lagu xukumay,,, iyo waxaa xabsiga loo taxaabay
Hadaba dawaladihii hore ayaa waxay mudnaanta siin jirtay dadka hada waxaad arkaysa dawlada wasiiradeedi waxaa dalka ka jog duur oo la yidhi dadka caydhso adigu intii kalena marba diyaarad ayeey saran yihiin, dhawr arimood oo wada qaldan ayaad mooda in dawaladu ku dhaqaaqdey
Taas oo la odhan karo waxay keentay in xataa laysku dayo in ciidamada la soo weeraro taasana waxaan odhan karaa waxaa keenay maamul xumo iyo siyaasadan duur looga hadhey ee isna uu askarta yidhi idinkaan idinku ogay
Hadaba arinta u baahan jawaabtu waxaa weeye isbadalkii sidan buu ku biyo shubtey
Waxaan odhan lahaa xukuumada inta aad London ku cararaysaan horta siyaasadan wareersan hagaajiya oo gudibaa loo saarey macano badan keeni mayse wax qabad dhab ah ha la arko markaas ka dib u gudba Somalia iyo wada hadal
Jamal yasin sheikh
jamaal.seatle@gmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga