Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxkamadda Sare Ee Pakistan Oo Go’aamisay In Raysal Wasaaraha Dalkaasi Aanu Xilka Sii Hayn Karin Markii Uu Is Hor Taagay Eedaymo Musuqmaasaq Oo Loo Haystay Madaxweynaha.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 20, 2012
Wakaaladdaha Wararka-(HWN)-Maxkamadda sare ee dalka Pakistaan ayaa go´aan ay soo saartay ku gaadhay in Raysal Wasaaraha

Wakaaladdaha Wararka-(HWN)-Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa go´aan ay soo saartay ku bayaamisay in Raysal Wasaaraha dalkaasi Yousuf

lang=SO> Raza Gilani
aanu hayn Karin xilka jagada Raysal Wasaarenimo ee dalka Pakistan ka dib markii ay maxkamaddu ku heshay Lixdan maalmood ka hor in uu is hortaagay eedaymo baadhitaano musqmaasaq ah oo lagu soo eedeeyay Madaxweynahaha dalka Pakistan.   

Warku waxa kale oo uu intaa ku daray in xisbiga isbahaysiga ah ee talada dalka Pakistan haya ee magaciisa loo gaabiyo PPP in ay guda galeen isla markiiba shir degdeg ah oo ay kaga arrinsanayaan go’aankan maxkamaddu soo saartay iyada oo xisbigan talada dalka hayaa uu haysto kurasta ugu tirade badan ee baarlamaanka dalka Pakistan awoodna ay u leeyihiin in ay soo doortaan Raysal Wasaare cusub.
 

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

Soohaad10@hotmail.com

Hadhwanaagnews/Office

Kampala/Uganda

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.