Wakaaladdaha Wararka-(HWN)- Madaxweynayaasha Dalalka Maraykanka Iyo Ruushka ayaa Si wadajir ah guu baaqay in si degdeg ah loo soo afjaro dagaaladda Iyo qalalaasaha lagu hoobtay ee ka oogan salka Syria, sidaana waxa ay ku sheegeen w
FONT-SIZE: 12pt; mso-fareast-font-family: ´Times New Roman´; mso-ascii-theme-font: major-latin; mso-hansi-theme-font: major-latin; mso-bidi-font-family: Arial; mso-ansi-language: SO" lang=SO>arsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen kulan ay yeesheen ka dib kaas oo ay ku xuseen in ay ixtiraamayaan goaanadda ay shacabka dalka Syria ay kaga tashanayaan aayahooda mustaqbaleed.
Kulankan dhex maray Labada hogaamiye ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee ay yeeshaan tan iyo intii dib xilka loogu soo doortay madaxweynaha wadanka Ruushka President Putin,
Sidoo kale President Obama ayaa kulankan ka dib shaaciyay n ay labada dhinac isla afgarteen in ay s wadajr ah uga shaqeeyaan waxkaqabashada xal u helida dhibaatooyinka caaalamka gaar ahaan qalalaasahan ka taagan dalka Syria.
Wadamadda Shiinaha iyo Ruushka ayaa dhawr jeer codka diidmadda ee qayaxan ee Veto-ga ah u u isticmaalay qaraaro lagula tacaalayay wax ka qabashada xaalada cakiran ee ka dhisaalan dalka Syria oo Qaramadda Midoobay ay ku doonaysay in xoog lagu galo dalka Syria si xukunka looga tuuro Madxweynaha dalka Syria Bashar Al Asad, taas oo ay sheegeen Labadaa dal in aanay sinaba u aqbali doonin.
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
Soohaad10@hotmail.com
Hadhwanaagnews/Office
Kampala/Uganda