Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Qaxoontiga Ethiopia Ee Magan Galyada Ku Jooga Somaliland Oo Cabasho Ka Muujiyey Adeeg La,aan Soo Foodsaartay.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 20, 2012
Hargeysa(HWN):-iyada oo ay maanta ku beegnayd maalinta qaxoontiga Aduunka ee 20/06/2012 aya qaxoontiga magan galyada ku jooga Somaliland

Hargeysa(HWN):-iyada oo ay maanta ku beegnayd maalinta qaxoontiga Aduunka ee 20/06/2012 aya qaxoontiga magan galyada ku jooga Somaliland ee ka soo jeeda wadanka Ethiopia ay cabasho xoog leh ka muujiyeen adeegyo la,aan soo foodsaartay oo ay ka tirsanayaan xukuumada Somaliland iyo hay’adda qaxoontiga aduunka ee UNHCR.



src="http://www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_69483d_2012-6-20-18-1-46f_u_69483d_2012-6-20-17-55-9f_X1.jpg" width=600>

Qaxoontigan magan galyada ku jooga Somaliland ee ka soo jeeda Ethiopia ayaa cabashadoodu ku salaysnayd adeegyo la,aan soo foodsaartay oo ay sheegeen inaan waxba looga qaban dhinaca Caafimaadka,Biyaha, iyo waxbarashada.

Dadkan oo maanta cabashadooda ku muujinayey goob ay ka degan yihiin magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay todobaad kasta caruurtoodu u dhimato nafaqo daro soo gaadha taas oo aan aanay waxba uga qaban xukuumada Somaliland iyo hay’adda UNHCR-ba.

Sidoo kale dadkan qaxoontiga ah ee magan galyada ku jooga Somaliland balse ka soo jeeda wadanka Ethiopia waxay sheegeen in hay’adda qaxoontiga aduunka ee UNHCR ay ka jartay adeeg ay u fidin jirtay kaas ahaa inay siin jirtay dhaqaale ay ku kaabaan noloshooda ayna ku qaadan jireen qoraalo cadayn ah oo ay hay’adda UNHCR u samaysay kuwaas oo muujinaya inay yihiin qaxoonti magan galyo ku jooga Somaliland balse ka soo jeeda wadanka Ethiopia.

Maaha markii ugu horaysay ee qaxoontiga magan galyada ku jooga Somaliland ay cabsho ka muujiyaan adeeg la,aan soo foodsaartay oo ay sheegeen inaanay waxba u qaban xukuumada Somaliland iyo hay’adda UNHCR balse cabashadooda ayaa ah mid soo noqnoqotay.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.