Hargaysa(HWN)-Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyi jiray dalka Maraykanka Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur, ayaa siyaasada arimaha dibada ee wakhtigan ku tilmaamay mid halis ku ah dalka iyo guud ahaanba Geeska afrika.
Diblamaasigani waxa uu xusay inay badhax dhaaftay siyaasadii dibada, isla markaasna la garan layahay meel ay ku jihaysantahay, waxaanu soo jeediyay inay tahay in laga jawaabo sida loo badalay siyaasadii arimaha dibada ee ku waajahnayd inay Somaliland tahay dal madaxbanaan oo gooni isaga taagay waxii laysku odhan jiray Somaliya.
Sacad Sheekh Cismaan Nuur waxa
uu sidan ku sheegay mar uu waramay wargayska Geeska Afrika iyo Tilifishanka HCTV gudaha magaaladda Hargaysa oo uu muddooyinkan dambe ku sugnaa. Waxaanu diblomaasi Sacad Sheekh ku bilaabay hadalkiisa Siyaasada dibada ee dawlad waliba leedahay wax loo sameeyaa in ay daryeesho oo badbaadiso ahdaafta ay doonayso inay dadkeeda ku daryeesho, siyaasada dibaduna waxa ay qabataa uun dadkaasi waxa uu doonayo inuu ku noolaado iyo sida uu dadka jaarka ah ee isaga u dhaw ula noolaan lahaa. Waxaad mooda intii danbe siyaasada dibada ee Somaliland oo ahayd mid la dhigay oo in badan soo tiilay, horena warbaahinta waan ugaga hadlay eraybaan isticmaalay ahaa in siyaasadii arimaha dibada badhax la galiyay oo sidii hore ee ay ahayd ay iska duday, imikana waxa muuqata runtii in ay badhax dhaaftay, inay noqotay badalaad cad oo aan dadkana waxba laga waydiin meel ay u socotana cidi aanay garanayan. Ayaa uu yidhi, waxaanu isaga oo hadalkiisa siiwata uu yidhi Waxa qurux badnaan lahayd dadka leh waxaynu ku jirnay Koontiinar, oo Koontiinarkii ayaan dadka ka saarnay, bal haday-noqotaba inay dadku koontiinarku jireen oo ay leeyahiin waan ka saarnay xageed dadkii iyo dalkii gayseen weeye, meel alle iyo meel dadkii, dalkii iyo siyaasadii la geeyay cidina garan mayso, waxaad mooda in laga soo noqday goaankii soo jireenka ahaa ee ahayd Somaliland waa jamhuuriyad madaxbanaan goonina isaga taagtay intii laysku odhan jiray Somaliya,waxaad mooda maanta ta socotaa inay badhax dhaaftay oo ay goaankii ka hortimi.
Sacad Sheekh waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday Suaasha meesha imanaysaa waxa weeye horta maxaynu u badalnay siyaasadeenii dibada, hadaynuse badalnayna maxaynu ku badalnay, suaashaas hore lagama jawaabin ma badalnaa mise ma badalno oo intaan ogahay bulshada looma soo bandhigin, waxaad moodaa in la afduubay siyaasadii dibada ee dalka dabadeedna meeshan imika la leeyahay waa lagu shirayaa lala tagay, suaashuna waxa weeye ma ka heshiinay inaynu badalno horta, maya weeye jawaabtu, haday tahay mayee cidna maanu waydiin ee anagaa badalnayna, maxaad ku badasheen weeye, haday tahay shirbaan tagaynaa maxaad la tagaysaan weeye, intaas cidina maoga ee wax sidaas uun isku dhex wareegaalaysanaya oo aan xag danbe iyo madaxtoona lahayn cidina fahansanayan weeye, dalkan halisbay ku tahay, gobalkana halisbay ku tahay.
Shakigan xoogan ee uu safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Maraykanka uu ka muujiyay siyaasada arimaha dibada ee xukuumadda haatan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay wadahadalo toos ah ku dhex mari doonaan Somaliland iyo Somaliya dalka Ingiriiska.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com