhaha taas oo qaar badan oo ka mid ahi ay aaminsanyihiin in aanay gabadhuhu waxba baran karin xaqna aanay u lahayn inay dugsiyada tagaan.
Hadaba sinaan laaanta bulshada ee keenta in qaar la takooro oo la faquuqaa, bulshooyinka dhaqanada noocan ahi ay saameeyaan waxa ku habsaday inay bulshadaasi ay noqoto bulsho aan wax horumar ah samayn.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka mid tahay wadamada ay ku nool yihiin bulshooyinkaa dhaqanka caynkaas ah leh, hadaba waxaa loo baahan yahay in ay dawlada Somaliland dardar galiso kana takhalusto dhamaan waxyaabaha dhaqanka noocaas ah la xidhiidha ee aan diinta waa faqsanayn, kuwaas oo dib u dhac baaxad leh u keenaya bulshada iyo wadankaba kuwaas oo ay ka mid yihiin,
ü Sinaan laaanta bulshada -- dadka laga tirada badan yahay (inequality).
ü Waxbarashada gabdhaha oo la kordhiyo (promote female education).
ü Suugaanta, iyo heesaha, tilmaamaya wax kasta oo bulshada kala qaybinaya ama qabyaalad ku dhisan pp meesha laga saaro.
Hadaba si loo kobciyo fikirka iyo aragtida bulshada ee hoosaysa waa in ay dawladdu samaysaa siyaasad cad oo ay kaga takhlusayso dhibaatooyinkaa aynu soo xusnay, korna ugu qaadayso fikirka bulshada si ay uga horumaaran aragti ahaan,
In la dhiiri galiyo waxbarashada guud ilaa heer jaamacaddeed si loo helo bulsho wax baratay oo si caadi ah u fikiraysa.
Sinaan laaanta bulshada iyo dadka la hayb sooco oo iyana laga shaqeeyo lagana hawl galo sidii loo dhiiri galin lahaa reerahaa la takooray bulshadana la isugu xidhi lahaa meeshana looga saari laaha caadooyinkaa xun xun.
LA SOCO QAYBAHA KALE EE TAXANAHAN OO AAD U XIISO BADAN.
Kala Xidhiidh Aqoonyahan Nazir Ali Kabadhe Oo Shahaadadda sare ee ( Master arts development administration and management ) ka diyaariyay Jaamacadda Kampala International Univesity (KIU) Uganda Emailkan nasirkabadhe@gmail.com
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
Hadhwanaagnews/Office
Soohaad10@hotmail.com
Kampala/Uganda.