Sidaa darted waxa ay ila noqotey inan qoraalkeygan talo ahaan u gudbiyo si ay uuga faaiideysato cid kasta oo dan moodaa.
Qoraalkani maaha cilmi baadhis, manaaha aqoon siyaasadeed oo ku doodeysa iney wada sax tahay, balse waxa uu ku saleysan waaya aragnimo iyo aqoonta shakhsi muwaadin ah oo ay dhici karto in waxyaabaha qaarkood lagu kala fikir duwanaan karo. Waxa kaloo dhici karta in ay jiraan dad badan oo haya fikir kan an halkan ku soo bandhigay ka fiican oo dhaxal gal noqon kara.
Arrinka qoraalkan u gaarka ihi waa qoraaga oo u soo joogay arrimaha uu ka hadlayo oo dhan aqoon dheerad ahna u leh siyaasadda Somaliland iyo weliba nidaamka caalamku ku shaqeeyo.
Qofka akhrisanaya waxa an kula talin lahaa inu intii anfacda uun ka qaato oo markaa isna/iyana wixii uu ku kordhin karo/karto halkaa ka sii anba qaado.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa bishii April 2012 magaaccbey guddi farasamo oo ka kooan 5 xubnood oo loogu tala galey inay ka hawl-galaan qaban qaabada iyo qaabka wada hadalka Somaliland iyo Somalia noqon karo. Gudidu waxa ay ka koobney 5 xubnood oo kala ah:
1. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Debedda.
2. Maxamed Nuur carraale, Wassiirka Arrimaha Gudaha.
3. Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Hawhlaha Guud iyo Gaadiidka.
4. Xusen Axmed Caydiid, Wasiirka Caddaalada iyo garsoorka.
5. Professor Faarax Cilmi Maxamuud.
Magacawga gudidan ayaa qeyb ka aheyd, sida xukuumaddu ku doodey, in Somaliland dhinaceeda fulinayso goaamadii shirkii caalamiga ahaa ee London lagu qabtey 23kii February 2012.
Dhawr asbuuc ka dib magacawgii gudidaas ayay xukuumadda Somaliland qaadacdey ka qeybgalka wada hadalka Somalia iyada oo ka biyo diidey guddiga ay dawladda kumeel gaadhka ah ee Somalia ay u magacawday wada hadalkaas.
Badhtamihii bisha June, 2012 ayaa haddana xukuumadda Somaliland magacawday guddi cusub oo uuga qeyb gala wadahadalka Somalia. Guddidaas waxa ay ka koobantahay:
1. Mudane Mohamed Abdillahi Omer, Wasiirka Arrimaha Dibedda;
2. Mudane Hirsi Hassan haji Ali, Wasiirka Madaxtooyada;
3. Mudane Bashe Ali farah Farah, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada;
4. Mudane Faisal Ali waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID;
Markii la magacaabey guddida hore, waxa an ka fekerey in gudidaasi aanu miisaanneyn oo aaney ka muuqan qeybo badan oo Somaliland ihi. Waxa kaloo iyana werwer i galisey markii wax yar ka bacdi ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdey iney ka baxeen wada hadalkii. Labada goorba waxa an ka shakiyey in sida wadahadalkan ay Somaliland u waddo ay ku jirto degdeg iyo arrimaha oo aan si ballaadhan loo falanqeyn.
Waxa an rumeysanahay in xukuumadda manta joogta ay qaaddey tallaabo dhaxal gal ah oo aan u suuroobin xukuumadihii ka horreeyey. Mujtamaca badan ayaa dawladda ku hanbalyeeyey tallaabadan halka dadka qaarkoodna ay ka biyo-diideen. Anigu shakhsiyan aad ayaan u taageersanahay mabdaa ah in la wada hadlo balse waxa woxoogaa walaac ihi iga galey in sida wax loo bilaabay ay wax ka dhiman yihiin, sidaa darteedna waxa goostay inan sameeyo qoraalkan kooban oo an is idhi bilaayo talada wax ku kordhiyaa.
Haddii ad taageersantahay iyo haddii ad diidanhay wada hadalkan, midna iminka macne badan sameynmaayo waayo arrinkiiba waa la galey oo uu socdaa. Iminka wax ma tareyso faro isku fiiqfiiq iyo is eedeyn balse waxa habbon in meel la iska wada taago oo wixii talo iyo taageero ah ee la is bido lagu kordhiyo. Wixii manaafacaad ah ama dib-u-dhac ah ee wada hadalkaas wey saameeyneysaa qof kasta haddii uu yahay mid taageersanaa iyo haddii uu yahay mid ka soo horjeedey. Waxa kalooy saameyneysaa jiilalka soo socda ee iminka aan siyaasadda ku jirin amaba aan dhalan. Sidaa darted waxa shacabka iyo siyaasiyiintaba ku waajib ah ah in arrinkaas mawqif la iska wada taago taageero weynna la siiyo. Waxa iyana waajib ah in xukuumaddo aaney qab iyo ismacaashsiin muujin ee ay dhagaysato cidkasta talooyinka loo soo jeedinayo.
Arrimaha khuseeya Somaliland iyo Somalia iyo sida uu mustaqbalkoodu noqon doono waa arrinta uugu xasaasisan uuguna adag ee soo waaajahda Somalilanad marka laga reebo dagaalkii lala galey dawladdii hore, haddaaney aheynba tii uugu adkeyd. Dagaalka
waa la garanayey halka wax lagaga hagaagayo balse arrintan waxay u baahantahay xeelad iyo aragti ay u muuqato inay weli wax ka dhiman yihiin.
Inkastoo dawladihii soo marey Somaliland iyo shacabkeeduba ay difaaceen madaxbanaanida doodoodana adkeeyeen hadana waxa caddeyd in madaxda iyo shacabku ay u muuqatey inaaney isku meel ka taagneyn oo mawqifka shacabku ka adkaa kana caddaa. Mararka qaarkoodna ad moodeysey inu faraq ku jiro xukuumadda iyo shicibka.
Sababaha faraqaa keenayey waxa uugu weynaa iyaga oo shacabku bilowgiiba mawqif cad istaagey oo aan marnaba mugdi gelein madax bannaanida halka siyaasiyiin badan ay rumeysnaayeen in weli xamar la sii kala laalaado. Farqiga u dhexeeyey siyaasiyiinta laftooda waxa uu ahaa iyaga oo qaar caddeystey mawqifkooda Somalia wax la wada lahaanayo bilowgiiba, halka qaar kale ay hoosta ka aaminsanaayeen in Somalila la isku xidhnaado balse haddana ay dadka dhex qaadayeen, iyagoo ay jirtey qaar Somalilandna madax ka ah Muqdishana xidhiidh wanagsan la wada. Waxase jirey siyaasiyiin badan oo daacad ay ka aheyd madax bannaanidu oo aan rabin in wax xidhiidh ah lala yeesho Muqdisho.
Waxan jecelahay inan iftiimin ka bixiyo marxaladaha kala duwan ee ay soo martey siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland gaar ahaan inta khuseysa Somalia. Waxan arrintaa u ifiiminaya si wixii la soo marey looga faaiideysto oo mustaqbalka si fiican loo qorsheeyo. Marxaladaha waxa an u kala qaadayaa 2 qeybood iyo mid 3aad oo ah ictiraaf raadinta raadinta Somaliland.
1. Mudadii u Dhexeysey 1991 - 1994
Shirkii Burco ee 1991 waxa caddeyd in madaxdii SNM qaarkood, gaar ahaan siyaasiyiintii shicibka ahaa, ay jeclaayeen in mustaqbalka dalka la sii lafaguro oo aan goosashada lagu dhawaaqin, balse shacabkii iyo mujaahidiintii shirka ka soo qeyb galay ayaa hafiyay oo waxa la
goaansadey madax bannaanidii dalka in lala soo noqdo. Iyadoo mawqifkaasi ahaa mid bulshadu u dhantahay ayaa haddana siyaasiyiinta qaarkood ay weli aaney ku qanacsaneyn in Somaliland ay gooni uga baxdey Somalia.
1.1. Safarkii Cismaan Jaamac ku tegey Muqdisho 1991 kii
1.2.
Bilowgii 1991 ayaa waxa muqdisho yimi mudane Cisman Jaamac Cali (Cisman Kaluun) iyo wafdi uu hoggaaminayo. Cismaan markaa waxa uu ka tirsanaa golihii dhexe ee SNM isla markaana ahaa siyaasi miisaan cuclus oo ka soo jeeda Somaliland. Mudaddii ay wafdigu joogeen Muqdisho, waxa ay la kulmeen madaxdii USC oo uu madax u ahaa General Caydiid (AHUN) iyo madax kale oo Muqdisho ka soo jeedday. Wuxu ahaa safar ay USC iyo taageerayaasheeduba ay aad ugu farxeen oo niyadda u dhisey maadama ay dagaal kula jireen ciidankii dawladdii hore oo markaa fadhiyey Afgooye.
Maalin maalmaha ka mida ayuu Cismaan Jaamac iyo Hussein Cali Xirsi oo wafdiga ka mid ahaa ay la kulmeen dad aad u tiro badan oo iskugu soo ururey xaruntii xisbiga hantiwadaagga ee xukuumaddii hore ee Muqdisho. Xaruntaas waxa joogay qoysas aad u tiro badan oo reer woqooyi ah iyo gaadiidkoodii oo raran oo u amba baxayay dhinaca Somaliland. Cisman oo dadweynihii meeshaa joogay khudbad u jeediyey ayaa ku adkeeyey in dadku aaney guurin ee ay joogaan halkooda oo dalku isku mid yahay oo laga qeyb qaato difaaca Muqdishu. Dadka oo ay xamaasad badani ku jirtey aadna u xiiseynayey iney dhakhso u dhoofaan ayaa jahawareer ku dhacey. In kastoo ay aad ugu faraxsanaayeen imaatinka Cisman iyo wafdigiisa haddana arrimuhu way ka qasmeen oo waxa ay garan waayeen mawqifka xukuumadda Somaliland markaa ka jirtey ee la soo noqoshada madax bannaanida maadaama uu Cismaan uu ahaa siyaasi ka socoday Hargeisa. Cisman Jaamac markii u ku noqday Hargeisa, waxa uu la kulmey cadho badan iyo dadkii oo u arkey inu qadiyadoodii badhxey. Dadweynaha guud shaki badan ayaa galey oo waxa ay rumeysnaayeen inaan Cismaan keligii mawqifkan gaadhin ee
uu wato fikir siyaasadeed oo dawladii Somaliland markaa ka jirtey ay qabtay. Cismaan oo ka mid ahaa siyaasiyiinta u cadcadaa uuguna magaca dheeraa halkaas ayuu feylkiisii siyaasadeed ee Somaliland kaga xidhmey.
1.3. Safarkii Saleebaan Mohamoud Aden (Saleban Gaal) ku tegey Muqdisho 1991 kii
1.4.
Badhtamihii 1991 waxa magaalada Muqdisho yimi wafdi ballaadhan oo uu hogaaminayey Salebaan Mohamoud Aden (Saleban Gaal) oo markaa wasiir ka ahaa Somaliland. Wafdiga oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho ayaa kulamo la yeeshey madaxdii USC gaar ahaan General Ceydiid. Saleebaan waxa uu si cad u qeexay saxaafaddana u sheegay in labada umadood ee Somaliland iyo Somalila ay yihiin walaalo oo loo bahaanyahay in la iskaashado balse arrinta gooni isu taaga Somaliland aan laga wada hadli Karin lagana gorgortami Karin. Madaxdii USC oo safarka wefdigaa aad u shaaciyey ayaa haddana aan jecleysan mawqifka mitidka ah ee Saleeban iska taagey madax bannaanida Somaliland. Maalintii wafdigu la kulmeen General Caydiid ayaa subixii ku xigey ayaa joornaal ka soo baxa magaalada muqdisho boggiisa hore lagu soo dhigey sawirkii Saleebaan oo gacanta lagu sawirey oo bogga hore oo dhan qaatey cinwaankiisuna ahaa Goobbe oo Gaal soo direy oo laga wadey Madaxweyne Cabdirahmaan Ahmed Ali Tuur oo Saleebaan gaal soo direy. Maqaalka nuxurkiisu wuxu ahaa inu Saleebaan aanu qancin taageerayaashii USC ee u mashxaradayey oo filayey inu yidhaa isku dal beynu nahay.
Wafdiga Saleebaan waxa uu ku soo degey Hotel Guled oo ku yaalla Muqdisho waxaana soo siyaaran jirey dad badan oo ehel, tol iyo siyaasiyiinba leh. Habeen habeenada ka mida ayaa niman odayaal ihi booqasho ugu tegeen wafdiga waxa aaney la casheeyeen wasiiro ka mida wasiiradii uugu cuslaa ee wafdiga la socdey. Odayaashii markii ay soo noqdeen cashadii ayaan waxa ay ka warameen in qaar ka mid wasiiradii ay la casheeyeen ya ku yidhaahdeen waar dadkan
guryahoodii xamar ku yaalley xaraashaya la taliya oo waxa ad tidhaahdaan guryihiina ha iska iibinina meeshan waa la wada hadlayaa waana la isku soo noqonayaa. Odayaashii waxa ay aad uula yaabeen in wasiiro ka mida kuwii uugu miisaanka weynaa Somaliland ay sidaa u hadlayaan, waxaa aaney aad u tuhmeed in siyaasiyiinta qaarkood aaney daacad ka aheyn gooni isu taagga.
2. Xilliyaddii hore ee maamulkii Madaxweyne Cigaal, AHUN (1994-1996)
3.
Waxa aad u xumaa xidhiidhka Xoghayihii guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ee xilligaa Boutrus Ghali iyo Somaliland. Boutrus aad ayuu uuga soo horjeedey goosashada Somaliland halka ay Somalilandna u arkeysey inu fulinayo siyaasadda dawladda Masar oo aheyd inaan lakala goin.
Madaxweyne Cigaal ayaa xagga kale uuga wareegey oo xidhiidh la sameeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo xidhiidh wanaagsan la lahaa Boutrus Ghali. Ninkaasi ayaa labadii dhinac dhexdhexaadin ka dhex bilaabey. Muddo dhowr bilood ah markii ay dhexdhexaadintu socotay ayaa waxa Botrus Ghali soo ogolaadey in xukuumadda Somaliland ay isticmaasho magacii Somalia oo ay fadhiisato kursigii Somaliya ee jimciyadda quruumaha ka dhexeysa iyada oo ku hadleysa magacii Somaliya oo dhan. Madaxweyne Cigaal ayaa arrintaasi u soo bandhigey golihiisii markaa jirey isaga oo ku yidhi waxa jirta fursad la inoo ogolyahay inan dunida wax la qeybsanno. Ka warrama haddii an kursigii Somaaliya ee jimciyadda quruumaha ka dhexeysa an boodhka ka tumanno oo inaggu ku fadhiisano, caalamkana halkaa kala jaan qaadno. Xilligaasi madaxweyne Cigaal waxa ku xeernaa dawlad u badneyd siyaasiyiintii lagu naaneysi jirey Calan Cas kuwaasi oo markiiba gaashaanka ku dhuftay arrintaas, dadweynaha badankiisuna wey diidanaayeen hindisahaas. Arrintaa Madaxweyne Cigaal halkaa kamuu sii qaadin ee uu iska duuduubay.
Intii wakhtigaa ka danbeysey waxa Madaxweyne Cigaal si fiican ugu tafaxeytey dib u dhiskii dalka iyo inu sameeyo haykal dawladeed. Muddoyinkii u dhexeyay 1995 illaa 2000 waxa marar badan siyaasiyiin reer soomaaliya ihi ay xidhiidh toos ah iyo mid dadbanba la soo sameeyeen Madaxweyne Cigaal iyaga oo ka codsanaya inu qeyb ka qaato xalinta arrimaha siyaasadeed ee Somaliya. Qaarkood waxa ay u soo bandhigeen inu dawladda Somaliland ka jirta la ballaadhiyo laguna soo daro dad somaaliya ka soo jeeda halkaana ay ka abuuranto dawlad soomaaliyeed oo uu Madaxweyne cigaal hoggaamiyo oo Hargeisa laga xukumo. Balse Cigaal waxa uu ku adkeystey inaaney aheyn wax suuroobaya, isku day noocaas ihina uu keeni karta inu burburiyo nidaamka laga abuurey soomaaliland. Khudbadihiisii u dadweynaha u jeediyey mid ka mida ayuu Madaxweyne Cigaal ku sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay kala faataxeysteen oo aaney jirin isku soo noqod. Balse waxa kale uu khudbaddaa ku sheegey iney dhici karto ina laba umadood isu soo hiloobaan oo ay wax wada qabsadaan amaba ay midoobaan, balse taasi aaney dhaceyn muddoyinka dhow suurogalna aaney aheyn inta uu isagu noolyahay. Wax uu raaciyey, laga yaabee in jiilalka inaga danbeeya wax wada qabsadaan balse iminka iyo goor dhowna ma dhaceyso.
Mudaddii ka danbeysey 1995 ilaa maamulkii madaxweyne Riyaale may jirin wax muuqda oo ka dhexeeya Somaliland iyo Somalilya marka laga reebo arrimaha guud ee mandaqadda ka jira gaar ahaan kuwa nebedgelyada iyo sirdoonka oo ay dawladda Itoobiya ay xidhiidhineysey. Mawqifka Somaliland waxa uu mudadaas ahaa in wada hadal lala yeelan doono dawlad ka dhalata soomaaliya oo haysata kalsoonida dadkeeda. Isla mudadaasi shicibka iyo dawladdu mawqifkoodii aad buu iskugu soo dhawaadey, hanqal taagii koonfurtuna uu yaraadey marka laga reebo tiro kooban oo siyaasiyiin Somaliland ka soo jeeda ah balse arrimaha Somaliya ku dhex jira.
4. Raadinta Ictiraafka
5.
Tan iyo intii ay Somaliland ku dhawaaqdey dib uula soo noqoshada madax bannaanideeda waxa shicib iyo dawladba loo hadal badnaa in ictiraaf loo raadiyo dalka. Shrikii burco ee 1991 kii ee lagu goaamiyey gooni isu taagga waxa lagu dhisey dawlad ay SNM hogaamiso oo dalka maamusha muddo laba sannadood ah. Labada waajib ee uugu muhiimsanaa ee dawladdaasi la siiyay waxa ay kala ahaayeen iney waddanka gaadhsiiso dimuqraadiyad iyo doorashooyin xor ah iyo inay ictiraaf raadiso ooy keento. Labada waajiba waxa ay noqdeen arrimo aad u adag oo aan suuro gal noqon in laba sannadood lagu keeno. Waajibka koowaad ee ah dimuqraadiyad iyo doorashooyin la sameeyo waxa ay qaadatey in la gaadho muddo dhowr iyo toban sannadood ah, halka waajibka labaad ee ahaa in dalka ictiraaf loo raadiyo illaa hadda aan la gaadhin.
Dhamaadkii 1991 kii ayaa Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Somaliland Sheikh Yusuf Sheikh Cali Sheikh Madar (AHUN) ayaa safar dheer ku soo marey dalal ka tirsan Yurub, Mareykan iyo Kanada. Wuxu ahaa safarkii u horeeyey ee masuul miisaan culus leh oo ka socda Somaliland uu ku booqdo dalalkaas. Markii uu dalka ku soo laabtey ayaa warbaahintii markaa dalka ka jirtey ay wasiirka weydiisay safarkiisii waxa uuga soo qabsoomey iyo inu ictiraaf keenay ama soo dhow yahay. Jawaabihiisii waxa ka mid ahaa annaagu ictiraaf maanu keenin ee wax ka muhiimsan ayaan keenay. Somaliland meel laga yaqaanaa ma jirin balse iminka combuyuutaradii calamka ayaan soo gelinney oo iminka dad badan iyo dawlado badan ayaa ina yaqaana
Ictiraafku wuxu ahaa arrinta loogu hadal heyn badyahay 21kii sanadood ee Somaliland jirtey. Dadku waxa ay rumeysnaayeen iminkana rumeysan yihiin in Somaliland ay u qalanto in la ictiraafo oo loo aqoonsado dawlad madax bannaan. Mudadii u dhexeyse 1991 illaa qiyaastii 2000, markasta oo dalka ay yimaadaan wafdi dawladaha adduunka ka socda ama hayadaha deeqda bixiya waxa isu soo bixi jirey dad weyne fara badan oo socod ku soo mara
dariiqyada magaalada Hargeisa illaa ay ka soo gaadhayaan madaxtooyada. Dadkaa bannaan baxayaa waxa ay isku dayi jireen inay wafdiyada ka dhaadhiciyaan inaan laga wada hadli Karin gooni isu taaga Somaliland. Kalmaddaa uugu caansaneyd ee bannaanbaxayaashu ku dhawaaqi jireen waxa ay aheyd NO MUQDISHO.
Siyaasiyiinta iyo dawladdu waxa ay markasta daweynaha u sheegi jireen iney ictiraaf raadinayaan. Wafdiyo badan oo dibadaha u amba bixi jirey ayaa marka ay dalka ku soo laabtaan waxa warbixinta ku dari jireen iney dalalkii ay booqdeen kala soo xaajoodeen sidii Somaliland ictiraaf loo siin lahaa.
Sidoo kale, mucaaridka ayaa u isticmaali jirey iney xukuumadda ku eedeeyaan iney kari weydey iney ictiraaf keento. Dawladdii Abdirahmaan Ahmed Ali Tuur AHUN, waxyaabaha loo adeegsadey bedelkeeda wax aka mid ahaa inay dalka ictiraaf u keeni waayey.
Dawladihii soo marey dalka iyo guurtida lafteedu marka ay doonayaan iney mucaaradka indhah dadka ku jeedayaan ayaa waxa ay isticmaali jireen ereyada ah iyada oo aduunyadii inoo soo jeesatey oo ictiraafkii qarka inoo saran yahay ayaa niman mucaarad ihi dawladddii dhaleeceynayaan ama ay ka soo horjeedsanayaan. Kalmadaha noocaas ihi si fiican ayay uugu dhici jireen dadweynaha guud oo rumeysan jirey in ictiraafkii soo dhow yahay.
Waxa xusid mudan in dawladihii Ka soo jirey Soimaliland oo dhami, oo ay ku jirto dawladda iminka jirtaa, aaney marna si dhab ah iskugu taxalujin in dalka ictiraaf loo raadiyo, wax maal ah iyo maskax iyo aqqon ah aaney gelin in dalka ictiraaf loo raadiyo. Waxa iyana wax laga xumaado aheyd inan la isku deyin in dadweynaha iyo wixii aqoon la bidayo loo furin in laga dodo ama la falanqiiyo arrinta ictiraafka iyo sida loo heli karo. Waxa hubaal ah in dawladahaasi iyo madaxdooduba ay jeclaayeen in dalka la ictiraafo. Balse, si dhab ah oo cilmiyeysan aan dersin marna loona waajihin arrinta ictiraafka.
Iney taag ka aheyd iyo iney aqoon darro ka aheyd midna ma sheegi karo iminka. Waxa taas ka sii daran, inaan la isla meel dhigin ama la isla fahmin ictiraafka la doonayaa waxa uu yahay iyo halka uu yaalo ee lga doonayo. Waxan hubaa in haddii sharaaxaad cad laga bixin lahaa in aqqonna la adeegsan lahaa in dad badani ay isku deyi lahaayeen in la soo heli. Weli maanta oo la joogo si fiican looma garanayo ictiraafka la raadinayaa oo aan ka aheyn inan koonfur kala faataxeysanno oo aan la isku soo noqoneyn.
Dhowrkii sanadood ee u horeeyey wey adkeyd in la soo hadal gooni isu taagga Somaliland ama doodba la geliyo waayo dadka baqasho badan ayaa heysey oo waxa ay aad uuga shakisanaayeen siyaasiyiinta, mutacalimka, qolyaha xamar ka yimid oo ay islahaayeen haddii ad u ogolaataan in la dodo intan yare e ad ku soo mitiddeen ayay idin ka kala daadin. Sidaa darted meel kasta oo la iskugu yimaado ama wadahadal ka jiro la isma weydiin jirin gooni isu taagga iyo dariiqii lagu xalaaleyn lahaa.
Wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia
Wada hadal kasta oo ay Somaliland la gelayso Somalia waxa uu baahan yahay in si cilmiyeysan loo qorsheeyo istiraajiyad lagu heshiisyahayna meel la dhigto. Odhan maayo ma jirto arrintaasi iminka, balse inta u muuqata dadweynaha guud waxa ay u eegtahay in wax badani ka dhiman yihiin.
Waxa xusid mudan in Wada hadalkan lagu maamulo xirfad iyo aqoon iyo geesinimo. Wax kasta oo bilowga kaa qaldamaa adiga ayuu xagga danbe kaa goan yahay sidaa darted waa in tallabo kasta oo la qaadayo ay caddahay waxa looga danleeyahay in laga faaiidayo.
Wadahadalka oo ad ogolaataa waa sida dabin ad gashey oo aanad si yar uuga bixi Karin. Wadahadalka oo ad ogolaatey waxa uu la mid yahay inad ogolaatey gorgortan oo natiijadu ay noqon karto inad hesho wixii ad rabtey oo dhan, ama ad qeyb ka hesho. Haddii uu
hadafka Somaliland yahay in ay Somalila ictiraafto hadalkaasina yahay 100% natiijada la rabo. Sidoo kale haddii hadafkaaga si ad 100% u gaadho ad ogolaatey inad dhinac kale kala xaajooto, waxa xisaabtu kuu soo baxeysaa in taladu gacantaada ku jirtaa ay tahay 50% iyada oo 50% hadheyna ay gacanta uugu jirto dhinaca kale ee ad wada hadleysaan. Waa laga yaabaa in hadii ad xirfad la timaaddo inad ka hesho wax ka badan 50% oo ad gaadhsiiso 70% ama 80%. Waxa kale dhici karta inad 100% hesho wixii ad rabtey.
Sidaa darted waxa muhiim ah in Somaliland ay u caddahay waxa ay ka rabto wadahadalka Somalia ay la geleyso iyo illaa xalka ay ku qanci karto. Midi iyadu wey caddahay oo waa in Somaliland ay tahay dawlad madax bannaan oo rabta in Somalia ay ictiraafto. Balse waxa aynu ognahay in Somalia dawladeedu ay taagantahay midnimada Somalia waa muqaddas ayna u eegtahay in aaney Somalia ictiraafeyn Somaliland. Haddaba marka sidaa loo ogyahay waa inay jirtaa qorshe ah sidii meel kale looga wareegi lahaa (Plan B) haddiiba arrinku jiq noqdo. Barnaamijkaasina iminka uuma muuqdo in la isla meel dhigey.
Waxa iyana xusid mudan in shicibka Somaliland aan si fiican loogu bisleyn cawaaqibka ka soo bixi kara shirka noocaas ah. Waxa hadda dadweynaha loo sheegayaa waa wada heer sare iyo niyad dhis, balse xaqiiqdu sida mahaa. Laga yaabee inaan cawaaqibkaas adag aanu imnka soo bixin, balse ay soo bixi karto muddo danbe oo ay dawladan ama mid ka danbeysaa ay dadweynihii mawqif adag geliso iyada oo ku doodeysa annagu wixii suuro gal ahaa waanu qabanney oo waanu dedaalney balse dee intaa wax ka badan waanu keeni weyney. Haddii marxaladda noocaas ahna la gaadho waxa hubaal ah in mawqifka Somaliland uu ka daciif sanaan doono kii la soo marey iyo key hadda joogtaba.
Sidaa darteed, waxa muhiim ah in xukuumaddo bilowdo barnaamijyo wacyi gelin ah oo loogaga warramayo halka ay siyaasadda dalku mareyso iyo waxa ka soo bixi karo wada hadal lala galo Somalia si dadkuna ay dhinacooda uuga dedaalaan oo ay uuga qeyb qaataan
dedaalka xukuumadda. Haddiise marayaanuu xaalku noqdo dadweynow ka gama anagaa xukuumadii ah oo wax kastaa waa dhagdhag, waxan rumeysanahay in niyad jab badani iman karo.
Iminka iyo Mustaqbalka
Si kasta ha u dhacdee suuro gal iilama muuqato in Somaliland iyo Somalia ay heshiis kama danbeys ah gaadhayaan 3 sanadood ee soo socda. Waa laga yaabaa iney gaadhaan heshiisyo meelo soke ah oo, masalan, ku saabsan wax wada qabsi dhaqaale ama arrimaha nebadgelyada , balse marna heshiis kama gaadhayaan arrimaha xasaasiga ah sida gooni isu taagga Somaliland. Haddiiba heshiis noocaas ihi inaba dhaco, waxa ay dhowdahay inay noqoto xilliga dawladdan iminka jirta ta ku xigta, ama ha noqoto xisbiga iminka jira oo mar labaad hela ama ha noqoto xisbi kale oo la doorto e. Waxa kale oo ay u badan tahay inan marnaba heshiis kama danbeys ah oo laba dawladood lagu heshiiyaa aanu marnaba dhici doonin iminka iyo mustaqbalkatoona.
Sidaa darted waxa muhiim ah in degdegga ku jira sida iminka wada hadlkan loo agaasimayo laga saaro oo si qunyar socod ah loo wado tallaabo kastana laga fiirsado inta aan lagu dhaqaaqin.
Labadan qodob ee soo socda ayaan is leeyahay malaha talada waad ku kordhin kartaa:
1. Heshiis Gogolxaadh ah Dhex mara Somaliland iyo Somalia
Wada hadal kasta oo dawlado wada yeelanayaan wax ka sii horeeya wada hadalo gogol xaadh ah oo lagu sii lafa gurayo laguna sii diyaarinayo agendaha shirka weyn. Agendaha ka sakow waxa laga sii wada hadlaa mabaadiida aasaasiga ah ee wada hadalka danbe salka u ahaan doonta. Heshiiska gogo xaadhka ah maaha khasab in la
iclaamiyo ama warbaahinta laga sii daayo ee si qarsoon ayaa looga wada hadli karaa si haddii la isku afgaran waayo aaney u noqon arrin warbaahin ay la booddo oo fashili karta in wada hadaladu sii socdaan. Heshiis gogol xaadh ah waxa ka mid noqon kara qodobadan soo socda:.
1. In labada dhinac ay shirka la yimaadaan niyad-sami, ixtiraam iyo xushmo. Dhinacna waa inaanu la iman cadho, cunfi iyo cagajugleyn uu u geysanayo dhinaca kale.
2.
In labada dhinaca ay ku heshiis yihiin iney shirka siman yihiin oo aan dhinacna dhinaca kale hoos u dhigin ama aanu u waajihin hab nuqsaani ku jirto.
3. In tirada dadka ka qeybgeliya wada hadalku isleegtahay.
4. In dadka wada hadalka ka soo qeyb gelaya aaney ku jirin danbiilayaal dagaal, dad naceyb lagu sifeeyo iyo dad laga biqi karo iney carqalad dhaliyaan.
5. In labada dhinac isu ictiraafaan in mid kastaaba uu wakiil buuxda ka yahay dadka iyo deegaanka uu ka socdo.
6. In labada dhinaca midkoodna aanu wada hadalka ku soo darin dad ka tirsan dhinaca kale.
6. In dhinacna aan ku kicin wax borobagaanda ah ama tashuush ah oo uu ku khalkhalinayo dhinaca kale.
7. In laba dhinac midkoodna aanu soo dhiiri gelin, hubeyn ama aanu ogolaan koox, urur ama shaksiyaad iney dhibaato, aflagaado ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah dhinaca kale ka saameeyaan dhulka ay maamulkiisa sheegtaan.
8. In wixii la isku afgaran waayo dib loo dhigo oo aan la sii adkeyn si fursad loogu helo in wada hadalku sii socod.
9. In wixii aad u adkaada ee ay u muuqato in labada dhan aaney inku mari karin ay tahay in ay dib uugula noqdaan golayaashooda xeerdejinta, dawladohooda iyo ugu danbeyn dadweynahooda.
Qodobadaasi iyo kuwa kaloo oo lagu sii daraaba waa iney noqdaan heshiis labada dhinac kala saxeexdaan inta aan agende iyo wada hadal la iskugu iman.
Haddiiba ay dhacdo in heshiiska gogol xaadhka la isla afgarto oo lakala saxeexdo oo markaa loo ballamo wadahal dhab ah, waxa muhiim ah in arrimaha soo socda si tafatiran loo diyaariyo:
a) Baarlamaanka Somaliland waxa uu ansixiyey in laga qeyb galo shirkii lagu qabtey magaalada London bishii February ooay ka soo qeyb galeen maamulada ka jira wixii la isku odhan jirey Somalia oo dhan. Balse baarlamaanku muu ansixin in Somaliland iyo Somalila ay yeeshaan wada hadal ku saabsan mustaqbalkooda. Sidaa darteed, waxa muhiim ah in dawladda somaliland ay ka qeybgalka wada hadalkaas ay ka ansixiso baarlamaanka dalka.
b) Maadaama waxa laga wada hadalayaa uu yahay masiirkii umadda, waxa muhiim ah in dadka loo xulayo shirkaasi ay noqdaan dad ka soo jeedaa noocyada kala duwan ee bulshada oo aan lagu eekeysiin xubnha dawladda, ama kuwa isku fikradda ah oo keliya. Boqolkiiba todobaatan mujtamaca somaliland waa dad dadoodu ka yartahay 30 jir. Dadaasina waa kuwa uugu badan ee wadahalku saameynta weyn ku yeelan doono mustaqbalka. Sidaasooy tahay dadaasi wax door ah oo muuqda kuma laha siyaasadda dalka ee manta jirta. Sida darteed waxa muuhiim ah in ay jirto fursad ay dadka dada yar iyo kuwa dada dhexe ay kaga qeyb qaadan karaan talada.
c) Waxa muhiim ah in dumarku ay door muhiim ah ka qaataan ka qeyb galka wada hadalka oo aan rag uun lagu koobin maadaama ay wakiil ka yihii mujtamaca kala badh. Dumarku waxa kaloo ay soo jiidan karaan indhaha dawladaha
caalimaga ah ee dhexdhexaadinta soo geli kara oo loo arki karo in Somaliland tahay dawlad furfuran oo mujtamacu u siman yahay ka qeybqaadashada siyaasadda.
Koox kasta oo ka qeyb galeysa wada hadalka waa iney ku jiraan dad khibrad dheeraad ah u leh saddexdan arrimood:
1. Dad khibrad u leh Somalia iyo dadkeeda iyo deegaamadeeda. Waxa kaloo muhiim ah iney khibrad u leeyihiin nidaamkii Somalia ka soo dhisnaan jirey, sidii dawladda loo qeybsan jirey xukunku siduu ahaan jirey. Waxa kaloo muhiim ah in la hayo aqon badan oo ku saabsan sidii Somaliland iyo Somaliya ay u midoobeen 1960 iyo siyaasadihii iyo duruufihii ku xeernaa isku darsashadii.
2. Wada hadalka waa iney ku jiraan dad lagu tilmaamsan karo halgankii hubeysnaa ee dalka loo soo galey, duruufihii la soo marey iyo dhibaatada iyo khasaaraha soo gaadhey ummadda. Waxa ka mid noqon kara halgankii dhagaalka, kii siyaasadeed, duruufihii heystey dadkii ku jirey dalka mudaddii u dhexesey 1985 illaa 1990 iyo wixii dhib ahaa ee loo geystey, iyo qaxii.
3. Waxa muhiim ah in dadka ka qeyb galaya wada hadalka ay ka mid yihiin dad aqoon iyo waaya aragnimo u leh shuruucda caalamiga (International Law) iyo sida ay aduunyadu u shaqeyso. Dadkaasi waa iney aqoon dheeraad ah u leeyihiin siyaabaha dawladuhu u midoobaan ama ay u kala goaan. Shuruudaha la rabo in la buuxiyo haddii lakala goayo, waayo ugu danbeysta
heshiis kasta oo la gaadhaa waxa uu ku fadhiyayaa qaanuun.
4. Waxa adduunyada daafeheeda ku nool dad reer Somaliland ah oo aqoon sare u leh arrimaha ku xeeran wadahadal lala galo Somalila. Waxa jira qaar ka soo qeyb qaatey ama wax ka dhexdhexaadiyey waddamo kal goaya ama colaadi ka dhexeyso. Halka ay jiraan qaar aqoon tacliimeed u leh siyaasadaha dawladuhu ku shaqeeyaan. Sidaa darteed, waxa muhiim ah in dawladdu ay ka faaiideysato aqonta iyo waaya aragnimada dadkeeda ku baahsan aduunka oo aan wada hadalka lagu koobin inta ku dhex jirta siyaasadda gudaha ee dalka oo keliya ama 5 nin oo Hargeisa degen.
5. Wadahadalka waxa ka qeyb qaadanaya tiro kooban, balse waa in la sameeyaa gole ama hayad farsamo oo u diyaarisa aqoonta, istaraatijiyada, sirdoonka, wax ka ogaanshaha dadka ka socda dhinaca kale iyo sida ay fakirayaan oo farsamo iyo xogba ku kordhisaa wefdiga ka qeyb qaadaya. Khasab maaha in dadkani ay wada joogaan Hargeisa ama Somaliland ee waxa ay joogi karaan meel kasta oo dunida ah oo ay wax tarkooda ka soo dhiibi karaan.
La soco Qeybta Labaad oo ku saabsan wada hadal dhab ah oo dhex mara Somaliland iyo Somalia iyo sida loo waajahayo
by Mohamed Bile