marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka somaliland marka xigtana waxaan salaan gaara u dirayaa war baahinta somaliland kuwooda guta waajibka ka saaran wadanka isla markaana ilaaliya muwaadin nimada,,
anigoo sacad ciise cumar dagan magaalada berbera waxaan aad u jeclaaday in aan ka dhiibto fakarkaga shirka maanta oo bishu tahay 20/6/2012 uga furmay somaliland iyo somaliya magaalada london,
GUUD MAR
aduunkoo dhan way ka dhacdaa arintan maata labada shacab ugu hadal haynta badan yihiin, hargeysa waxay is leedahay 21 sano kadib maanta ayaad hor fadhiisatay xamare waxaad tidhaaahdaa walaalkoo oo geel dhaqday hadii aad aragto miyaad bukoonaysaa xamaray,, xamarna waxay is leedahay 21 ka hor ayaa walalkaa kuugu danbeysay bal hor fadhiiso oo waxaad tidhahdaa walal hargeysay hashan kuu dhashay
aan caano iiga soo lis///
ANIGA WAXAY ILA TAHAY
anigu shiqsiyan waxaan qabaa in ay haboonayd waqti hore wada hadaladani laba sababoodba dartood, sababta 1aad shacabka somaliland hashan caanaha macaaan ee ay 21 sano beerta xoriyada ugu geedo dhigayaan, waxay noqon lahayd hal aduunkoo dhan simadeeda laga aqoonsado ama hal halkaa ugu jirta ilaa inta ay nooshahay.
sababt 2aad qolyaha wata magaca somaliya waxay ogaan lahaayeen xaqiiqada meesha taalo waayo war baahinta mooyee il may saarin somaliland kii isku dayana waa la xidhaayey, sidaa daraadeed wax badan oo niyadooda ku jira ayaa ka bixi lahaa waxaana ay ogaan lahaayeen ama u soo bixi lahaa wax yaabo badan oo hada aanay maanka ku hayn..
ugu danbeyntii anigu waxaan shirkaa ka filayaaa wax somaliland wax u tara isla markaana kooxaha soamaliya ku qanciya in ay candhuuftooda dib u liqaan
sacad ciise cumar
berbera somaliland
tell 25279000087/ 25224480649