Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweynihii Hore Ee Sariir Yaalka Ahaa Ee Masar Hosni Mubarik Oo Lagu Muransan Yahay Dhimashadiisa Iyo Wararkii U Danbeeyay Natiijooyinkii Doorashada Masar,Iyo Dibed Baxyo Ka Dhan Ah Golaha Militariga.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 20, 2012
Wakaaladdaha Wararka-(HWN)- Ururka Ikhwaanul Muslimiinka dalka Masar ayaa ku baaqey dibad baxyo waaweyn oo

Wakaaladdaha Wararka-(HWN)- Ururka Ikhwaanul Muslimiinka dalka Masar ayaa ku baaqey dibad baxyo waaweyn oo isu soo bax ah oo lagaga soo horjeedo awoodaha dhinaca maamulka ee saa’idka ah ee ay yeesheen hogaanka golaha Milatariga ah ee dalkaa Masar.    

 


13.85pt; MARGIN: 0in 0in 2.75pt; mso-margin-top-alt: auto" class=MsoNormal>

Dad aad u tiro badan oo xisbigan taageera ayaa isugu soo baxay fagaaraha garoonka caanka ah ee Taxriir oo astaan u ahaa dibad baxyadii waaweynaa ee kacdoonka watay ee xukunka lagaga turay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubarik.   
    
Warku waxa kale oo intaa ku daray in isu soo baxyadani ay ku faafaan dhamaan magaalooyinka dalka Masar oo dhan, taas oo ku soo beegantay ka dib markii hogaanka golaha ilatariga ee wadanka Masaru u soo saaray goaan ay kula wareegeen awoodihii golaha sharci dajinta ee dalka Masar, iyada mudanayaasha baarlamaanka dalka Masar ay si adag ugu gacmo saydheen goaan ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee wadankaa oo bayaaminayay in la kala diro baarlamaanka dalka Masar, waxaa si weyn loo saadaalinayaa in ay kacdoonadani si weyn u sii laba jibaarmaan, dhinaca kale  la filayaa in maanta ay isku dayaan in ay gudaha u galaan baarlamaanka dalkaasi.    

Geesta kale, Urrurka Ikhwaanul Muslimiinka ee dalka Masar ayaa sheegey in musharraxoodda ugu tartamayay doorashadii madaxtinimada dalkaas  Mohamed Mursi uu ku guuleystey wareegii Labaad ee doorashooyinka madaxtinimada ee dalkaasi ka qabsoomay laba maalmood ka hor.        

 
Sidoo kale taageerayaasha musharaxa kale ee soo hor jeeda Mr Mursi, oo lagu magacaabo Ahmed Shafiq, ayaa iyana dhnacooda gaashaanka ku dhuftay dhawaaqan iyaga oo ku dooday in ay ku qanci doonaan goaanka kama danbaysta ah ee ay Guddiga doorashada dalkaasi ka soo saaraan natiijooyinka kama danbaysta ah ee  doorashada.        
 

Dhinaca kale Madaxweynihii 84 jirka ahaa ee xukunka laga eryay ee dalka Masar oo ay maxkamdi ku xukuntay madaxaa haku furto ayaa loola cararay cusbitaal milatari oo ku yaala dalka caasimada dalka Masar ee Cairo ka dib markii wadnaha lagaga soo booday (Haert Attack) oo uu wadnuhu istaagay xaaladiisa caafimaadna qarka u saarantay geeri.

Qareenka Mubarik ayaa gaashaanka ku dhuftay warar si weyn la isula dhex marayo oo tibaaxaya in uu dhintay Hosni Mubaarik, waxaanu sheegay in uu weli nool yahay inkasta oo ay aad u liidato xaaladiisa caamifaad oo uu sariir yaal dhimasho iyo nolol u dhaxeeyya uu ahaa mudooyinkan danbe ee uu xidhnaa.

Dhakhaatiirta Cusbitaalka Milatari ee la dhigay Hosni Mubarik oo ku yaala Maada ayaa sheegay in wadnaha Xusni Mubaarik uu gebi ahaanba joojiyay garaacii, taas oo quus ka dhigaysa rajada laga qabo noloshiisa.      

Hosni Mubaarik oo buus ay maxkamadi ku xukuntay madaxaa haku furto ka dib markii lagu soo eedeeyay gumaad lagu khaarajiyay dad aad u tiro badan oo reer Masar ah markii lagu gudo jiray kacdoonadii ay shacabku kaga soo horjeedeen xukunkiisa ee ka dhacay dalka Masar oo ay ku naf waayeen shacab aad u badani.
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

Soohaad10@hotmail.com

Hadhwanaagnews/Office

Kampala/Uganda

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.