ah Soomaaliya ayaa shalay ka amba baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana isla shalay ay gaareen meel aan sidaa ugu fogeyn halka shirka lagu qabanayo maanta.
Wada hadalka Somaliland iyo Somalia ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee labada dhinac dhex mara waana markii ugu horeysa wafdi ka socda dowlda Somaliland ay si gooni ah ula fariisteen kooxaha Somalida .
Wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday in ujeedada shirka ay uga qeyb galayaan ay tahay in ay helaan ictiraaf caalami ah balse aysan shirka ugaleynin in ay ku milmeen maamulada tira badan ee ka jira dalka Soomaalia.
Hadaba shirkaan oo saacadaha soo aadan si toos ah ufurmaya ayaad kala socon doontaan wixii ka soo baxa Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews
Xasan Kuuriya
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
kuuriya@hadhwanaag.org