Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ceerigaabo: Weerar Gaadmo ah oo ay Soo Qaadeen Koox Dablay oo Hubaysan oo ay Ku Dhinteen 3 Qof oo Rayid ah tiro kalena ay ku dhaawacmeen


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 20, 2012
Ceerigaabo-(HWN)- weerarkan ayaa waxaa uu xalay fiidkii ka dhacay tuulada gowsa

Ceerigaabo-(HWN)- weerarkan ayaa waxaa uu xalay fiidkii ka dhacay tuulada gowsa wayne oo ka tirsan gobolka sanaag waxaana weerarkan soo qaaday koox dablay ah oo wadatay laba gaadhi oo yar yar waxaanay rasaas ku fureen dadkii magaaladaas joogay.


sida ay noo xaqiijiyeen dad xogogaal ah oo ay hadhwanaag la xidhiidhay oo goobtaa ka dhowaa ayaa waxaa ay sheegeen 3 nin ay ku naf waayeen weeerarkan gaadmada ahaa dhacdadadan ayaa sidoo kale  ilaa 4 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qaar ka mida dadkii ay laayeena ayaydabladydani  hore u sii kaxaysteen gaadiidkii ay wateen oo ahaa gadhi Land cruiser ah  kuwaasoo aan waxba galabsan oo dhamaantood ahaa dad shicib ah



waxaa guud ahaan maanta kacsan degaamadii xalay lagu laayay dadka waxaana heegan la geliyay dhamaan ciidamada aagaas ku sugan si ay u ilaaliyaan amaanka iyo kala danbaynta iyadoo guud ahaan degaankan yahay dhul daaqsimeed banaan ah oo loo yaqaano ban cade ayaa waxaa waqtigan u soo guura dadka reer guuraaga ah.

ilaa iyo hada lama garanayo sababta ay dablaydan hubaysani u dileen dadkan balse waxaa jira waan waan iyo dadaal ay xukuumado ku doonayso inay arinkan wax kaga qabato inkastoo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno masuuliyiinta agaas hadan nomay suura gelin balse waxaanu idiin soo gudbin doonaa saacadaha soo socda wixii ka soo kordha


Farhan M. Hidig
xafiiska wararka Hadhwanaagnews.com
tell:4200447
ceerigaabo Somaliland
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.