madax sar sare oo ka tirsan xukumada dalka Norway iyo madax iyo diblomaasiyiin reer Somaliland ah oo ay horkacayeen wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway Mudane sulub Warsame iyo dhamaan jaaliyada reer somaliland qaybeheeda kala duwan Odayaal salaadiin haween iyo dhalinyaro
Hadaba soo dhawaynta uu maanta la taliyaha madaxweynuhu Mudane ABIIB uu kala kulmay jaaliyada dalka Norway ayaa la odhan karaa waa soo dhawayntii ugu balaadhanayd ee uu abid ka helo dalka Norway masuul sare oo reer somaliland ahi taas oo ay maanta soo galbiyeen madax aad iyo aad u tiro badan . Intaa ka dib
waxa la dajiyay Hotel loo sii diyaariyay .
Hadaba soo dhawaynta caynkan ah ee uu maanta la taliyaha madaxweynuhu kala kulmay jaaliyada Norway iyo guud ahaan xukumadaba waxa ay shicibka reer Somaliland u tahay guulo wax ku ool ah oo aad loogu diirsado, iyada oo ay booqashadani tahay tii koowaad ee uu mudane Abiib diiriye ku yimaado dalka Norway tan iyo intii uu xilka sare ka qabtay Somaliland,
Hadaba waxa la filyaa in uu Mudane xaaji abiib diiriye la kulmo qaybaha kala duwan ee jaaliyada 23 ama 24/6
Wixii war iyo sawiro dheeraad ah ee ku saabsan waftiga la taliyaha madaxweynaha Somaliland dib ayaad kala socon doontaan
Abdirahman
Oslo norway
Hadhwanaagnews