Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Faa’idada laga helay qoritaanka afka soomaliga by Hamse riraash


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 20, 2012
Umad kastoo aduunyadani ku dhaqani waxay horumar gaadhaa markay aaminto afkooda iyo saqaafadooda

Umad kastoo aduunyadani ku dhaqani waxay horumar gaadhaa markay aaminto afkooda iyo saqaafadooda,taasi oo ay ku gaar tahay isla markaasina ay uga duwantahay umadyowga kaleete ee caalamka kula dhaqan.


sidaasay tahay waxa jira af lagaga hadlo geeska afrika afkaasi oo la yidhaahdo  soomaali,isla markaasina leh suugaan iyo dhaqan suuban oo soo jiray mudo aad u fara badan, waxana lagu tiriyaa afkani inuu ka mid yahay  afafka  aduunka ugu hodansan ,balse in badan oo dadka ka midi waxay aaminsanyihiin oo ay ka dayriyaan inuu afkani ka mid noqon karo afafka aduunyada kasii dabar go’ya.


115%">


mashaakil badan oo ka haysatay umada qoritaan la’aanta farta soomaaliga ayaa keenay caqbad,isla mar ahaantaasina  waxa laga maarmaan noqotay in la helo af qoran oo bulsho ku hadasho.


todabaatameedyadiibay ahayd markay u guntadeen aqoon yahan fara badan meel dhegida iyo qoritaanka farta soomaaliga,wallow degdegbadani ku jirtay hadana waxay soo dhawayn iyo amaan badan ka heleen bulsho weyntii soomaalida,kuwaasi oo ugu hanbaliyeeyay ficilkaas wanaagsanaa ee ay qabteen.hadaba waa inaynu sii wadnaa geediga si aynu kor ugu qaadno kobcinta afka soomaaliga si ay jiilba jiilka ka danbeeyaa ugu baraarugaan qiimaynta iyo milgaha luuqadooda.ugu danbayntii waxa amaan leh in jaamacada qaarkood ee ku yaala north America iyo yurub in lagu bilaabay barashada luuqada soomaaliga.

Hamse riraash

hamseriraash@hotmail.com

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.