Mombasa-(HWN)-Madaxweynaha Kenya, President Mwai Kibaki ayaa si ku meel gaadh ah ugu sii magacaabay wasiirka difaaca Kenya, Md Mahamed Yusuf Xaji inuu sii hayo xilka Wasiiradda Wasaaradda amaanka gudaha iyo xidhiidhka gobollada ee wadanka Kenya dib markii uu dhawaan shil diyaaradeed ku naf waayay wasiirkii wasaaradda ammaanka gudaha ee Kenya iyo ku xigeenkiisii.
Labadan wasaaradood ayaa ahaa laba wasaaradood ay wada shaqayn xoog
ah oo aad isugu dhawi ay ka dhaxayso, iyada oo wasiirka gaashaandhiga Kenya uu soo dhaweeyay xilkan loo sii igmaday, waxaana sidoo kale magacaabistan aad u soo dhaweeyay Soomaalida dalka Kenya.
Geesta kale, Raysal Wasaaraha dalka Kenya ayaa ka dalbaday dalalka beesha caalamka ee qaadhaan bixiyayaasha ah in ay dalka Kenya ka caawiyaan iskaashiga dhinacyadda horumarka iyo sidii ay six or ah oo dimoqraadi ah ay ugu qabsoomi lahayd doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo dalka Kenya.
Siciid Obsiiye
Hadhwanaagnews/Office
Mombasa/Kenya.