Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wada Hadaladda Somaliland Iyo Somalia: Hadii Uu Furmay Maxaa Shacabka Somaliland U Cuntama?


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 20, 2012
Wada Hadaladda Somaliland Iyo Somalia: Hadii Uu Furmay Maxaa Shacabka Somaliland U Cuntama

Kent (HWN) Guddiyo ka socda labada dal ee Somaliland iyo Somalia oo ay wehelinayaan beesha caalamku ayaa hadda wada hadalo fool ka fool ahi uga furemeen  Tuuladda KENT oo sodon kiiloo Mitir u jirta Magaalada London.

Tuuladda Kent ayaa goobta loo xaadh-xaadhay in uu shirku ka dhacaa waxa ku yaala guri taariikhi ah oo la yidhaahdo   Chevening House, kaas oo markii ugu horeysay binadiisa la sheegay in la dhisay 1630 sano ka hor.

 


justify; MARGIN: 0cm 0cm 0pt" class=MsoNormal>Waa dhisme taariikh weyn ku leh dalka Ingiriiska, waxaana maanta halkaas la wada fadhiisayay laba dal oo 1960-kii wax isku darsaday balse dib u soo kala laabtay 1991-kii 

 Wada hadaladdan u furamay labadda wadan oo ay beesha caalamku ka soo shaqaysay ayaa la filayaa in ay jilbaha is daraan, iyada oo ka soo qayb galayaasha beesha caalamka ka socdaa hor iyo horaanba dhagaysan doonaan aaraahda ay kala qabaan labadda dal.

 

 

Dalka Somaliland oo 1960-kii midaw lagu hungoobay la galay dalkii la isku odhan jiray Somalia ayaa dib ula soo noqday xornimadiisa sanadkii 1991-kii, ka dib markii ay u adkaysan waayeen tacadiyadii ay Dawladii Maxamed Siyaad Bare u geysatay shacabka.

 

Somaliland oo 21- sano gooni u taagnayd waxa ay qabsatay doorashooyin, waxaana hadda u diyaar ah in ay mar kale qabsadaan doorashooyinkii golaha deegaanka oo ay ku tartami doonaan 9 urur siyaasadeed.

 

21-kaas sano waxa ay beesha caalamka cod dheer iyo mid gaabanba ugu sheegtay in ay ka sugayso ictiraafkii caalamiga ah, balse sababo jira awgood dhawaaqaasi ma noqonin mid ay dhagaha u raariciyaan beesha calaamku.

 

Waxa ugu yar ee ay shacabka Somaliland ah oo ka ay taladda dalku ka go’addo, dhibaatadda ugu badanina ay soo gaadhay dhagahoodu maqli karaan waa iyada oo ay madal loo dhan yahay Somalia kaga dhawaaqdo in ay yihiin laba dal oo isku barbar nool, walaalona ah, balse wax ka yar taasi uma cuntamayso.

 

Dhinaca kale dalka Somalia oo 21-kii sano ee ay Somaliland Dimquraadiyadda ku talaabasatay u ahayd dagaalo iyo umula doox, waxa  loo badinayaa in ay shirkan la yimaadaan qodob ah in ay Somaliland tahay dal ka tirsan Soomaali weyn.

 

Si kastaba ha ahaatee shirkan oo soo xidhmi doonaa maalinta Jimcaha ah ayaa laga sugayaa natiijadiisa waxa uu ku dhamaan doono.

 

 

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.