Marka hore waxaan salaamayaa bahdda warbaahinta hadhwanaagnews.com, bacdal salaan..
Hadaan gudda galo mowduuca laga doodaayo maanta oo ah wada hadalada Uk uga furmay DKMG Iyo Somaliland Beesha caalamkuna ka tahay goob jooga maxuu soo kordhin karaa Oo Waxtar ah ?
´´Waxaan oran lahaa waxuu soo kordhin karaa wax weeyn Labada dhinac ee wada hadlaayo marka laga sootago siyaasada, Waa wada Soomaali isku Af, isku Diin, isku Dhaqan, umanna ay baahna in lookala Turjumo, sideedana wada hadal ba laguma qasaaro oo hadii la wada hadlo waxaa la isla fahmi karaa wax kasta Oo la isku dhigto ama Ra´yi Araah Lawadaago, Maah Mah, Soomaali ah ayaa ah, AANU WADA HADALNO WAA AANU HESHIINO.. Waxaanba qabaa in lala dib dhacay oo lala
soo daahay inay Wada hadlaan Somaliland iyo Dowlada Kumelgaarka ah Waayo Mudo dheer baa lakala aamusanaa maanta waxaa lasoo gaaray xiligii lawada garami lahaa Oo ama Somaliland La siideeyn lahaa ama Lasoo cellin lahaa
Inkastoo wada hadalada Labada dhinac qodabada ay ka doodayaan ilaa iyo hada aysan kala cadeeyn oo aysan waa dax aheeyn hadana waxaa illa quman aniga aragtideeyda in la taageero wada hadaladaas Lagana Dhursugo waxa kasoo baxa Shirkaas London ,, ROO NAANNA RABIBAA OG...
Cabdifitaax Cabdi Cabdi Cadceed DhAADEEY
E-mail. Dhaadeey@hotmail.co.uk
London UnitedKingdom
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga